Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo Sheegay in wax laga Xumaado tahay in Ciidamada Itoobiya ka baxaan Degmada Ceel Buur

iyo Xarakada Shabaab oo ka Warbixiyay Sababihii Keenay in Ciidamadii Itoobiyaanku Isaga baxaan Magaalada Ceel Buur.

Madaxweynaha Dowladda Faderaalka KMG Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa soo hadal qaadey mar uu Degmada Afgooye kula kulmey Odoyaal ka tirsan ka bixitaankii Ciidamada Itoobiya ee Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud waxaa uu sheegey in ay Dowladda ka xuntahay in Ciidamada Itoobiya ka baxaan Degmada Ceel Buur isagoo arrintaa ku macneeyey Dano gaar ah oo ay leedahay Dowladda Itoobiya balse Madaxweynaha ma sheegin Danaahaas waxa uu yahay.

Madaxweynaha dawladda ku meel gaarka Soomaaliya Shariif Shiikh oo magaalada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose shir kula qaatay Saraakiisha sare ee Ciidamada dawladda iyo kuwa Amisom ayaa ka hadlay sugidda ammaanka guud ee degmadaas iyo nawaaxigeeda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay Dagaalkii loo galay qabsashada Degmada afgooye isagoona sheegey in markii ay Ciidamadu halkaa soo gaareen in ay soo dhaweyn wanaagsan iyo wada shaqaynba ay kala kumeen Shacabka halkaa ku dhaqan.

Sheikh Shariif ayaa hoosta ka xarriiqay in Ciidamada dawladda ee halkaa ku sugan aysan dhamaantooda wada ahayn dad Xun balse ay dhici karto inuu ku jiro mid mid doonaya waxyeeleynta Shacabka.

Shariif Shiikh Axmed ayaa tilmaamay inaan marnaba loo dul qaadaneyn Askeri doonaya inuu dhibaateeyo shacabka masaakiinta ah isla markaana uu ku xad gudbo isagoona farta ku fiiqay si ayan taa u dhicin in loo diyaariyay Maxkamad qaadda dacwadaha Dembiyada ay gaystaan Ragga ka tirsan Ciidamada dawladda.

Madaxweynaha ayaa ku booriyay saraakiishii uu la kulmay inay si dhab ah wax uga qabtaan Cabshada ka soo yeereysa dad weynaha Degmadaasi oo maalmihii u danbeeyay ka cabanayay Ciidamada dawladda oo dhibaateeya.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka KMG ee Soomaaliya Shiikh Shariif oo labadii Maalmood ee aynu soo dhaafnay ku negaa degmada af gooye ayaa waxaa uu kulamo la qaatay Odoyaasha iyo wax garadka degmadaas isagoona ka dhagaystey war bixinada klu aaddan dhinaca ammaanka.

Xarakada Shabaab oo ka Warbixiyay Sababihii Keenay in Ciidamadii Itoobiyaanku Isaga baxaan Magaalada Ceel Buur.

Afhayeenka dhinaca hawlgalada ee Xarakada Shabaab Shiikh Cabdilcasiis Abuu Muscab ayaa ka hadlay sababaha keeney in Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Ahlu Sunna wal jamaaca in ay xiligan isaga baxaan Magaalada Ceel Buur oo muddo Laba Bilood ka hor ay kala wareegeen Xarakada Shabaab.

Afhayeenka ayaa sheegey in Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugnaa Ceel Buur in ay soo wajaheen Culeysyo kaga yimid dhinaca Ciidamada Xarakada Shabaab ee dhinaca sahayda iyo Isgaarsiinta ah.

Abuu Muscab ayaa sheegey in Ciidamadaasi Saadkooda uu ka imaan jiray guud ahaan marka uu ka soo gudbo dhinaca xadka gaar ahaan Shilaabo in la soo gaarsiin jiray Degmada Guri Ceel markaas kaddibna loo sii gudbin jiray dhinaca Degmada Ceel Buur,.

Abuu Muscab ayaa intaa ku daray in ka gadaal markii Sahaydii loo waday Degmada Ceel Buur ay ku badbaadi weydey Kiilo Mitir kasta oo wadada Isku Xirta Ceel Buur iyo Guri Ceelna ay dagaalo ku qabsadeen ayaa waxaa markii dambe soo deg degtay in Ciidamada Itoobiyaanku halkaa isaga soo baxaan.

Afhayeenka Xaraklada Shabaab ayaa sheegey in Ciidamdooda ay awood u yeesheen in ay kala jaraan isu socodka gaadiidka iyo Ciidamada Difaaca kaga jira Ceel Buur sababtaasuna ay tahay tan keentay in ay halkaa isaga soo baxaan.

Sheikh Cabdilcasiis ayaa intaa ku daray in xitaa markii Ciidamada Itoobiyaanku iyo kuwa ahlu sunna ay halkaa ka soo baxeen ayan ku badbaadin safarkoodii illaa Guri Ceel taasoo uu sheegey in ay la kulmeen Weeraro joogta ah oo dhinaca xarakada Shabaab uga imaanayay

Saraakiisha Ahlu Sunna oo iyaguna warbaahinta ka hadlay ayaa sheegey in ay wataan qorshe gebi ahaanba ay kaga cirib tirayaan Gobolka Gal Gaduud xarakada Shabaab isla markaana Dagaalkoodii ay dhan kale u weeciyeen waa sida ay hadalka u dhigeene.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFKMG oo Sheegay in wax laga Xumaado tahay in Ciidamada Itoobiya ka baxaan Degmada Ceel Buur "

  1. shacabka waa ku farxeen bixitaanka xabashida shariifna waaba ka naxay