Home » Warar »

Ciidamo Booliis ah oo ka socda Nayjeeriya iyo Uganda oo Tododbaadka Soo socda ka Howlgeli doona Saldhigyada Booliska G/Banaadir

“Waxaa Xaqiiqo ah in Soomaaliya aan lala rabin Dowladnimo mar haddii Saldhigyada Booliiska ay ka Howlgalayaan Ciidamo Shisheeye”

Tododbaaadka soo socda ayaa waxaa lagu waramey in saldhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir la geyn doono Ciidamo Booliisa ah oo ka kala socda Wadamada Nayjeeriya iyo Uganda kuwaas oo la sheegey in ay sigu doonaan Amaanka Saldhiyadaas iyadoo Ciidamadaan Booliska ay Tiradoodu gaareyso Laba Boqol oo Askari

Ururka Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqey in Ciidamadaas ay ka howl geeli doonaan 16 Saldhig Boolis oo ku yaal Gobolka Banaadir waana markii ugu horeysey oo Ciidamo Boolis ah oo ka socda Midowga Afrika la geeyo Saldhiyadaas , waxayna Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka ay sheegeen in Ciidamadaan ay la shaqeyn doonaan kuwa booliska ee ka Howl gala Saldhiyadaas .

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska oo diiidey in la sheego Magaciisa ayaa sheegey in ay layaab ku noqotey in Saldhiyada Booliska ay ka howlgalaan Ciidamo shisheeye wuxuu sii raaciyey” waxaa Xaqiiiqo ah in Soomaaliya aan laga rabin wax Dowladnimo ah waayo mar hadii saldhigyadaadii ay ka howlgalayaan Ciidamo shisheeye waxaana uu sheegey meesha ka baxayaan Ciidamadii Booliska Soomaaliyeed oo Mudooyinkaan aan wax Mushaar ah la siinin si naf hurnimo ah ku shaqeynayey .

“Muddo 6 bilood ah wax Mushaar ah lama siin Ciidamada Booliska iyadoo taasi ay jirto waa wax aad nooga yaabiyey markii aan maqley Ciidamo Booliis ah oo shisheeye ah ay ka Howlagalayaan Saldhigyada waxaa dhab in meeshaas ay ka dhalan karto Wada shaqeyn la’aan , hadii Mushaar sax ah oo joogto la siin lahaa in Ciidamada Booliska ay waajibaadkooda gudan lahaayeen markaa Askari Shisheeye ah oo kaa Mushaar badan Saddex jeer ay keeni karto in Ciidamada Booliska ay aad uga xumaadaan Nabagelyada yarta ah ee maanta la haysto in ay Cirka isku shareeri doonto” ayuu yiri Sarkaalkaas oo intaa ku darey

“ Haddi maanta la ogolaado in sadhigyada Booliska ay ka shaqeeyaan Ciidamo shisheeye in ay imaan karto in Wasaaradaha iyana la keeno Shaqaale Ajaaniib ah ma garan karo Caqliga ku taliyey in Ciidamo Boolis ah oo ka socda wadamo shisheeye ay ka Howlgalan Sadhigyada Booliska ee Gobolka Banaadir marka waxaan ku talin lahaa in arrintaas laga noqdo islamarkaana la tayeeyo Ciidamada Booliska iyaga ayaa ku filan amaanka Hoose “

Dhawaan ahayd markii Madaxweynaha uu Booqdey Saldhigyada Ciidamada Booliska halkaasoo la sheegey in uu ku soo arkey Ciidamo tiro yar islamarkaana qaarkood Qaad Ruugaya taasoo uu si weyn uga Caroodey Madaxweynaha waana mida soo dedejisey in Ciidamo Booliis ah ay ka howgalaan Saldhigyada Booliiska Gobolka Banaadir hadaba la arkii doonee sida ay u wada shaqeeyaan Booliska Shisheeye iyo kuwa Soomaaliya ee ku sugan Saldhigyada.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Ciidamo Booliis ah oo ka socda Nayjeeriya iyo Uganda oo Tododbaadka Soo socda ka Howlgeli doona Saldhigyada Booliska G/Banaadir "

  1. fiin says:

    Mala socotaa Aqristow, in Midka soomali-ga uu ku shaqeeyo Majin Qaad ah halka kan Africa laga kenay ku shaqeeyo $1000 iyo wax kabadanm
    soo ma’aragtid in Bahdil Aan Caadi ahayn lagu hayo Somalida mase ogtahay in African-kaan hada lasoo Gurayo Wayii hore ee Gumaysiga lagu raran jiray Hubka wabiyada looga Tilabi jiray si Dalka iyo Dadka soomaliyeed wax loogu yeelo?

  2. Bilqeyr. says:

    Asc/ waan idin salaamay aqristayaasha iyo bahda saxaafada somalitalk.

    Anigu waxan qabaa in ay arintaas fiican tahay waayoo booliska soomaalida wax wey qabsan waayeen waxa laga rabay mushahar ayagoon fiirineyn in ay dalka gacanta ku qabtaan markaas dalka wuxuu noqon lahaa dal aan shisheeye soo gali karin ama aan utalineyn ishiis laga arkaa ushiisa lagu tumaa marka waan ka daalnay dagaal iyo dhac iyo dil sidaas awgeed ha yimaadan waxay qabtaan waan arki doonaa laga yaabee in ay karoonaadan kuwii wadankooda qaribay.

  3. xakiim says:

    Asc. Dhammaan bahda Somalitalk.com & akhristayaasha Bogga. salaan kadib.
    Run ahaantii, inbadan oo ka mid ah Waxgaradka, Cuqaasha, Aqoonyahanada, Culimaa’uddiinka & qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed waxay ka hadleen marxaladda uu xilligan wadanka marayo inay tahay mid aad u adag, oo la dhihi karo, wadankii oo dhan waa lala wareegay, balse, kuwa kale ayaa fekerkaasi diidanaa ama shaki uga jiray. balse, maanta waxaa iska cad in ay arintaasi ay xaqiiqo noqotay.
    Soomaali Galbeed, gobolada Waqooyi barre, Bari, Gobolada dhaxe, Hiiraan & qeybo kale horay ayaa loola wareegay. Hadana inta yar ee soo hartay ayaa loosoo dhigtay.
    Soomaali maanta waxay u baahantahay inay gacmaha is qabsadaan oo ay isku dayaan sidii ay uga bixi lahaayeen xilligaan adaga.
    Rabbi ayaan waydiisanaynaa inuu inaga dulqaado Culayska. AAmiin.