Home » Warar »

Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi oo lagu tilmaamey Dalxiisayaal- Garoowe laba jeer, Gaalkacyo, London, Adis-Ababa, Stanbul 2 jeer

iyo Wasiirka Amniga Qaranka oo si kulul u beeniyey inuu Jiro Khilaaf u Dhaxeeya Xukuumadda iyo Odoyaasha Dhaqanka.

iyo Xildhibaano Daahir Ciiro ”Kulankii Raiisul Wasaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka wuxuu ahaa Mid Xukuumada Dano Gaar ah ka lahayd”

Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi

Waxaa Maalinimada berri ee ku beegan Arbaco ah lagu wadaa in magaalada Nairobi ee Dalka kenya uu ka furmo Shirka Saxiixayaasha Road Mapka Soomaaliya,Xubnaha saxiixayaasha qaar ka mid ah ayaa lagu soo waramayaa in iminkaba ay gaareen Magaalada Nairobi iyadoo xubanaha harsana la filayo in illaa iyo maanta gelinka dambe ay soo gaareen

Safiirka Soomaalida ee Dalka Kenya Maxamed Cali Ameeriko oo saxaafadda la hadlay ayaa xaqiijiyay shirkaas iyo inuu maalinimada berri ah uu halkaa ka furmayo kaasoo uu sheegey in looga hadlayo dhamays tirka waxyaabihii ka harsanaa Heshiiskaas.

Mudane Ameeriko ayaa intaa ku daray in Shirku uu u gooni yahay Soomaalida oo keliya oo aysan ka qayb galeen Beesha caalamka isagoona sheegay in ay ka soo qayb galayaan dhammaan Kooxihii hore u saxiixay Heshiiskii Road Mapka.

Danjire Ameeriko ayaa raja wanaagsan ka muujiyay kulanka Maalinta Berri ah ka furmaya NaIrobi isagoona sheegey in ay tahay fursad aad u wanaagsan oo lagu dhamayn karo wixii mad madow ahaa ee hore u jiray.

Wuxuu Hoosta ka xariiqay Danjiraha Soomaalida ee magaalada Nairobi in shirkaasi ay ka soo qayb galayaan Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamanka, Maamulada Puntland, Gal Mudug iyo Ahlu Sunna Wal jamaaca.

kulankaas ayaa arrimaha ugu culus ee hor yaala waxaa ka mid ah qaabka loo soo xulay odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee haatan kulanku uga soconayo magaalada Muqdisho taasoo Maamulka Puntland uu mar ka biya diiday sidoo kale Pundland ayaa ku qanacsaneyn Dasuurka Qabyada oo ay sheegtey in uusan dani ugu jirn Maamulkooda hase yeeshee Shacabka ayaa ku macneyey Shirarka Kooxa Road Mapka in uu yahay mid Dalxiis waayo Waxaa hore loo geeyey Laba jeer Garoowe , Gaalkacyo, Adis-Ababa, London iyo Stanbuul marka waa shir ummada Soomaal;iyeed lagu wareerinayo ee mar hore yaa xal la gaari lahaa.

Wasiirka Amniga Qaranka oo si kulul u beeniyey inuu Jiro Khilaaf u Dhaxeeya Xukuumadda iyo Odoyaasha Dhaqanka.

Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ah Wasiirka Arimaha Gudaha iyo amniga ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Kulan uu la qaatay Odoyaasha Dhaqanka ee haataan shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho.

Cabdisamad ayaa sheegey in kulankii uu la qaatay odoyaashaas ay natiijo wacan ka soo baxeen isla markaana uu haatan gebo gebo u marayo Barnaamijkooda soo Xulidda ergadii Dastuurka Ansixin lahayd.

Mar la weydiiyay Wasiirka inuu jiro Khilaaf u dhaxeeya Xukuumadda iyo Odoyaashaas ayuu sheegey in shakhsiyan isagu uusan haatan ogeyn wax khliaaf ah oo ka dhaxeeya Odoyaasha Dhaqanka iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa farta ku fiiqay in kulankii uu la qaatay odoyaashaasi aanay u sheegin wax Cabasha ah isla markaana wararkaasi ay yihiin kuwo la sameeyay oo ay faafiyeen dad doonaya in Soomaaliya aysan ka bixin ku meel gaar.

Cabdisamad Macalim Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray inuu jiri doono shir dhawaan ay yeelanayaan Saxiixayaashii Road Mapka isagoona xusay inuusan dhab ahaan garanayn halka uu shirkaasi ka dhacayo balse uu xaqiijinayo oo keliya in shirkaasi uu jiro hase yeeshee warar ayaa jira oo sheegaya in uu ka dhacayo Magaalada Nairobi.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa waxaa jiro Eedeeymo fara badan oo or yaala taasoo lagu Eedeeynayo in shirka ay ka qayb galayaan Odoyaal aan sax ahayn isla markaana aan Ma talin Beelaha ay Magacooda shirka uga qayb galayaan arrintaas oo marar badan soo noq noqotay in kastoo Xukuumadduna ay sheegto in ay saxayaan wixii khaladaad ah ee jira shirka Odyaasha Dhaqanka sidoo kale weli lama magacaabin Guddigii Xalinta Khilaafaadka ee Odoyaasha.

Xildhibaano Daahir Ciiro ”Kulankii Raiisul Wasaaraha iyo Odayaasha Dhaqanka wuxuu ahaa Mid Xukuumada Dano Gaar ah ka lahayd”

Iyadoo maalmahan dambe uu hoos u dhac weyn ka muuqanayay Xildhibaanada Barlamanka gaar ahaana dhinaca ka hadalka xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa Waraysi uu bixiyay Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro uu kaga hadlay wax qabadka Xildhibaanada Barlamaanka.

Ciiro ayaa sheegey in Baarlamanku uu leeyahay guddi hoosaadyo kuwaasoo uu sheegey in hawshoodii aanay waxba iska bedelin isla markaana ay haatan ku mashquulsan yihiin sidii looga gudbi lahaa marxaladda ku meel Gaarka.

Xildhibaanka ayaa hoosta ka xarriiqay in ay soconayaan hawlaha loogu diyaar garoobayo ka gudubka Marxaladda ku meel gaarnimada isagoona intaa raaciyay in Guddiyada Baarlamanka ay haatan wadaan qorshayaashii looga gudbi lahaa xilligaas.

Xildhibaan Daahir Cabdulqaadir Ciiro ayaa sheegey in kulankoodii shalay magaalada Muqdisho ay ku yeesheen in ay ku soo qaateen Ra’iisul wasaare Cabdiweli oo ay sheegeen kulankii uu la qaatay Odoyaasha Dhaqanka inuu ku weydiistay in ay u soo da dajiyaan meel marinta Ergadii Ansixinta Dastuurka taasoo uu ku sheegey in ay tahay mid lagu qasbayo odoyaasha isla markaana Khiyaarka looga qaadayo.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Odoyaasha iminka ku shiraya gudaha magaalada Muqdisho in ay wadaan Barnaamijyo ay Xukuumaddu u yeerinayso isla markaana laga leeyahay dano gaar ah oo la doonayo in waqtiga lagu dheereysto.

Hadalkan Xildhibaanka ayaa waxaa uu imaanayaa xilli maalinimadii Shalay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya uu la kulmay Odoyaasha Dhaqanka ee shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho kaasoo weydiistay Odoyaashaas in la da dajiyo soo xulidda Ergadii Ansixin lahayd Dastuurka Qabya qoraalka.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirka Saxiixayaasha Road Map-ka oo ka furmaya Nairobi oo lagu tilmaamey Dalxiisayaal- Garoowe laba jeer, Gaalkacyo, London, Adis-Ababa, Stanbul 2 jeer "

  1. JIKALOOOBE says:

    Siad Bare ,,alaha u naxariistee,, markuu go,aan gaaraayo , ama uu amar kusoo rogaayo, wadanka,, ma waxuu tegi jirey, Kenya mise Etobiya? Maxaa madax ku sheega hada jira aay ka doonayaan wadamadaas ? Caruurta markii aabahood dilo ama garaaco ayaa waxaa lagu sasabi jirey nacnac ama shukulaato , madaxdeena iyo oday dhaqameedyada ma waxaa la rabaa in lagu sasabo diyaarado lagu qaado iyo lacago la siiyo? waxaan idiin sheegayaa Soomaailyeey inteey goori goor tahay , yaaneey nagu dhicin sheekadii sedexda dibi ee marba mid la cunayey , koonfurta , puntland , somaliland iyo james land ,,,,,,,gumeysiga ka dhiidhiya , wadanka waxaa kusoo duulay dowlado krishtaan ah u fiirsada,,, Uganda, Kenya, Ethiopia, Siera leone oo dameeraha cunaya , aaway wadamadii muslimiinta? mida kale ,, ninka ingriiska ah ee london jooga ee na leh bisha ogoosto ayuu waqtigiina ku egyhay , maxuu ula jeedaa? waa iska cadahay waa gumeysi ayaad galeysaan ,, waad isku talin weyseen marka waa la Idiin talinaayaa camal,,, waa filinkii lagu galay Ciraaq iwm,, hurdada ka kaca ee go,aan qaata , ruwaayada socota waa qeybtii labaad ,,secondo tempo,, waxaa dhiman waa qeybtii ugu dambeysey ,, ultimo tempo ,, ee bunduqa Rifle ka intaad heleysaan dagaalama , dhagaxtuur Falastiin wax ku qaadi weysee,,,,

  2. Abdirisaq says:

    Assalamu Calaykum dhamaan bahda Somalitalk ee waddankooda iyo dadkoodaba jecel.
    Somalia oo arrinteedi haatan meel xasaasi ah mareeyso ayaad moodda in arrimo badan hal mar la wada furey.
    Somalia oo aan dagaalkeedi dhinac u wada dhicin ayaa dastuur iyo doorasho lagula degdegey.
    2. Somaliland oo khilaaf ka jiro oo Khaatumo iyo awdal state murankeedu taaganyahay dagaalona ka jiran sidoo kale axsaab faraha ka batey ka jiraan , iyo Somalia oo aan dawlad sugan yeelan ayaa afka la isu geliyey oo wada hadla la yiri.
    3. Lix saxiixe ayaa wax ka goaan baa la yiri haddii baarlamaanki jirey sharcigiisi iyo asagiba la laalay guddoomiyihiisi yuu matalaa oo wax u saxiixayaa?
    4. Haddii laba maamul gobol wakiillo buuxa ka socdaan dawladduna ilaa hadda ay Muqdisho, Afgooye iyo Hiiraan keliya ka dhisatey maamul inti kale dalka oo aanay dawladduna maamul ku lahayn kana mid ahayn labada maamul gobol ee wax saxiixaya yaa wax u saxiixaya oo matala?
    Soo ma muuqato deg aad u badan inuu jiro.
    Inti shir oo ay osugu yimaadeen saxiixayaasha kama aanan maqal waa lagu kala tegey oo waxaa lagu heshiiyey in dib la isu soo laabto si loo dhmmaystiro qodobadaa la isku mari waayay ee bayaan is afgaead ah ayay kusoo gabagaboobeen. Haddaba maxay tahay shirka dalalka deriska ah lix nin oo Somali ah oo qaranki Somaliyeed masuuliyiintiisi maalinlaha isula shaqaynaya ay isku mari la’yihiin.