Home » News »

Shiikh Garyare “Xarakada Islaax Xiligaan ma Geli karto Siyaasad Qoor Qabad oo Jacbur ah waa in Marka hore la Dhisaa Ummadii”

Waxaa Wareysi la yeelaney mid ka mid ah Xubnaha ugu sareeya Xarakada Islaamiga ee Al-Islaax oo lagu magacaabo Shiikh Maxamed Axmed Nuur oo ku magac dheer Garyare waxaana waxay ka weydiiney Xaaladda Dalka haatan uu marayo iyo Hanaanka Siyaasadeed ee Xarakada Islaax waxaana uu hadalkiisa ku bilaabey Sidatan:

“Xarakada Islaax waa Xarako u istaagtey Dacwada Diinta Islaamka ee saxda ah ee Dhexdhexaadka ah In ay faafiso Dadaal badan ayey ku bixisey Islaamka siduu yahay ayey u qaadatey oo dhinac walba ah oo Nolosha ka mid ah Saameynaya dhinaca Siyaasada , Dhaqaalaha , Arimaha Bulshada iyo Dhinac kasta oo Nolosha Khuseeya Xarakada Macnaheedu waa mid Dacwadeed oo islaami ah Arrimaha Bulshada Taabanaya Su’aashii aad I weydiisey ee ahayd Xarakada Islaax ee Hanaanka Siyaasada ee Waqtiga Taasi waxaa weeye mid ay u aragto oo ay ku dooneyso in Bulshada ku Baraarujiso Arrimaha Bulshada iyo Dhaqaalaha iyo Dhinac waliba oo ay soo saarto Bulsho Xoriyadeeda gacanta ku haysata, Nabadgelyo leh oo Waxbarasho leh iyo Walaalinimo leh ka dhaxeyso Markii ay dhinac kasta ku talaabasato ayey Xarakadu u soo jeesaneysa dhinaca Siyaasada , Waqtigan Xaadirka ah Xarakadu waxay dooneysaa oo ay ka shaqeyneysaa Midkii aasaasiga ahaa ku soo celiso,Marka Ummada soomaliyeed waa mid maanta dhulka taalo oo Xoriyadeedii aan heysan, oo go’ankeedu gacanta ugu jirin,waa in la abuuro ummad aayaheeda ka tashan karta Marka Xarakada Xiligan Diyaar uma aha in ay Haab Haabato Hogaanka sare ee ee Dalka , Ummad aad Xukumi kartaa maba jirto , Amni ma jiro , Xoriyo ma jirto, Dhaqaaluhu waa burbur , Soomaalida maanta joogta Dhisme ayeey u baahan tahay ee in la dhibo uma baahna” ”ayuu yiri Mudane Garyare oo aan weydiiney Su’aal ahayd .

Muddadii dalka uu ka jirey Burburka Waxay Xarakada islaax ka qayb qaadatey dib u dhiska dalka ha noqoto Waxbarasho , Caafimad iyo adeegyada Bulshada marka haatan sow lama dhihi karo waxay Xarakada joogta Xiligii ay ka qayb qaadan lahayd Siyaasada dalka gaar ahaan Doorashada Bisha Agoosto waxaana uu yiri Mudan Garyare” Walaalkeey Xarakadu waxyaabo badan bay Bulshadu u qabatey Hadana waajibkaas ayey sii wadeysaa Mida ah in Xarakadu ka qayb qaadato Siyaasada Dalka hadalkeygii hore ayaan ku hormariyey Xarakadu uma aragto Habkii iyadu wax rabtey ee Saxda ahaa in ay Siyaasadu u socotey marka ma jirto Doorasho Xor ah ileen xoog waxba lagu qaban maayo waa in Doorasho la sameeyaa Waxaas oo dhan waxaa ka horeeya waa in la helaa Nabadgelyo iyo Axsaab Siyaasadeed ,

Waa in uu jiraa Tartan Xor ah , Siyaasad Qoor qabad ah oo Jacbur ah oo aadan xor u ahayn waxaad rabto in aad Sheegto , oo aadan adiga oo Madaxweyne ah aadan Xifti Karin Nabadgelyadaada, Ninkii kale ee Doonaya in uu galo Doorashada waa uu geli karaa , laakiin Xarakadu Intii aan soo sheegey iyo in ka badan oo lagu daro Cadaaladii iyo Sinantii marka Xarakada Islaax ma geli karto Siyaasad jacbur ah waxaa Muhiim ah in marka hore in la dhisaa Ummadii sidaa darteed Waa in dhistaa Gurigii,Guri aan dhisneyn ma dhex Seexan kartid “

Waxaan weydiiney Su’aal ahayd maadaama dalka ay haatan ka jiraan Axsaab Isbedel doon ah sidaa darteed Axsaabtaas wax xiriir ah ma la yeelaneysaan waxaa uu ku Jawaabey “ Dalka Axsaab Isbedel Doon ah kama jirto waa dad sidoodaba loolan ugu jira Madaxtinimada ,Waxaa jira Afraad Ama Shaqsiyad Dano gaar ah ka leh Siyaasada Dalka, Laakiin hadiii dalka ka jiraan Asxaab Rasmi ah ama dhab ah waan soo dhaweyneyna talana waan siineynaa oo dad qayb ka ah Ummada Soomaaliyeed ayaa nahay , waxaa Muhiim ah in Ummada Soomaliyeed Nabad loo raadiyo isla markaana Xoogga la saaro Adeegyada Bulshada Soomaliyeed ee sida aad ka ah ugu baahan tahay.

Waxaa Wareystey
Bashiir Axmed Shiikh (Bashiir Daacad)
E-Mail bsh_daacad@hotmail.com

Waxaa soo Gudbiyey
Amiin Yuusuf Khasaaro`
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Shiikh Garyare “Xarakada Islaax Xiligaan ma Geli karto Siyaasad Qoor Qabad oo Jacbur ah waa in Marka hore la Dhisaa Ummadii” "

  1. abdirahman says:

    asc, Dr baadiyo waa mustaqil u tartamayaa madaxtiniada dalka, laakin ma ahaan siyaasad islaax, hase ahaatee waa lagu taagyeerayaa dadaalkiisa. sheikh yaryare si wacan ayuu oga hadlay meel aan si xor ah la isu dooran karin xarakada diyaar uma ah, waayo xarakada waxaas way ka weyntahay, mana ahaan xarako wax loo yeersho, sidaas awgeed Dr baadiyo waa shaqsi kaligiis u tartamaya jagada madaxweyne ee somaliya taas macnaheeduna ma ahaan in khilaaf u jiro ee waa wax asaga u gaar ah ee ma jirto policy ku aadan August ay oga qeeb qaadaneeyso xarakada, sidaas awgeed wali waxaan ku jirnaa diyaar garoow ee hada diyaar uma nihin in la inoo meeriyo

  2. Ibraahim says:

    As . Wa.barakaatuhu walaalayaal marka hore ilaahay ka baqa marka labaad shaqsi ataaga ( weerarka ) iska daaya waa waxay somali ku luntay e marka xiga islaaxu waa ka mugweyn yahay sidaad moodaysaan waana urur isku kalsoon by south africa

  3. Abdalla says:

    Sh Garyare Xarakada Islaax afhayeena uma aha, hogaankeedana madax kama aha ee waa Sheekh Xarakada ka tirsan, kolka hadalkiisu ma noqonayo hadal ururka ka soo baxay ee wuxuu cabiray dareen Shakhsi ah
    Nabadey

  4. darajada siyaasadeed urur ahaan waxa sareya c/raxmaan badiyow marka gadh yare loo bar bar dhigo,marka hadalka gadh yare ka soo baxay waxa ku haboon inu ka soo baxo hogaanka ururka dr.cumar roraye,marka hadalkii hogaanku ku xigeenkiisa ku oran karay waayey ayaa sii dadban gadh yare loogu dhibay.

  5. Mujahid says:

    Haa warhedhe islaxow hubka qaata oojihada hadikale aamusa