Home » Faallo »

Dastuur Dastuur Dhalay Waa Muufo Muufo Dhashey

Iyadoo weli uu khilaaf ka taagan yahay Dastuurka Qabyada ah ee la filayo in bisha soo socota ay ansixiyaan Odoyaasha Dhaqanka ee ku shirsan Magaalada Muqdisho kuwaas oo tiradoodu gaareyso 135, waxayna iyana soo xuli doonaan 825 ergo kuwaasoo i yana si rasmi ah u ansixin doona Dastuurka 12 Luulyo ee foodda nagu soo haysa, hase yeeshee waxaa moodaa in uu sii laba kacleeyey khilaafkii ka taagnaa dastuurka Qabyada ah iyadoo khilaafkaasi uu marka hore ka bilowday markii Wasiirka Dastuurka uu kala diray guddi diyaarinta dastuurka iyo guddigii Qubarada, waxayna kala deristaani saameyn ku yeelatay Madaxda sare ee Dowladda sida Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha.

Dastuurka qaybyada oo dhowr jeer wax laga bedelay ayaa dhawaan markii uu dhacay shirkii Nairobi waxaa la soo bandhigay Labo dastuur oo ay kala wataan Guddiga diyaarinta Dastuurka iyo Guddiga Qubarada Dastuurka waxayna arrintaani jahwareer ka dhex dhalisay Hay’addihii gacanta ka gaysanayey meel marinta Dastuurkaasi iyo qaar ka mid ah Beesha Caalmaka, iyadoo Guddiga diyaairnta Dastuurka ay sheegeen in guddiga Qubarada marka hore loo sameeyey in ay ka talo bixiyaan Dastuurka kana bixiyaan wixii qaladaad ah, hase yeeshee guddiga diyaairnta Dastuurka ayaa sheegay in guddiga Quburada Dastuurka ay sameysteen Dastuur ka duwan kii la doonayey in ay ka talo bixiyaan.

Nin odey ah ayaan kula kulmay kullan looga hadlayey arrimaha Dastuurka wuxuu ii sheegay “Kulli Fidno Cindi Geel waxaa sabab u ah Beesha caalamka, waayo iyagaa markii hore sameeyey Guddii diyaarinta Dastuurka isla markaana iyagaa sameeyey guddiga Quburada, labadaba waxaa ku jira xubno shisheeye ah, waxayna labadaasi guddi barnaamijkaan ku qaadanayeen dhaqaale fara badan, marka waxaana la yaabanahay in maanta la yiraahdo labo dastuur ayaa la kala sameeyey , Waagii Sagaashameeyadii ayaan maqlay Barnaamij dadka Muqdisho lagu Jahwareeriyey oo ahaa MUUFO MUUFO dhashay Xiligaas ayaa waxaa la keeney arrin layaab leh in dadka la yiraahdo haddii aad Hal Muufo ku Keydisid Digsi Laba Maamlmood ka dib waxay Dhaleysaa MUUFO kale , marka in maanta la arko Dastuur Dastuur dhalay,waa wax la filayey oo naguma Cusba Wax Wax kale Dhaley , marka Dastuurka maanta la Wadaba waxaan dhihi karaa waa MUUFO MUUFO Dhashay”.

Dastuurka Qabyada ah waxaa ku baxay sida ay noo shegeen dad ku dhow Diyaariyaasha Dastuurka lacag gaareysa 9 Milyan oo Doolar, iyadoo mid xubnahaasi ka mid ah oo diiday in magaciisa la sheego uu ii sheegay in mudo afar sano ah ay soo waddeen Barnaamijkaasi iyadoo mudadaasi la Qorsheynayey in Dhaqaalahaasi lagu cuno, waayo wuxuu sheegay in lix bilood oo qura lagu dhameyn karay, marka in maanta labo dastuur la soo saaro waa mid la doonayo in lagu seeta dheereysto in Dhaqaalaha faraha badan lagu cunayo.

Dadka Soomaaliyeed ayaa mar aan kala sheekeystay arrimaha Dastuurka qabyada ah waxay ii sheegeen in Soomaaliya xiligaani aysan u baahneyn dastuur, waayo waxay sheegeen in waxa ay ku kala Badbaadi karaan ay tahay in la qaato Dastuurka Alle u soo dejiyey Adduunkaan aan ku nool nahay, waxay kaloo sheegeen in mar kasta dhegtooda soo gaarto in bisha Agoosto ay Dowladda ka bixi doono ku meel gaarnimada, marka dowlad uu Dastuurkeedu Qabyo yahay ama aan loo bandhigin shacabka sidee ayay uga bixi kartaa ku meel gaarnimada, waxayna dadka intiisa badan isku raaceen in jahwareerkaan uu socon doono inta ay soomaaliya keligeed Aayaheeda ka tashan doono oo laga joojin doono faragelinta.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mial: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail; amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dastuur Dastuur Dhalay Waa Muufo Muufo Dhashey "

  1. Aamiin iraan says:

    Anaga dhexdena wax maqabsankarno