Home » Warar »

Shiikh Shariif oo Amrey in Hantidii ay lahaayeen Salaad Gabeyre , Caynaanshe iyo Dheel dib loogu Celiyo Dhaxtooyadoodii

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta amar ku bixiyay in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada Marxuumiinta kala ah S/Guuto Salaad Gabeyre Kediye, Marxuum S/Guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo Col C/qaadir Dheel.

Wareegto maanta ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha DFKMG ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha markuu arkay Xeerka Lr. ee soo baxay 10/09/1970 iyo kuwo kale oo ka soo hor jeeday Xuquuqul insaanka laguna baabi’yay Dastuurka, Waxa uu Madaxweynuhu ammar ku bixiyay in loo celiyo Dhaxaltooyada Hantidii ay lahaayeen Marxuumiintaasi.

Sidoo kale Wareegtada ayaa lagu xusay in laga billaabo maanta oo ay Taariiqdu tahay 17/06/2012 Madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya uu amar ku bixiyay in loo celiyo hantidii ma guurtada aheyd oo ay xukuumaddii Mileteriga aheyd kala wareegtay Marxuumiintaas .

Wareegtadaas lagu sheegay in ay isugu jirto Dhulal bannaan iyo dhismooyin ay hore u lahaayeen Sadexda Marxuum kuwaas oo ku kala yaal Duleedka Magaalada Muqdisho iyo Gudaha gobolka Banaadir hase yeeshee si rasmi ah Wareegtada Looguma Xusin Goobaha Rasmiga ah ee ay ku yaalaan Guriyahaas iyo Dhulalkaas waxaase Wareer ka taagan yahay dadka maanta leh Guryahaas iyo Dhulalkaas oo la sheegey in ay ku doodayaan in hantidooda kuIiibsadeen iyadoo sidoo kale dad ku taqasusey Shariciyada ay leeyhiin dadkaas haatan la doonayo in Dhulalkooda lagala wareego in ay xaq u leeyihiin in la siiyo Dhulal kale .

Waxaa jirta in Dowladii Milatariga ay sidoo kale la wareegtey Dhulal iyo Guryo ay lahaayeen dada shacabka marka dadka Qaar baa ku doodayo in Madaxweynaha laga doonayo in uu iyana Hantidoodii loo celiyo dadkii kele ee ay Dowladii Milatariga ahayd ay kala wareegtey waxaana la sheegey in ay ku jireen Warshado iyo Bangiyo ay dad gaar ah lahaayeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Shiikh Shariif oo Amrey in Hantidii ay lahaayeen Salaad Gabeyre , Caynaanshe iyo Dheel dib loogu Celiyo Dhaxtooyadoodii "

  1. hantidii dowladdii kacaanka la wareegtay waa badan tahay waxaa ka mid ah warshaddii sonkorta jowhar ee snai biasa dhamaan kaalimihii shidaalka ee shacabku la haayeen hantidii bankiyaddii banco di roma bankigii port saciid masar kii national and grindlays ee ka furnaa waqooyiga soomaaliya

  2. Xog- Oday says:

    Ha damqin boogihii bogsoomay oo aadan waxba ka qaban karin waxaa lagaa sugaayay in hantidii shacabka ay laysu celiyo oo la saaro guddi arrimahaa qaabilsan, maaha daaw in uu fara gashado qallado maamulkii mulateriga ahaa sameeyay maxaa yeelay maaha mid uu xal u heli karo wuxuu furay dariiq cusub waxaan isleeyahay kani maaha madaxweyne caqli badan, maaha siyaasi waxaa loo qaatay ardadii uu qur’aanka bari jirray in u isaga laabto ama dukaankii uu xalwadda ku gadi jiray,

  3. Aadan says:

    hadal xun ma ahan ee intii lagu habsaday qaran jabku markuu dhacay ma rootibaa ? hantidii laga guray wixii dad diiday kacaanka iyo wixii dad kacaankay raaceen loo dagay iyana maa la wareegteeyo ?

  4. waaa cadaalad indha xirneed tan iyo lagasoo
    bilaabo 1972 waa mid lafarxo
    waana tilaabo wanaagsan oo madaxweynuhu qaaday