Home » Warar »

Xildhibaan C/raxmaan C/Shukuur oo Isu Sharaxay Madaxweyne

Xaflad ballaaran oo lagu taageeray Murashaxa madaxtinimada Wasiirkii hore ee qorsheynta Xildhibaan C/raxmaan C/Shukuur ayaa manta ka dhacday Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka oo sawiro wata ka eeg halkan (pdf)

Xafladaan oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa si weyn uga qeyb galay dad matalayey qeybaha ka la duwan ee bulshada oo ay hor kacayeen Ugaasyo, salaadiin, cuqaal, Siyaasiyiin, Xildhibaanno, culumaaudiin dhalinyaro iyo haween boqolaal gaarayey.Jufada Ceyr ee Habar gidir oo iyadu sameysay xafladda kuna casuuntay beelweynta habar gidir ayaa si rasmi ah uga dalbatay jufooyinka kale ee Beelaha Habar gidir in taageera buuxda oo aan waxba lala kala harin la siiyo murashaxa ay beeshu la dooneyso xilka madaxweynaha Somaliya Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur oo ay sheegeen iney la noqotay inuu dalka iyo dadka somaliyeed ka samata bixin karo xaaladda adage e lagu jiro
Ugaas C/Daahir Ugaas Nuur oo hadalka furay ayaa sheegay in Jufadiisu isku afgaratay ka hor inta aysan beelaha kale Somaliyeed hor tegin in ay haboontahay iney marka hore ka codsadaan beesha Habargidir iney u tanaasulaan Murashaxajufadiisu wadato isla markaana la garab istaagaan taageero hiil iyo hooba leh.

“Waan dareensannahay iney jiri karaan dad kale oo ku hamminaya iney iyaguna nasiibkooda tijaabiyaan oo isu sharraxaan xilka madaxtinimada dalka balse waxaa ay nala noqotay in midnimo iyo wada jir iyo isu tanaasul oo keliya guul lagu gaari karo, sidaa darteedna aan howsha ka bilawno marka hore inaan taageeradiina helno si innaga oo wada jirna aan beelaha kale ee Somaliyeed ee walaaleheen ah ugu sii gudubno ayuu yiri.

Suldaan Xasan Cilmi Yaxye oo isna madasha ka hadlay ayaa dadkii xafladda kasoo qeyb galay u sheegay in Cidda Gogosha fidisay isla markaan walaalaha goobta jooga wax ka dooneysaa aysan aheyn shakhsi qura balse ay yihiin umad dhan oo aamintay in danta guud ay ku jirto in la taageero murashaxa ay wadaan.

Waxaa madasha hadallo ka jeediyey, siyaasiyiin, aqoon yahanno iyo wax garad kale oo dhammantood soo dhoweyey murashaxnimada xildhibaanka sheegayna iney wax walba oo ka raankooda ah la garab istaagi doonaan.

Ugu danbeytii waxaa madasha hadal ka jeediyey Murashaxa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Khudbad socotay muddo 15 daqiiqo ah si weynna loogu sacab tumay ayuu ku billaabay in maadaanma aan weli lagu guuleysan sameynta axsaab siyaasadeed oo aragti iyo ahdaaf guud salka ku haya ay taasi lagama maarmaan ka dhigeyso in ciddii dooneysa iney u madda u shaqeyso ay marka hore kalsooni ka raadsato hogaamiyayaasha bulshada, sama doonada,salaadiinta, culumaa udiinka iyo guud ahaan bulshaweynta Somaliyeed oo dhan oo in kastoo aysan codeyneyn doorashada soo socota hadana iyagu ah kuwa leh sharciyadda siyaasadda.

C/shakuur ayaa sharraxay sida ay mushkiladda Somaliya haysataa ula muuqato.
Labadii tiir ee aasaaska u aheed dowladnimada oo kala ahaa Dalka iyo Diinta ayuu tilmaamay in dhaawac weyn loo geystay ka gadaal markii dantii gaarka aheed la diimeeyey magacii diintana wax lagu dumiyey laguna dilay.

Dalka ayuu ka digay iney halis weyni soo food saartay maadaama qabiil waliba dowlad u gooniya ku dhawaaqay ayna hadda marayaan afartameeyo dowlad ku sheegyo, Waxaa uu ku dooday in tani ay fogeyneyso himailadii dhismaha qaran somaliyeed oo dadka oo dhan ka dhexeeya.

Xildhibaanka oo lagu tilmaamo inuu ka mid yahay siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee aqoon durugsan mar qura u wada leh carabta, galbeedka iyo diinta islamka ayaa si weyn uga soo dhex muuqday masraxa siyaasadda ee Somalia dhowrkii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa uu tilmaamay in mushkiladaha manta somaliya ay wajaheysaa aysan aheyn ku wii hore.
“ Adduunyada waxa ka ka dhacaya is bedello waaweyn oo si loola jaanqaado ay tahay in aan la dhihin maxaa habboon ee la yiraahdo maxaa suurto geli kara si horay loogu dhaqaaqo” ayuu yiri.

“Soomaaliya waxay maanta u baahan tahay waa hogaan hiigsi (Vision) leh, Risaalo (mission) iyo hawl qorshayn halbeeg leh ” ayaa hadalladiisii ka mid aheed.

Musuqmaasuqa, eexda iyo danaysiga gaarka ah oo lala dagaalo ayuu farta ku fiiqay in ay tahay tan keliya ee qaran somaliyeed oo taabbo gal ah lagu dhisi karo.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsday sida ay lagama maarmaan u tahay in la helo nidaam dowladeed oo hufnaan iyo karti ku dhisan cadaaladna salka ku haya.

“Cadaaladu waa in cid walba ay heshaa inta uu la egyahay saamigeeda iyo miisankeeda waxqabad. Maraykan iyo Madagashkar waa laba dawladood oo UNka ka wada tirsan laakiin isku miisaan ma ahan” ayuu tusaale ku bixiyey.

.

Waxaa soo tebiyey:
Yusuf Sheikh
Faafin: SomaliTalk.com | June 11, 2012

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

20 Jawaabood " Xildhibaan C/raxmaan C/Shukuur oo Isu Sharaxay Madaxweyne "

  1. Daud says:

    Marka hore waxaan samalaamayaa dhamaan umada somaliyeed waxaana Alla uga baryayaa in uu dhibaatada kasaaro.Marka xigtana waxaan salaamayaa Mudane xildhibaane, musharaxa madaxweyne C/raxman C/shakur warsame waxaan leeyahay welcome.In taa kadib hadaan xasuusano dadyowga qoraalada kasameyey,personality leadershipka waxay ukala qaadeen laba qeybood oo kala ah:innate personality leadership (nature) iyo obtained personality leadership(nurture). Tan koowaad oo noqoneysa qof dabiiciyan Ilaahey hibo usiiyey,hogaankiisuna uu ku saleysan yahay qaabka shaqsiyan uu u sameysan yahay, oo aan dadku wada laheyn lagase yaabo in Illay bulsho kasta oo meelku wadanool kasoo dhexsaaro dadfceynkaas ah, balse ay adagtahay inay isku aado dadka ceynkaas ah iyo waqtiga ku haboon.Tankale oo ah qof kulansadey aqoon iyo qibrad hogaamineed oo waaya aragnimo iyo aqoon ku filana uleh hogaanka, labadaas waxaan ka aheyn waa uun waxkale. waana loo baahan yahay qofkii illay karti iyo aqoon siiyey in uu u istaago in uu dadkiisa iyo dalkiisaba waxtaro.Hadaanse ulaabto mudane xildhibaane C/raxman waa runtii nin aqoon ku filan leh umadana hogaamin kara, waxaan anigu aad uga helaa marka uu doodaha bbcda iyo voada kaqeybgal kooda kahadlaayo oo lagafahmikaro in uu aqoon uleeyahay
    habsocod kii siyaasadeed ee qarniyaalkii lasoo dhaafay siyaasada aduunku soo martay, iyo saadaasha siyaasadeed ee kontomeeyada sano ee soo aadan lafilaayo. Markaa waxaan dhihi karnaa mudane Craxman C/shakur wuuw mudan yahay in uu noqdo madaxweyne somaliyeed aqoonteedna waa uu leeyahay, Ninaase waxaa laga sheegay heblaayaan aqaanoo meel fiican kuma dhasho,hada anigu somaliyaan aqaanoo qofka mudan madoortaan.

  2. kuusow says:

    Asc.
    mudane c/raxman c/shakur.
    Sxb kusoo dhowo xilka madaxtinimada wadanka, wad u qalantaa kartideedana waad leedahay.
    Ha u jixin jixin wa magaratada hadalkooda.
    cadawgaaga alow jebi.
    Ilaah hakugu guuleeyo Sxb horey usoco

  3. Abdi says:

    Abdirahman A/shakur waxaan oran lahaa haddiiba ay shariifyadii saaxiibadaaa ahaa ay tartarmaayaan adiga dhankaada ma miis. because shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa. laakiin haddii ay tago yaa Somali ah oo dalkaa iyo dadkaas somaliyeed wartar iyo damiir dadnimo u leh, markaas waxaan oran lahaa kaalin kaagama banaano. hadda sakiin iyo sharif koofi inta ay isu arkaan waxaan dadku u arkin iska dhax bood. badda lagu heysto kuwaas hadda jooga oo malaayiinta ummada baahan ka dhacdey ayaaba iiga daran.

  4. Said Warsame says:

    Beeshu ma iska dhexweyday ruux uga habboon musharaxaan magaciisu ka dhex muuqday qadiyaddii badda ee wali aloosan. Walle soomaali ilaah bay leedahay.

  5. Naasriin says:

    Waxaan maqli jirey xumaan qof ku daalaya ayaa wanaag damaciis hayaa, Dadka halkan aflagaadada ku soo qoraya ood moodid iney iyagu maxkamad iyo jury isku yihiin waxaan oraan lahaa, markaad nafsadiina ixtiraamtaan ayaa hadalkiinu walaalayaal qiimo yeelanayaa, ogaadana caay iyo aflagaado cid aan denbi leheyni denbiile kuma noqoneyso. C/raxmaan boqol meelood ayuu ka cadeeyey in madaxweyniisa iyo Raisul wasaarihiisa iyo golihiisa wasiiradu ay wada wateen iyaguna waa sheegeen in golaha wasiiradu ansixiyeen isaga la amray inuu saxiixo. sideebaad ku oran kartaan isagaa gatay maad dowladda oo dhan ku eedeysaan. siada madaxweynaha iyo raisul wasaaraha iyo golihii wasiirada ee ansixiyey hadduu xumaa heshiiskaasi iyo haddii fiicnaaba c/raxman c/shakuur eed gaar ah kuma lahan. haddiise aad si gooni ah isaga ku heysataan ha ku mar marsiiyoonia BAD ee toos u abaara.

    C/raxmaana nasiib uu madaxweyne ugu noqdo Somaliyi maba lahan waayo waa ruux karti iyo aqoon iyo wadaninimo ilaahey u idleeyey. Aflagaado iyo xiqdi iyo xaasidnimana waxba ugama jareysaan.

    .

  6. SCWW C/raxmaan 11 qof oo iga horeysay ayaan rayigooda fiiriyey 10 waa kudiiday 1 aya kutageeray tas waxay tusineysa aqlabiyadda somali waa kudiidan yihiin ee iska dhaaf damaca aadan weli gaarin waa iga talo.

  7. saadaq says:

    Asc? Dhamaan umadda Soomaaliyeed, Salaan kadin Marka ugu Horeysa yaan Shaqsi si gaar ah loogu xadgudbin. Dhanka kale aniga waxaan qanaa in Sxbkeen C/raxmaan ay umadda Soomaaliyeed U Dulsaaran tahay Calaamatu Su’aal Weyn Oo Ah in uu wax ka ogaa waxna ka saxiixay Qorshihii iyo is afgarad waxa loogu yeeray ee Badda Soomaaliya Shakiga lagu galinayay, Waxaan kula talinayaa in uusan umadda Hoo hor is taagin maadaama la tuhunsan yahay jeer Dacwaddisu dhan u dhacdo oo Dambiga Qaran lagu waayo ama lagu helo, Soomaalidu Hadda qabyaalad waa ka gudubtay wacsiyeeda Siyaasadeed iyo Midka Wadaniyadeedana wuu soo noqonayaa.

  8. Zaki says:

    Ku filan intaas hadduu caqli leeyahay , dadka meetan ka hadlay waa wada mayd garaaceen ee iska dhuumo ayaa kula gubdoon ina shakuuroow

  9. HAMZA says:

    WAXA CEEB WEEN AH IN MAANTA C.RAXMN CADBISHKUR OO L YAQANO INU AHA ABDA GATE UU SOMLI SO HORIS TAGO WAR KAL HOR DHAQA CEBTADA SOMLI

  10. bilqeyr says:

    Asc haddii aan fikradeyda dhiibto waxan qabaa in uusan noqan karin madaxweyne mana uqalmo xiligan somalida oo dhan waxay uhanweyn yihiin madaxtinimo walaalayaal cayaar ma ahan in xilka madaxtinimada la qaado ha umoodina wax sahlan waa wax aduun iyo aaqiro dhib kaaga imaan karo sidaas awgeed xilkan culus waa laga fogaada nin kastoo isa soo sharaxana waxan u arkaa in uu yahay hunguri doon ee ma aha nin daacad nimo wax ugu qabanayo dalka sidaas awgeed yaana lagu ajarmin nimanka hunguri doonka ah oo aan Alle ka baqeynin markii la dhaarinayana kitaabka quraanka ku dhaaranayaan haddii ay xukunkii qaadana ay jeebkooda uun wax ku raadsanayaan marka walaalayaal ilaah halaga baqo umada ninkan wax uqabaneyn waxba yuusan isa soo sharixin rasaqaada waad heleysaa haddii aad aqoontaada ku shaqeysato balse intaad issoo sharaxdo dalkan maamulaa wax haku raadsan ilaah ka baq waxba uma tareysid dalka ee waqtiga hanaga lumin

    anigu waxan qabaa in mar kale ladoorto madaxweyne shariif waayoo sheekh shariif waa nin geesi ah waa nin wadani ah waa nin dhexdhexaad ah waa nin firfircoon waa nin bulshada jecel waa nin horumarka dalka jecel waa nin diilta islaamka wax ka yaqaan oo cilmi leh waa nin kartidiisa iyo caqligiisa ku helay jagada madaxtinimada hadana ma jiro mid asaga lamid ah waayoo waad aragtan nabaddan yarba asaga madaxiisa ayaa lagu helay indhaha ayuu noo kala furay caalamkana waa nagu soo jeediye waad aragtan haddii mar kale la rabin in dalka burburo mudane shariif hala doorto waa iga dardaaran aniga nin kale aan Aaminayo ma jiro musharaxiinta kale waa hunguridoon nin magaca soomaaliyeed wax ku raadsanayana waxba uma galo dal iyo dadba

  11. Caano says:

    Asc,

    Keniyadii uuu berigii dalka saddex meelood uuu meel siiyey, ayaa hada daba kawada, markaa waaa investment cusub oo dowlada kenya ay wadato, iyadoo isle aad dhowr milyan ku kharash garaysid, partlamentiga dooranaya madax waynaha, markaa dhowrkaa milyan haday kenya kabaxdo maxaa kagalay dal bay ku badalanaysaaye,

  12. sc waxaan umada soomaaliyeed ogaysiinayaa inaan la ilaawin qofkii Somali ka galay godob. Musharaxa Xildhibaan C/shakuur waa ninkii saxiixay badda Soomaaliya. Marka aqoontiisa waxba noo matareeso isaga ayay anfici.Hadii qofkasta oo dembi ka gala dalka iyo shacabka soomaaliyeed uu codsado in loo doorto madaxnimo oo aan doorano waa ayaan darro. Hadii asagoo waziir ah saxiixay badda Soomaaliya maxaan ka fileenaa haduu madaxweyne inoo noqdo> Jawaabta waxaan u daayay Somaali weyn.

  13. Mursalow says:

    MA ninki badda baxshay baa hadda raba inaan waddanka ku aaminno!!

  14. Aadan says:

    Waa la dooran hadday wax dooranayaan dulaaliin dalka iyo dadka aan dan ka lahayn, waa la dooran hadduu wali hayo hantiduu ka helay Badda , waa la dooran hadday dhab tahay xanta ah inuu M15 wakiil uga ahaa Masaajidka Brose Grove London , waa la dooran haddii la waayo wax alla yaqaan ah waa la dooran hadday odayaashu keenaan Laaluushka kuwa kala gurta oo Guul darro iyo kugu gubatay marada noo horkaca mar kale
    Lama dooranayo hadduu damiir shaqeeyo lama dooranayo Insha allaah halkaan badda gaday bariga si uusan u gadin

  15. LA YAAB says:

    BADDII HOREYBAAD U IIBISAYE, MA DHULKAAD RABTAA HADDA RABTAA INAAD IIBISO. DEEGAANKAAD KA TIMID SOO HAGAAJISO. UMMADA ALLAH ABUURAY NADAB GALIYA. WAJI AAD UMADDA KULA HORFARIISAN KARTO LA IMOW

  16. Samodoon says:

    Alla maxey Soomaaliyi dacar hanbatey? kii badda u saxiixay Keenya ayaa maanta doonaya madaxwenanimo! Isagoo madaxweye noqdayna tollow muxuu inaga milki wareejin doonaa? Armuu yiraahdaa Soomaalida waa KU-KUU-YO’ LO’ oo Keenyaa laga xukumyaa. Taa iyo wax ka daranba ka filo isaga iyo asaagii.

  17. rooble raage says:

    C/shakuur horuu badii u iibiyey waana usuura geli weydey
    hadase dadaalkiisii waa labalaabey oo wuxuu rabaa inuu dalkoo dhan yiraahdo FOR SALE
    Allah Kareem

  18. ahmed says:

    War waxaani kii badda soomaaliya kenya usaxiixay miyuusan ahayn… Subxaanalaahaa waxaanaa haddana wuxuu rabaa inuu berriga gato.. Baddii buu horey u iibsadey…

  19. cumar suufi says:

    asc wrwb
    intaas kadib musharaxa waa qof cilmi u saaxib ah marka dadka isagoo kale ah waa in fursada lasiiyaah.cadaaladu afkama timaado ee qalbiga ayeey kasoo duushaah,cadaaladu waxaa yaqaanoh keliyah qof nafsadiisa mar walba canaanan karah.eexduna iyo qabyaalada inagu raagtayna een mar mar isleedahay umadani maxaa ku habsaday oo halkeey wax iska qabsan layihiin,marka walaalayaaloow qof maal qabo oon alle ku xirneeyn codkeena yaanan ku beerdareeynin qof dasaatiir aduunyo oon dastuurkii rabigeena qiimeeynin yaana codadkeena ku beerdareeynin marlabaad musharaxa cabdishakuur allaah kugu guuleeyoh.

  20. caku, shacabka soomaaliyeed ma waxaa isku soo sharaxay madaxweyne ninkii saxiixay heshiiskii badda soomaaliya lagu dhaxal wareejinayay ilaahoow m s barre xabaasha ka soo saar kuwaan isagaa milyan jeer ka fiican