Home » Warar »

In ka Badan 14 Muwaadiniin Soomaali ah oo Siyaabo kala Gooni Gooni ah Loogu Dilay Dalka Koofur Afrika Todobaadkii Hore

Saraakiisha ciidamada ammaanka ee Dalka Koofur Afrika ayaa warbixin Todobaadlaha ay ka qoreen dhinaca shilalka Dilka ayay ku sjheegeen in Todobaadkii aynu soo dhaafnay Dalkaas lagu dilay Illaa afar iyo Toban Muwaadiniin u dhashay Dalka Soomaaliya.

Dilalkan oo ka kala dhacay Magaalooyinka ku yaal Wadanka Koonfur Afrika ayaa Soomaalida la dilay waxaa sidoo kale loo gaystey Boob Hantidoodii lagu dhacay isla markaana lagu qaatay.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in iminka ay soconayaan Baaritaano Ciidamada ammaanka ay ku hayaan Kooxo ay ku sheegeen in ay yihiin Koofur Afrikaan ah kuwaasoo dhibaatooyin joogta ah ku haya Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika.

Magaalada Porte Elizabeth ayaa ka mid ah meelaha la Calaamadiyay oo la sheegay in ay dilalkaas ka dhaceen isla markaana lagu dhacay Hantida Soomaalidu ay leeyihiin oo aad u fara badan .

Magaalooyina waa weyn ee dalkaas Koonfur Afrika Degaanada hoos yimaada ayaa inta badan Soomaalida dhac iyo dilba loogu gaystaa iyadoo la bar tilmaameedsanayo goobaha ay Soomaalidu ay ku leeyihiin ganacsiga sida Tuulooyinka.

Xukuumadda koofur Afrika gaar ahaan Wasiirkeeda arrimaha Gudaha ayaa in badan soo cel celiyay in ay wax ka qabanayaan dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan Dalka Koofur Afrika taasoon waxba ka bedelin dilalkii iyo dhacii loo gaysanayay.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Bishii hore Booqday dalkaas ayaa mar uu la hadlay Jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Dalkaas waxaa uu u sheegey in xukuumadda dalkaas uu kala hadlay sidii loo badbaadin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ka xoogsada Dalka Koofur Afrika taasoo Madaxweynuhuna u sheegey Soomaalida in hadda wixii ka dambeeya ay helayaan ammaan Buuxa xukuumadda Koofur afrikana ay dammaanad qaadayso ammaanka Soomaalida dalkaas ku dhaqan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.