Home » Warar »

Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ka Warbixiyay Dad Gaajo Ugu Dhintay Degmada Hodan

iyo Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya.

Warbixin Degmada Hodan, Muqdisho:

Guddoomiyaha Maamulka degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ka war ixyay Xaaladda Nololeed ee barakacayaasha ku sugan Degmadaasi. Dhabaneey ayaa sheegey in Degmadaasi ay ku sugan yihiin Barakacayaal fara badan oo qaarkood ay ka soo barakaceen Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Duleedada Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa sheegey in dadkaas barakacayaasha ay haysato dhibaato Guri la’aaneed, mid caafimaad la’aaneed iyo waliba Raashiin la’aaneed.Dhabaneey ayaa hoosta ka xarriiqay in Todobaadkan dad tiradoodu ay gaarayso illaa Todaba Ruux oo isugu jiray Caruur iyo waayeel inay Gaajo iyo dar xumo ugu geeryoodeen qaybo ka mid ah Xeryaha Barakacayaasha ee ku yaala Degmada Hodan.

Dhabaneey ayaa ka codsaday Hay’adaha Samafalka in ay dadkaas la soo gaareen Daryeelka aadanimo ee ay u baahan yihiin isla markaana si ay u caddeeyaan baahida ay qabaan dadkaas iyaga lagala soo xiriiro.

“Ma garanayno sida ay Hay’aduhu wax u hayaan” ayuu yiri Dhabaneey isagoona farta ku fiiqay in ay jiraan Bakhaaro Hay’aduhu ay leeyihiin oo ku yaala gudaha degmadaas isla markaana uu Raashiin fara badan ka buuxo isagoona is weydiiyay Cidda raashiinkaas loo keydinayo iyo goorta la qaybinayo waa siduu hadalka u yiriye.

Cabdi Xasan Dhabaneey ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka eek u sugan gudaha Magaalada Muqdisho in gurmad deg deg ah loo fidiyo Dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha Degmada Hodan.

Guddoomiyaha Degmada Hodan ayaa imaanaya xilli muddooyinkii u dambeeyay qaybo ka mid ah Xeryaha bara kacayaasha eek u yaala Muqdisho ay ka soo yeereysey cabasho aad u ballaaran iyagoona ka cabanayay Hooy Xumida haysata iyo Roobabka ku da’aya.

Xuseen Carab Ciise oo ah Ku simaha Raiisul Wasaaraha oo maanta soo Bandhigey Lamaanayaal u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo Af Duub ahaan Loogu Haystay Soomaaliya.

Xuseen Carab Ciise oo ah Ku Simaha Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku Meel gaarka Soomaaliya ahna Wasiirka gaashaandhigga oo maanta Saxaafadda Shir Jaraa’idu ugu qabtay gudaha Muqdisho ayaa halkaa ku soo ban dhigay Lamaane u Dhashay Dalka Koofur Afrika oo ku dhawaad Laba Sano Kooxo Bur cad Badeedda Soomaalidu af duub ahaan ugu haysteen gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Carab ayaa sheegey dadaal badan oo ay xukuumaddu sameysey in lagu Guulasytay in Lamaanahan Xoriyadoodu dib u helaan isla markaana ay sii daayeen Kooxihi Bur Cadda ahaa ee ku dhawaadka Labada sano af duubka u haystay Lamaanahan.

Bruno Borzoi iyo Xaaskiisa oo Kooxaha afduubka u haystay ay hore u weydiisteen si loo soo daayo Afar Milyan oo Doolarka maraykanka ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku Guulaysatay in Lamaanahaas ay dib u helaan Xoriyadooda.

Bruno Borzoi oo Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Talyaaniga hayste Dhalashada Koofur Afrika ayaa isaga iyo xaaskiisa waxaa la af duubay xiili ay marayeen Xeebaha Dalka Tanzaniya taasoo loo soo gudbiyay gudaha Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Xukuumadda ku meel gaarka ayaa sheegey in ay jiraan wax xoogaa Lacago ah inkastoo uusan caddeyn cadadka lacagtaas keliyana ku cel celiyay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay u suurta gashay in la soo daayo lamaanahan dibna loogu duulin doono dalkooda.

Borzoi oo isagana Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay Caafimaadka isaga iyo xaaskiisaba isla markaana uu u mahad celinayo dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed iyo intii gacanta ka gaysatay soo deyntooda.

Lamaanahan ayaa muddo sideed Bilood gacanta ugu jiray kooxo Burcad Badeed Soomaali ah kuwaasoo ku gor gortamayay in laga siiyo lacago madax Furasha ah taasoo ugu dambayntiina suurta gashay in la sii daayo ka gadaal markii Lacago laga bixiyay.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Guddoomiyaha Degmada Hodan oo ka Warbixiyay Dad Gaajo Ugu Dhintay Degmada Hodan "

  1. nuur says:

    Allahaa dadkaa quudiyo ameen. Amisom, soomaliya cunto , ha ku cunto , lacgta degata ka soo baxdna, ha cunto, siyaasiyiin dareenkii k adhintay oo i looway in ay maalin aduunka ka dhimanayaan. Burundi iyo Ugands ha dhargaan, hooyo, caruur, aabo soomaliyeedna gaajo ha udhintaan. subxanallah