Home » Warar »

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ka Bari yeelay Eedeyntii hore loogu Jeediyay

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo Fadhigeedu yahay magaalada New York ee Caraiga Mareykanka ayaa Ku Yeeshay Kulan gaar ah waxaana kulankaas looga Hadley arrimo la xiriira Shirkadda Isgaariisnya Hormuud ka dib markii la soo eedeeyey

Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ku taariikhaysan 26 June 2012 , lambarkiisuna yahay SC/10685 ayaa lagu caddeeyay in aanay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn dhammaan eedihii hore loogu jeediyay ka dib markii Golaha uu sameeyey Baaritaan Qoto dheer

Qaraar Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ee ay ku Bariyeeshey Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud waxaa ka Horeeyey Kulan uu isugu yimid Golaha Wasiirada ee Dowladda Federaalka kaasoo Dhacay Bishii hore 24 May 2012 ay soo saareen qaraar lagu bari yeelayo, Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud kaas Qaraarkaasoo lagu caddeeyay in aanay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom wax lug ah ku lahayn Eedaha loo jeediyay

Qaraarkaasa yaa lagu Cadeeyey lagu caddeeyay in Shirkadda Hormuud Telecom tahay Shirkadd qiima wayn ugu fadhidda Ummadda Soomaaliyeed, marka laga eego dadka Maalagashaday oo kor u dhaafaya 3000 oo qof, Shaqaaleheeduna oo kor u dhaafaya 5000 oo qof , iyadoo Shirkadda Bulshada Soomaaliyeed la qaybsata dhibaatooyinka ku yimaadda sida Abaaraha , Daadadka, Caawinta Barakacayaasha, Isbitaalada iwm. Qaraarkaas Golaha Wasiirada waxaa lagu sheegay in Tartan Ganacsi iwm loo dhibaataynayo Shirkadda Hormuud Telecom.

Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ayaa so dhaweeyey Qaraaradii ka soo kala baxay Qaramada Midoobey iyo Golaha Wasiirada ee lagu Bari yeeley Shirkadda Hormuud iyagoo sheegey in Shirkadda ay tahay mid Ummada Soomaaliyeed aysan hilmaami Karin Doorkii wax qabad ee ay kaga qayb qaateen dhibaatooyinkii kala duwanaa ee soo marey Shacabka Soomaaliyeed

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom waa Shirkadda ugu Baaxadda weyn xagga Isgaasriinta Dalka Soomaaliya, marka laga fiiriyo Macaamiisha ku xiran, Shaqaalaheeda, Maalgashadayaasha Sidoo kale Shirkadda Hormuud waa Shirkad ka Howlgasha dhamaan Deegaanada Ummada Soomaaliyeed islamarkaana si weyn u soo dhaweysa Macaamiisheeda .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey oo Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ka Bari yeelay Eedeyntii hore loogu Jeediyay "

  1. Arrin aad iyo aad u farax gelisay ummadda Somaliyeed ayaa ka soo baxday UN Security Council, waxaanan ugu hambalyeynayaa saamileyda Soomaaliyeed eedayntaas xaq darada ahayd ee laga qaaday shirkadda Hormuud Telecom.

    Dahir Egeh