Home » Warar »

C/weli Gaas “khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan…”

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ”Haddii aad Tihiin Odoyaasha Dhaqanka Masiirkii Ummada ayaa Gacantiina ku jira, Waqtiga waa Ciriiri ee Dedejiya Ansaxinta Dasuurka”

Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo ah Ra’iisul Wasaaraha dawladda federaalka KMG Soomaaliya ayaa manta la kulmay odoyaash Dhaqanka ee uu shirku uga soconayo Magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu horeynba war bixino ka dhagaystay odoyaasha oo qaarkood Cabashooyin kala duwan ay soo gudbinayeen.

Odoyaasha ayaa sida ay wrarku nagu soo gaarayaan cabashadooda waxa ay u badneyd dhinaca farsamada iyo dib u dhacyo marar kale duwan ku yimid u soo bandhigidda qoraalka Dastuurka qabya qoraalka ah.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz oo Odoyaashaas khudbad u jeediyay ayaa u sheegey in la dhamaynayo wixii Farsama Xuma ah ee jira isagoona dhankiisa ka codsaday maadaama uu waqtigu Ciriiri yahay in odoyaashu ay da dajiyaan Hawlaha ay iminka hayaan ee ah sidii ay u soo Xuli lahaayeen Ergadii Anisixin lahayd Dastuurka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in la marayo waqti xasaasi ah isla markaana Masiirka Ummadda Soomaaliyeed uu maanta ku jiro Gacanta odoyaasha taasoo uu sheegey in iyagana looga baahan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan in ay arrintaa u da dajiyaan.

Kulankan uu maanta Ra’iisul Wasaaruhu ugu tagay Odoyaasha ayaa ah kii u horeeyay ee uu halkaa kula qaato tan iyo markii uu ka soo laabtay Safaradii uu ku tegay Dalka Turkiga.

Odoyaashan Dhaqanka ayaa xiligan looga fadhiyaa sidii ay u soo dhamays tiri lahaayeen Ergadii ansixin lahayd Dastuurka qabya qoraalka oo muddo hawlihiisa ay u fadhiyeen wuxuuna kulankaan ku soo beegmey Xilli uu is qab qabsi uu ka jiro Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo Raiisul wsaaraha uu aamin san yahay in la kala direy Guddigii Dastuurka oo uu dhamaadey waqti kale oo laga dooda Dasuurka halka Madaxweynaha uu Aminsan yahay in aan la kala dirin Guddigaas ayna jirto doodii Dastuurka .

W/D Amniin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.


Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG

Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli oo maanta booqday Odayaasha dhaqanka.

Muqdisho, Isniin, June 18, 2012—— Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta booqday goobta uu shirka ugu soconayo Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan aad ugu faraxsanaha inaan mar kale idin hor imaado, inagoo ka tashaneyno aayaha dalka, Maadaama aan mudo kala maqneyn, waxaana maanta idin kugu imaaday inaan idin”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u sheegay in howl muhiim ah laga sugayo waqtigana uu yahay mid gabaabsi ah maadaama labo bil ka hartay islamarkaana Odoyaasha laga sugayo soo xulistii Ergooyinkii Ansixin laheyd Dastuurka dalka iyo Soo xuliska Baarlamaanka dalka doorashadiina lagu sameeyo.

Wuxuuna Odayaasha u sheegay in haddii uu xilliga sidaani noogu dhamaado ay Soomaaliya geli doonto dhibaatooyin hor leh, Haddii iyadoo sidaani la isugu raran yahay August, 2012, lagaaro oo aysan dowladda jirin, Xukuumad jirin, Barlamaan jirin, Dastuur jirin, hadde waad garan gartaan cidlaa lagu soo dhacayaa, Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Odayaasha ugu baaqay iney tixgeliyaan waqtiga,h loona baahan yahay in shaqooyinka la soo dedejiyo.

Wuxuuna intaa ku daray in khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan iyo waaye ee la xalin doono balse waxaan aamin sanahay in Odayaasha ay yihiin kuwii saxda ahaa balse la sixi doono wixii yar yar oo qaladaad ah oo jira.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha kuwaa oo ku saabsan xilliga Dastuurka la horkeenayo, Xareynta Ergada iyo Dhameystirka xilliga KMG ah, Isagoona Ra’iisul Wasaaraha uu dhamaan Su’aalihii la weydiiayay ugu jawaabay si Saraxaad leh.

Waxeyna Odayaasha intaasi ku dareen iney diyaariyeen xubnii xalinta khilaafaadka kuwaa oo ka kooban 25 xubnood oo ka socda shanta beelood.Waxeyna sidoo kale xuseyn in intabadan ay diyaariyeen xubnihii ansixin lahaa Dastuurka iyagoo ku soo xulayo aqoon iyo karti.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dastuurka dalka la horkeeni doono Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed maalmaha soo socdo, Wuxuuna meesha ka saaray tuhunada sheegayo in dalka uu leeyahay labo dastuur.

– DHAMAAD –

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.