Home » News »

Munaasabad Ballaaran oo lagu Xusayey 1da Luuliyo oo ka dhacday Kuala Lumpur, Malaysia

Munaasabad ballaaran oo ay soo agaasimeen Guddiga Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee (SSSM) ayaa xalay ka dhacday Hoolka weyn ee Jaamacada IIUM oo ku taal Caasimadda Dalka Malaysia ee Kuala Lumpur. Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay ku dhawaad 500 oo isugu jira Ardey Soomaaliyeed iyo waalidiin, Madax uu hoggaaminaayo Safiirka Soomaliya ee Dalka Malaysia, Bareyaal Soomali ah oo wax ka dhiga Jaamacada Dalkan Malaysia iyo Marti sharaf ka socota dalka Malaysia oo uu ku jiro Chief officer ka Booliska Degmada Gombak.

Halkan ka daawo sawirada

Xafladda ayaa ku bilaabatay jawi farxad iyo raynrayn ka muuqato waxaana dhammaan qaybaha hoolka lagu xardhay Calanka ifka iyo sharafta badan ee Dalka Somaliya, waxaan marna dhagaha iyo afka kasoo qayb galayaasha ka bixin heesaha wadaniyadda iyo halganka xorriydda la xiriira.

Dhammaan hoolka ayaa sacab iyo mashxarad la gariiray hal mar kadib markii uu soo galay Safiirka cusub ee Somaliya u fadhiya Dalka Malaysia, halkaas oo uu salaan kal iyo laab ah la wadaagay Madaxda Ururka Ardeyda Somalida, iyo kasoo qayb galayaasha kaleba, waxaana lasii guda galay furitaankii Munaasabadda oo lagu furay Aayadaha Xakiimka ah, waxaana la wareegay hadalka midka mida shuyukhda ahna Dr. bare ka ah Jaamacada Al-Madina International University, wuxuuna ka jeediyey ooraah wacdi iyo waano ba leh oo taabanaya wacyiga Ummada Somalida.

Waxaa sidoo kale qudbad ka jeediyey Gudoomiyaha Ururka Ardada Soomalida Dalka Malaysia (SSSM) Mr.Mowliid Ahmed Adan (Isbaandhays), wuxuuna si diiran ugu mahad celiyey dhammaan kasoo qayb galayaasha, Safaarada Dalkeena ee Malaysia, Dawladda Malaysia, wasaaradaha Arrimaha Dibadda iyo Wasaaradda Waxbarashada, Maamulka Jaamacadda IIUM iyo Chief Commander ka Booliska xaafadda Soomalidu u badantahay ee Gombak. sidoo kale wuxuu ugu hambalyeeyey habeenkan qiimaha weyn dhammaan ummada Soomaaliyeed, wuxuuna ardeyda ku booriyey isku duubnaan iyo wax wada qabsi.

Intii xafladdu socotay waxaa iyana kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay caruurta ahna Ubaxa Soomalida Malaysia waa ardeyda Schoolka Fuji, waxayna soo bandhigen heesaha Soomaaliyeey Toosoo, iyo heesta qaaliga ah ee Qolobaaa Calankeedu waa Caynoo … waxay sidoo kale soo bandhigeen ciyaaro fudud oo ay si wacan u xarakeeyeen iyagoo ku labisan dharka hidaha iyo dhaqanka Soomalida.
Ugu dambayntii waxaa Munaasabadda hadalka gunaanadka ah ka jeediyay Safiirka cusub ee Soomalida Dalka Malaysia, wuxuuna si heer sare ah ugu dheeraaday wadaniyada, qiimaha ay leedahay isku duubnida Ummada iyo in maanta dalku uu ku socdo wadada hormarka iyo caddaalada ayna soo xirmeen wadadii dagaalada iyo colaaduhu, wuxuu ammaan u jeediyey Jaaliyadda Soomaalida ee dalkan wuxuuna ugu baaqay inay ilaaliyaan oo dhawraan magaca ay xambaarsan yihiin ee Soomalinimada oo qof walba uu iska matalo Ambassador Soomali ah si sharafta dalkeena aan u ilalino.

Ugu dambayntii, markii gooraysadu waxay soo guurguurataba garabka soo saartay saacaddii 52 sano ka hor la saaray Calanka Soomaliya ayaa dadkii halmar lawada istagay oo lawada qaaday heesta macaanka iyo macnaha badan ee calankeen gaarka u ah ee QOLOBAA CALANKEEDU WAA CAYNOO, ANAGAA KEENU WAA CIRKOO KALA EE… waxaana lasoo gabagabeeyey munaasabaddii.

Abdikadir Dooy.
Kuala Lumbur, Malaysia
Dooy11@gmail.com
DAAWO SAWIRRADA:

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.