Home » Warar »

Faarax Macallin, Kuxigeenka Madax baarlamaanka Kenya, oo Booqday Australia

Warbixin: Faarax Macalim oo si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Australia —

Melbourne (10th June 2012): Sacab iyo sawaxan aad u badan ayaa is qabsaday markii uu mudane Faarax Macalim soo galay hoolka weyn ee shirarka ee jaamacada caanka ah ee Victoria University ee ku taala magaalada Melbourne. Soomaalida degan magaalada Melbourne ayaan u kala hadhin soo dhaweynta Mudane Faarax Macalim oo ah ku xigeenka afhayeenka baarlamanka Kenya.

Halkan ka daawo sawirada

Waxaa xafladan si wacan u daadihinayey Dr. Maxamed Cabaas, xagga farsamadana waxa si heer sare ah gacanta ugu hayey Maxamed Fowzi Cabdi, Xamdi Cali iyo Cabdi Taajir. Xafladan ayaa lagu furay aayadaha Qur’aanka Kariimka ah oo uu aqriyey wiil da’yar oo lagu magacaabo Maxamed Sayid.

Waxaa xigtay heesta astaanta u ah calanka Australia, Kenya iyo Soomaaliya. Intaas ka dib waxaa xaflada furay Xassan Shuuriye oo ah guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada iyo soo dhaweynta. Waxaa kale uu ku xigay kalmado kooban oo ay halkaas ka soo jeediyeen qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhiga Australia mudane Yoonis Xaashi iyo Dr. Maxamed Cali Xaamud oo ahaan jiray wasiirul dawlihii arimaha dibada ee dawladii Kacaanka. Waxaa kale oo ka hadaly xaflada odayaal iyo aqoonyahano ka socday jaaliyadaha Soomaalida.

Mudane Faarax Macalim oo si aad ah loo sugaayey ayaa lagu soo dhaweeyey microphone-ka. Faarax Macalim waxa uu aad ugu hadlay:

• Taariikhda dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan geeska Afrika.

• Doorkii uu isagu ka soo qaatay dib u heshiisiinta Soomaalida.

• Farqiga u dhaxeeya siyaasada arimaha dibada ee Kenya iyo tan Ethiopia ee ku aadan arimaha Soomaaliya.

• Sababaha ay Kenya ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya, oo uu sheegay in ujeedada laga leeyahay tahay in ay ka hortagaan qatarta Kenya kaga imanaysa koonfurta Soomaaliya, iyo in dowlada Soomaaliya laga caawiyo in maamul rayid ah laga dhiso deegaanadaas, ka dibna sida ugu dhaqsaha badan looga soo saaro ciidamada Kenya dalka Soomaaliya.

• Waxaa kale oo mudane Faarax Macalim warbixin dheer ka bixiyey Kenya oo gali doonta qaab-siyaasadeed cusub oo ah “devolution political system” oo gobol waliba isaga ismaamuli doono, warbixintan ayaa loogu tala galay muwaadiniin Kenyaati ah oo ka soo jeeda gobolka waqooyi-bari ee Kenya oo iyagu si weyn uga soo qeyb galay xafladan.

• Soomaalida degan Australia ayuu si aad ah ugu booriyey in ay wadanka Australia dhexgalaan oo ay wax la qabsadaan dadka wadanka degan xagga waxbarashada, dhaqaalaha, iwm.

Dr. Maxamed Cabaas ayaa si qota dheer uga hadlay taariikhda mudane Faarax Macalim, isaga oo sheegay in uu yahay geesi wadani ah, siyaasi fiiro dheer leh, aqoonyahan aftahan ah oo aan hadalka la gaban, ahna hogaamiye siyaasi ah oo baal dahab ah ka galay siyaasada qaarada Afrika. Dr. Maxamed Cabaas waxaa uu xusay in Faarax Macalim door weyn ku leeyahay kor u qaadida waxbarashada dhalinyaro badan oo ka soo jeeda geeska Afrika.

Sidoo kale waxaa Dr. Cabaas sheegay in hadda Faarax Macalim hayo jagooyinka kale oo caalmai ah, isagoo ah ku xigeenka madaxa baarlamaanada ay leeyihiin wadamada IGAD (Vice-President of the Inter-parliamentary Union of the IGAD Member States) iyo waliba isaga oo qaarada Afrka oo dhan u matala golaha baarlamanka aduunka ee fadhigiisu yahay Geneva (President, African Geopolitical Caucas of the Inter-Parliamentary Union).

Soomaalidii ka soo qeyb gashay xafladan ayaa aad ugu riyaaqay la kulanka Faarax Macalim oo ay idaacadaha aad uga maqleen balse aysan hore u arkin. Waxaa kale oo Soomaalidii xafladan isugu timid isku raaceen in Faarax Macalim yahay siyaasi ruug cadaa ah oo u dooda xuquuqda Soomaalida ku dhaqan bariga-Afrika.

Cabdi Taajir
Melbourne, Australia
a.taajir.2012@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Faarax Macallin, Kuxigeenka Madax baarlamaanka Kenya, oo Booqday Australia "

  1. muxii says:

    Ninkan faarax macallin nin kenya ah weyaan, ma istaahilo in loo istaago. somaalidu dareenkii ayey ka dhinteen. Bal wuxuu ka hadlaya u fiirsada, kenya iyo ethiopia raali kama ah in ay soomaliya dawladnimo yeelato. ninkanloo kale mar kale ha noo keenina. pleasekanoo kale haka dhigina nin wadani ah. kuwa horfadhiya waa kuwa , dibada ku raagay , cayrtiiba dareenka ka qaaday baan umaleenya.

  2. saar says:

    Faarax Soomaali ma aha Soomaalio mana jecla Soomaalinimada,oo waa kan u ololaynaya in Soomaaliland go,do habeenkii dhowaa wuxuu aad u Faaniyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliaya alla ha u naxariistee Cabdullahi Yuusuf halka uu Horey dhaqaale iyo Saanadba ugu gudbiyey
    Maxaakiimbtii tagayna Xamar si loola dagaalamo Dawladii abdulaahi hogaaminayey,sidaas daraadeed ma aha nin istaahila in la soo horfariisto laguna qiimeeyo wadani

  3. FAARAX MARKII IIGU HORAYSAY WAXAAN KU ARKAY XAFLAD UU U QABTAY DHALINYARO SOOMAALI AH MAGALADA NAYROOBI XAQIIQDII FARAX WAAA KADUWANYAHAY DHAQAN AHAAN SIYAASIYIINTA SOOMALIDA KENYA TUSAALE AHAAN FARAX AD BUU UGA WARQABAA SIYASADA SOOMAALIYA GUUD AHAAN WAXYABAHA AAN KUXASUUSTO WAXAA KAMID AH INUU SIBAREERA UGA HADLO XASUUQII LOOGAYSTAY SOOMAALIDA KENYA IYO INUU INTABADAN ISKKU DAYO TAAGEERIDA ARDAYDA SOOMAALIDA KENYA

  4. nuur says:

    NEVER EVER , waxanoo kaloo warkan oo kaloo soo galiya, dadka webkan leh waxay ahaan jiray kuwa bada soomaliya difaaca, markaysay soo galinayaan nin difaacaya in ay kenya timaato soomaliya. nonsense , oh my Allah.Kenya wants Somalia resources specially the oil believed to be in the lower Jubba region. We remember that they have tried to take advantage of the current TFG by trying to get them to sign documents allowing Kenya to Annex that part of Somalia. When that did not work they have tried a second approach which was to create the Asania state .
    We the somali open- minded and development-oriented society we are saying clearly the time of warmongers is over. Please nin difaacaya kenya Mardabe hanoo soogalinina webkan.