Home » Warar »

Kenya oo Xubin ka noqotay Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka ee Qaramada Midoobey

Jaraa’idka Kenya oo qarsan waayey farxaddooda in ay Taageero heshay arrintii ay muddo ku taamayeen ee ahayd xuduuda badda ay la leeliyihiin Soomaaliya, mar haddii Kenya ay xubin ka noqotay guddiga xadaynta badaha….

Waxaa bilowday Wareegii Saddexaad ee Difaaca Badda Soomaaliya

Kenya ayaa ku guulaysatey in ay kursi ka hesho Guddiga Qaramada Midoobay u qaabisan Xadaynta iyo calaamadinta xuduuda badaha adduunka iyo qalfoofka qaaradda, taas oo kusoo beegantay xilli ay soo cusboonaatay in lagu soo qabaamay khayraadka badda ee ku jira Bariga Qaarada Afrika, sidaas waxaa qoraalkeeda ku bilowday Jariidada The East African ee ka soo baxda Nairobi.

Simon Njuguna (oo ah Keenyaati) ayaa loo doortay in uu xubin ka noqdo guddiga xadaynta badaha adduunka ee loo yaqaan CLCS (Commission on the Limits of the Continental Shelf) oo qayb ka ah Qaramada Midoobay faraceeda Sharciyada Badaha Adduunka ee loo yaqaan UNCLOS (United Nations Convection on the Law of the Sea).

Waana guddiga go’aamiya halka ay maraan xuduudaha badaha adduunka.

Xubinnimada Kenya ee guddiga xadaynta badaha waa muddo shan sano ah (2012 – 2017) oo ka bilaabanaysa 16 June 2012.

Jaraa’idka Kenya ayaa raynrayn ay muujinayaan darteed bannaanka soo dhigay siday ugu faraxsan yihiin in nin Keenyaati ah uu xubin ka noqdo guddiga xadaynta badaha Adduunka, waxyaabihii ay qoreena waxaa ka mid ahaa:

“Doorashada uu Mr. Njuguna uu xubinta ka noqday guddiga xadaynta badaha adduunka waxay kor u qaadaysaa fursadda Kenya ay ku xadaynayso xuduudeeda badaha qaybaha ay hore u sheegteen Soomaaliya iyo Tansaniya,” Sidaas waxaa qortay The EastAfrican.

“Isku dayga Kenya ay ku dooneyso in ay cabirato xuduuda badaha ee ay la leedahay Soomaaliya iyo Tanzaniya waxaa dhici karta in ay taageero hesho toddabaadkan doorasha ay xubinta kaga noqnayso guddiga xadaynta badaha oo ah guddiga go’aanka ka gaara arrinta xadynta badaha,” sidaas waxaa qortay Businessdayafrica dhawr maalmood ka hor doorashii xubintooda.

Waxayna jariidadaasi raaciday in Kenya uu muran badeed kala dhexeeyo Soomaaliya, ayadoo sheegtay in labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ay isku khilaafsan yihiin halka uu maro xuduudka badda ee u dhexeeya.

Waxaana jariidadu hadalka ku adkaysay in “Kenya ay dooneyso in xuduudka badda ee Soomaaliya iyo Kenya lagu calaamadiyo xariiq jiifta (oo u socota dhanka Bari), halka Soomaaliya ka dooneyso in xariiqdu ahaato xarriiq ku qotonta xeebta (oo u socota Koonfur-bari)”.

Waxaana jariidadaha Kenya intaas raaciyeen “Bariga Afrika waxa uu noqday meel xuddun u noqonaysa baaritaanka Gaaska iyo batroolka, xilli ceelal laga qoday Uganda, Tanzania iyo Mozambique.”

Kelmeddaas “Muran Badeed” waa kelmeddii ay uga dan lahaayeen in ay u hirgasho markii ay heshiiska is-fahamka (2009) la galayeen DFKMG ee madaxweynaha ka yahay Sheikh Shariif oo uu heshiiskaasna uu saxiixay C/raxmaan C/shakuur oo hadda ah musharaxa madaxweynaha Soomaaliya 2012.

Simon Njugun waxa uu kamid ahaa xubnihii Kenya ee 3 September 2009 Guddiga Xadaynta Badaha u bandhigtay kana hor akhriday, akhbaarta la xiriirta cabirka badaha ee ay Kenya gudbisatey QM, asagii ayaana hadda noqday xubnaha guddigaas arrintaas go’aaminaya waayo weli qaramada Midoobay si rasmi ah Kenya uguma qoondayn sheegashadoodii ay Qaraada Midoobey u gudbisteen 2009.

Arrintaas “muran abuurista badaha’ ee uu hore uga qayb qaatay iyo sida ka muuqata qoraalada warbaahinta Kenya Mr. Njugun ma aha qof dhexdhexaad ka noqon kara guddiga xadaynta badaha ee go’aanka ka gaaraya halka uu marayo xadka baddaha adduunka, gaar ahaan xadka badda ee Soomaaliya iyo Kenya oo haba yaraatee uusan dhex dhexaad ka noqon karin maadaama uu qushiisu ka mid ahaa kuwii hore QM ugu gudbiyey arrinta ay Kenya ku andacooneyso.

DFKMG ayaa hore u sheegtay in ay joojisey ka hadalkii arrimaha badda, sida uu Prof. C/weli Gaas su’aal la weydiiyey Febraayo 2012 mar uu tegey UK uu kaga jawaabay: “xilligan waan  iska laalnay ka hadalkii badda (EEZ) ilaa la helayo waqti intan ka fiican.” Waxana uu intaas ku daray in arrintaasi “politically waxay nagu noqotay very difficult.”

Waxana  Mr. Gaas ra’iisul wasaaraha DFKMG ayaa websiteyada Soomaaliyeed ee ka hadla arrimaha badda waxa uu ku tilmaamay “tabloid”, mana uusan soo hadal qaadin kuwa Kenya ee u ololeeya qadiyadda badda Soomaaliyeed in lagu xadeeyo xarriiq u socota dhanka Bari oo ay Kenya dooneyso.

Dhegeyso Su’aashii iyo Jawaabtii Prof. Gaas (Feb 2012, London):

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/badda_roadpam_2012.mp3]

Kenya waxay arrinta badda Soomaaliyeed ku taamaysey ilaa markii ay burburtay dawladdii Siyaad Barre 1991. Waxayna durbadiiiba xiriir la samaysay qabqablayaashii dagaalka e xilligaas joogey Kismaayo, laakiin waxba ugama suurta gelin xilligaas.

Kaddib waxay Kenya toos ula xiriirtay xukuumaddii DFKMG ee lagu soo dhisay Kenya ee uu madaxweynaha ka ahaa C/Laahi Yuusuf (AHN), taas oo ku gacan sayrtay.

Jariidadaha Kenya oo muujiyey farxaddada in arrintii ay ku taamayeen ay taageero heshay mar haddii Keenyaati xubin ka noqday guddiga xadaynta badda.

Xukuumaddii xigtey ee lagu soo dhisay Jabuuti 2009 ayaa Kenya waxaa uga soo bidhaamay ishii ay muddada ku taamayeen, taas oo ahayd kaddib markii xukuumadda uu madaxweynaha ka yahay Sh. Shariif ay la saxiixatay heshiis muran gelinaya cabbirka badda Soomaaliya.

Arrintaas oo ay si xooggan uga hortageen shacabka Soomaaliyeed oo garabsanaya baarlamaanka Soomaaliya oo heshiiskaas waxba kama jiraan ka dhigay.

Hadda Kenya waxay xubin ka noqotay guddigii arrintaas go’aaminayey. Sidaas ayaa waxaa ku bilowday wareegii saddexaad ee difaaca badda Soomaaliya.

—————–
Tixraac:

2009: Kenya oo Xogteedii ka hor akhriday Guddiga Xadaynta Badaha

Warbixinta Qarammada Midoobay waxay shaaca ka qaaday in Kenya ay September 3, 2009 Guddiga Xadaynta Badaha u bandhigtay, kana hor akhriday, akhbaarta la xiriirta cabirka badaha ee ay Kenya gudbisatey. Akhbaartaas Kenya waxaa QM u bandhigay wafti ballaaran oo ay ka mid ahaayeen: Wanjuki Muchemi, lataliyaha Qareenka Guud ee Kenya (Solicitor General), Juster Nkoroi oo Guddoomiye u ah Kooxda Hawlgalka (Task Force) ee Kenya hore ugu xilsaartay xadaynta Qalfoofka Qaaradda, iyo Simon Njuguna oo ah Juquraafi yaqaan, kuna takhasusay cilmiga GIS. Waftiga Kenya waxa kale oo ka mid ahaa tiro khubaro ah oo isugu jira Saynis yahanno, lataliyaal Sharciga iyo lataliyaal xagga farsamada.

Kenya Newspaper said: The election of a Kenyan, Simon Njuguna, to UN body that determines international maritime borders could buoy the country’s chances of mapping-out its maritime borders at a time there is renewed scramble for sea wealth off the East Africa coast. (Tixraac)

UN:
Commission on the Limits of the Continental Shelf (CLCS) – Members of the Commission elected on 6 and 7 June 2012 for a term of five years (2012 – 2017), commencing from 16 June 2012) — (Tixraac)

—-
Kenya and TFG:
Memorandum of Understanding between the Government of the Republic of Kenya and the Transitional Federal Government of the Somali Republic to Grant to Each Other No-Objection in Respect of Submissions on the Outer Limits of the Continental Shelf beyond 200 Nautical Miles to the Commission on the Limits of the Continental Shelf (entry into force: 7 April 2009, registration #: I-46230; registration date: 11 June 2009; link to UNTS) (see also Law of the Sea Bulletin No. 70)*
* By a note verbale dated 2 March 2010, the Permanent Mission of the Somali Republic to the United Nations informed the Secretariat that the MOU had been rejected by the Parliament of the Transitional Federal Government of Somalia, and “is to be hence treated as non-actionable.”

—-
Commission on the Limits of the Continental Shelf (CLCS)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

6 Jawaabood " Kenya oo Xubin ka noqotay Guddiga Xadaynta Badaha Adduunka ee Qaramada Midoobey "

  1. muumin says:

    asc maadama dadkii soomaliyeed oo bada difaaci lahaa ay qaarna calankii somalia gubeen oo calan madoow qaateen qaarna horay usaxiixeen qaarna sun kushubeen xeebaha somalia oo lacag ku badasheen intayada caqliga saaxiibka u ah waxaan lee nahay ilaahaw diinkii la yiri shimbiraa kuu tashanay oo inay ku cunaan raba oo yiri meesha laygu tashanayo saw ilaahey majooga oo ilaahey ducadiisii ka qabalay oo qolof adag ilaahey ku dahaaray shim birihiina waxba ka qaadi waayeen oo ka dareereen ilaahaw bada soomaaliya meesha loogu tashanayo in la dhaco ilaahaw adaa noo jooga adaana kugu kalsoonahay soomaali u eke ilaahaw naga qabo (unclos iyo clcs) inay maantay badena hunguriyeeyaana waxaa keenay somali u eke aan somali ahayn ee u eg waxaana arintaan looga bixi karaa iyadoo la helo really somali wabilahi tawfiiq

  2. Diini says:

    ASCaleykum ugu horayn ILLaah SWT ayaa mahada leh iyo rasuulkeenii suubanaa SCW , weligaa haku fakarin inaad niyad jabto xataa hadii aay 10 kursi ku yeeshaan meeshaas dadka lagu dhaco waxba naga qaadi maayaan laakiin waxaa loo baahan yahay af , adin , qalin qof kasta wuxuu awoodo inuu ku difaaco ducaduna waa muhiim ha la’ogsoonado insha’allaah khayraadka soomaliya cid kale u gacan geli maayo xukuumad diin iyo tayo leh illaah SWT hanoo dhaliyo ducadana badiya Soomaliya waa dad dhiig leh laakiin fayruskaas = qabiil rabi hanaga badbaadiyo aamiin sc.

  3. Magan says:

    Waxay ila tahay maadaama la hayo cadaymo ku saabsan kenya doonitaankeeda qayb ka mid ah badda somaliya in loo sharciyeeyo inaanay ku soo dhici karin markale arintaas. waxaa loo baahan yahay feejignaan iyo in isha lagu hayo inta soomaliya dawlad dhab ahi ka dhalanayso. midda ugu khatarta wayn waa dastuurka cusub sidda loogu Cadeeyo xaddka dhulka iyo badda.

  4. said ali mohamed says:

    ascww, salaan qaaliya,

    waa arrin aad looga naxo, in ragii laga dhicinayey bada soomaaliyeed ee boobka iyo dhaca ku waday ay maanta ka mid noqdaan, kuwa u talinaya badaha aduunka, marka waa in aan galnaa dagaalkii ugu adkaa, waxayna ku xirantahay hadba sida uu aqoonyahanka soomaaliyeed ay ugu istaagaan oo ay noqdaan, kuwo isku xiran leh hadaf midaysan, sida aqoonyahan, ama halgamayaasha somalitalk….. guusha anagaa leh, hadii aan kaashano allaaha oo aan noqono kuwo isku xiran oo leh dulqaad… iyo adkaysi

  5. Daacad says:

    Salaan kadib, ugu horeyn waxaan ammaan iyo bogaadin u dirayaa walaalaha ka howlgala webkan somalitalk iyo dhamaan walaalaha utaagan har iyo habeen in ay difaacan dalkeena bad iyo beriba.
    walaalayaal murti soomaaliyeed ayaa waxay ahayd (Gudiney ima goyseen hadaanu qayb aniga igamid ah uunan kugu jirin), kenya iyo waddamada lahalmaala maanta soomaaliya ma ayan hunguriyeyn lahayn hadayan la socon soomaali u eke. aniga waxaan ku talinayaa in aan dhaqaale ku taageerno aqoonyahanadeena marwalba u taagan in ay difaacaan baddeena kuwaasoo marwalba ku difaaca xagga qalin-ka, waxaan dhaqaalaha u doorbidayaa ninka aqoonyahanka ah hadii uunan helin dhaqaale awoodiisu waxay ku koobnaaneysaa qoraal kaliya, waa muhiim in aan dhaqaale ku taageerno si ay uga qeybgalaan shirarka caalamiga ah iyo meelaha looga hadlo arimaha soomaaliya.
    khaasatan dadka jooga dibadaha ee awooda u leh inay taageero dhaqaale bixiyaan ee aan anigu kamidka ahay.
    fadlan waxaan codsan lahaa hadii ay jiraan cid isku hawshay xagga dhaqaale ururinta inay ila soo xiriiraan waxaan diyaar u ahay in aan ka qaybqaato. waxaa la igala soo xiriiri karaa
    emailkayga mahadk114@hotmail.com
    wabillaahi tawfiiq wsc wr wb
    waa walaalkiin Xuseen Axmed Adam (Daacad)

  6. C/raxmaan MM says:

    Waa arrin naxdin iyo murugo leh mar haddii dowladii muranka badeed nagala dhexeeyay ay xubin ka noqtay guddiga xadeynta badaha adduunka, laakin dhanka kale Ilaah baan leenahay Isagaana ka baryeynaa inuu dhagrtooda na dhinac mariyo iyo sidoo kale baarlamaankii shalay difaacay iyo muwaadiniintii dadaalka gelisay difaacidda badda Soomaaliya sida websitekan. isagaana ka ba