Home » Warar »

Shiikh Fu’aad Shongole “Obama Madaxiisa waxaan Dul dhigney 10 Halaad oo Geel ah Hilary Clinton Waxaa Dul Dhigney 20 Digaag”

Iyadoo dhawaan Saraakiisha Sir doonka Maraykanka ay shaaciyeen Lacago ay ku bixinayaan ciddii soo sheegata ama keenta Saraakiisha ugu sarreysa Xarakada Shabaab ayaa iyaguna dhankooda waxaa arrintaa ka hadlay Xarakada Shabaab.

Fu’aad Maxamed Khalaf Shongole oo ka mid ah Ragga Madaxooda Lacagta la Dul dhigay oo arrintaa ka hadlay ayaa sheegey inaysan waxba u dhimeyn ama wax cabsi ah ku beereen hadaladaas ka soo yeeray Xukuumadda Maraykanka.

Sarkaalkan ka tirsan Xarakada Shabaab Fu’aad ayaa sheegey in iyaguna ay doon doonayaan Madaxweyen Obama iyo haweeneyda Xogahayaha arrimaha Dibadda ka ah Dalka Maraykanka Hillary Clinton .

Shongole ayaa sheegey in qof walba oo waa siduu hadalka u yiriye ee Muslim ah oo soo sheega ama keena Madaxweynaha dawladda Maraykanka in ay Siinayaan Toban Neef oo geel ah halka Xogahayah arrimaha Dibadda ee Maraykanka Cidii soo sheegta halka ay joogtana ay ku bixinayaan Toban Digaagadood ama (Dooro) iyo (Toban Diiq).

Sheikh Fu’aad ayaa sheegey in iyagu aysan haysan Lacago balse ay leeyihiin Geel iyo Xoolo kal sidaa darteedna ciddii soo sheegata labadaas Mas’uul ee ka tirsan Xukuumadda Washington in ay ku bixinayaan oo ay madaxooda dul dhigeen Xoolahaas..

Hadalkan ka soo yeeray Sarkaalkan ka tirsan xarakada Shabaab ayaa waxaa uu imanaaya xilli dhawaan Xukuumadda Maraykanku ay soo saartay Liis ay ku magacaban yihiin illaa todoba Saraal oo ka tirsan Xarakada Shabaab oo uu ugu horeeyo Hogaamiyaha A Shabaab taasoo Xukuumadda Washington ay sheegtay in Madaxooda ay dul dhigtaya Lacago Malaayiin Doolarka Maraykanka ah.

Si kastaba hadaladan ay is weeydaarsadeen Xarakada Shabaab iyo Maraykanka ayaa waxa ay muujinaysa Mowqifyada adage Ee labada dhinac ay kala aaminsan yihiin iyadoo Washington ay Shabaab u aqoosan tahay inay xubin ka yihiin Argigixisada Caalmka gaar ahaana wixii ka danbeeyay markii horraantii sanadkan Xarakada shabaab ay caddeysatay in ay ku biirtay Al Qaacidda.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shiikh Fu’aad Shongole “Obama Madaxiisa waxaan Dul dhigney 10 Halaad oo Geel ah Hilary Clinton Waxaa Dul Dhigney 20 Digaag” "

  1. Kaahin nuur says:

    ninkii dhiigga dadka Muslimka ah bannaysta oo culimada qudhgooya oo fasaad iyo rucub ku abuura walaalihiisa Muslimiinta ah Rabi garabkiisa waa ka baxayaa waana tan haysata Firqada in dhawaalaba dhiigga culimada iyo tan caamadaba ku faraxalanaysay. Rabi waa caadil waana xaqsoore sharaf badan oo u cadaalad fali ardaydii sida waxshinimada loogu gawracay Hargaha iyo Saamaha, dilkii loo geystay Shahiid Sh.Dr Axmed X.C/Raxmaan, iyo weliba dulmi badan oo loo geystay ummada Muslimka ah oo Soomaaliyeed.

  2. Samodoon says:

    Waxay Qureeyshiyi ku maagtey Nabi Maxamed (naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee) kun iyo shan boqol oo sanadood ka hor ayaan, Sheekh Shangoloow, markaati Ilaaheey ka ahay in Mareeykan iyo caamiladiisu kugu maagayaan adiga iyo asxaabtaada maanta.