Home » Maqaallo »

Oday dhaqameedka, maanta ummaddaa magan u ah

Oday dhaqameedka Soomaaliyeed, magac kasta ha loogu yeeree, waxaa booskii iyo kalmadii ay bulsha weynta Soomaaliyeed ku dhex lahaayeen la wareegay, 50-kii sano ee u dambeeyay taariikhda Soomaalida, siyaasiyiin, iyo dagaal oogayaal, waxayna noqdeen aalad ku jirta gacmaha labadaa koox oo hadba dhanka ay doonayaan u weeciya, wuxuuna arinkaasi dhaxalsiiyay shacabka Soomaaliyeed, dhibaatooyin fara badan oo aanan qoraalkan gaaban lagu soo koobi karin.

Sanadadii u dambeysay waxaa ay bilaabeen, Odayaasha dhaqanka baraarug iyo in ay soo ceshadaan illaa xad, awooddii iyo karaamadii ay bulshada dhexdeeda ku lahaan jireen, arinkaana wuxuu keenay in Odayaasha dhaqanka la tix-galiyo lagana talo galiyo, geedi socodka siyaasadda Soomaaliya, waxaana loo xil saaray kaalin weyn oo ah, soo xulidda xubnaha baarlamaanka iyo xubnihii dastuurka ansixin lahaa.

Haddaba kaalinta xulista mudanayaasha baarlamaanka, waxaa muuqato in 10-kii sano ee la soo dhaafay, ay Odayaasha dhaqanku ku guuldareysteen intooda badan, xulista dad u qalma xubin baarlamaan iyo howshiisaba, bal miisaankoodu uu noqday, xigaalaysi iyo xoolaysi. Arintaas oo waxyeelaysay tayada iyo dowrka baarlamaanka iyo xal u helidda arimaha Soomaaliya.

Waxaa maanta la gaaray xiligii Oday dhaqameedku umadda soomaaliyeed u jiir nixi lahaayeen, ayna Alla uga baqi lahaayeen mas’uuliyadda saaran, una doori lahaayeen xubna gudan kara xilka oo leh, aqoon, diin wanaag iyo karti dheeri ah, si loo helo hoggaan suuban oo samatabixin kara ummadda soomaaliyeed oo mudada dheer dhibaatadu halakaysay.

Ugu dambeyntii, waxaan mar labaad xasuusineynaa Odayaasha dhaqanka, inuu Alla weydiin doono masuuliyadda saaran iyo hadba sida ay u gutaanba, ayna ogaadaan in maanta ay iyaga diiraddu saaran tahay, marka haddii ay ka soo dhalaali waayeen xilka saaran sida ugu haboon, ayna si khaldan u isticmalaan duubka madaxooda saaran, waxaa hubaal ah in ay mari doonaan halkii ay mareen dagaal oogayaashii Soomaalida, ayna taariikhda ka gali doonaan baal madow.

Ahmed-haadi Muhumad
haadi30@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.