Home » News »

Eng. Maxamed Axmed Saalax oo Bayaan uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay Hoggaan karti leh

Maanta oo ay taariikhdu tahay June 16, 2012, waxaan doonayaa in shirkaan jaraa’id hoosta kaga xariiqo arin aad muhiim u ah. Arintaan waxa ay ku saabsan tahay baarlamaanka iyo dowlada cusub ee la filaayo in ay dhawaan dhalato.

Maadaama uu yahay baarlamaanku kii loo wakiishay in uu soo doorto Madaxweynaha kadibna ansixiyo Rasiisal Wasaaraha, waxaa muhiim ah in xulashada xildhabaanadu noqoto mid hufan. Waa in lasoo xulaa xildhibaano:

1       Leh tayo sare

2      Soomaalinimadu ku dheertahay

3      Ka xishooda Ilaaha abuuratay

4      Leh aqoon fiican

5      Leh waayo aragnimo

6      Dad la dhaqan wanaagasan

Marna ummadda Soomaaliyeed diyaar uma aha baarlamaan xildhibaanadoodu fadhiid yihiin (laa yusminu walaa yuqnii min juuc). Hadaba, waxaan fariin u dirayaa marka koowaad odayaasha, marka labaad bulshada, marka sadexaad hayadaha iyo dowladaha daneeya arimaha Soomaaliya.

 Odayaasha:

Waxaa laydiin idmaday inaad soo xushaan xubnaha baarlamaanka. Waxaan leeyahay idinkoo og meesha ay Soomaliya maanta taal, ku soo xusha xildhibaanada si xikmad leh. Taariikhda ayaad meel dahaba ka geleysaan, ilaaheyna wuu idinku abaal marin doonaa. Haddii aad ilduuftaan oo aad keentaan xildhibaano codkoodu iib yahay, kuwaasoo iyaguna doorta Madaxweyne ka daroo dibi dhal ah,  waxaad ogaataan in aad qaranka godob wayn ka gasheen, aakhirana laydin weydiin doono.  

Ummadda Soomaaliyeed:

Qofkii in yar oo damiir Soomaalinimo ku jirto wuu ka jariiracoodaa dalkeena dahabka ah meesha uu xaalkiisa marayo; ha noqoto dayac dhaqaale, mid caafimaad, mid waxbarasho, iyo mid nabadeed. Dadka qaarbaa isweydiiya Soomaaliya ma jiri doontaa mise dalalka deriska ah ayaa lagu kala daraa. Hadaba waxaan ku boorinayaa in aan maanta loo kala harin dhismaha qaranka ee meel loogasoo wada jeesto oon khilaafaadka yaryar oo qiimaha daran meel ku tiirino.

Waxaynu u baahanahay hoggaan karti leh, dalkana isku uririn kara. Hadduu gaari birihiisa kala daataan, uma baahna dareewal (wade) ee wuxuu u baahan yahay makaanik farsama yaqaan ah. Dowladii lasoo dhisaba waxaan u dhiibnaa dareewalo, wasaarado aan jirin soo magacaaba, marba dal u dhoofa, wakhtigooda markuu dhamaadana iska shiraacda. Ma waxaad diyaar u tihiin shan sano oo maaweelo ah iyo in aad magan u noqotaan dad aan idiin turayn, meel ay wax ka bilaabaana garanayn.

Hadaba waxaan ku boorinayaa ragga iyo dumarka leh aqoon iyo waayo aragnimo in ay dalka u istaagaan kana qaybqaataan dhismaha qaranka. Waxaan ku boorinayaa:

6      In ay hiil iyo hoo siiyaan Odayaasha si aan loo gafin talada suuban

7      In ayaga laftoodu soo galaan baarlamaanka oo aanay yaraysan

Waxaa laga yaabaa in intiina badan aad ka xishooneysaan qabyaalada iyo siyaasadda. Waxaan rabaa in aan iraahdo, Soomaaliya arinteedu waa xornimo doon ee siyaasad ma aha. Qabyaaladana waa fidno dalka na seejisay. Waxaa loo baahanyahay in la furdaamiyo oon laga baqan. Hadda waan ku gowracanahay oo anagaa is badnay.

Hay’adaha iyo Dowladaha Daneeya Soomaaliya:

Intii soomaaliya burbursanayd faraha ayaad kula jirteen dalka. Maalinba waxaad noo qabanayseen shir aad ku magacawdaan dib u heshiisiin. Waxaad dhisteen dowlado kumeel gaar ah, wax naga dhinmay maahee wax noosoo kordhay ma jiraan. Maanta waxaad tiraahdeen kumeelgaarnimada waa kabaxaysaan. Haddii arinkan aad wadaan yahay dambiil biyo ku dhaansada, waxaan idin leenahay ma yeeleyno, wadaan baanu sidanaa. Soomaalidu waxay tiraahdaa “warhooy timir lafbaa ku jirta”. Ogaada Soomaalida qaarbaa ku jira aan dalka iibineyn, quursina qaadanayn. Soomaaliya ha loo daayo Soomaalida.

 

W/D  Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Eng. Maxamed Axmed Saalax oo Bayaan uu soo saaray ku sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay Hoggaan karti leh "

  1. Dayiba says:

    Ereyadan waxan ka soo xiggtey buuggayga cusub oo aan ka qorey dareenka dhalinyarada soomaaliyeed ee qurbaha ku nool iyo sida ay uga maqan tahay naftooda sharafta uu huwan yahay qofka ka dhashay qaran dhisan uu ku abtirsado haba degenaado waddan kala e

    Wa billahi tawfiiq