Home » Warar »

Addis: Madaxweynaha D. Puntland oo Kulan la Qaatay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah

6 June 2012 — Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa la kulmay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah ee Reer Puntland uga qeybgalay shirkii Istanbul 2 Somalia (31 May 2012 ilaa 1 June 2012).

Halkan ka daawo Sawirro

Shirkaan oo dhacay Talaado (5 June 2012) ayaa lagu qabtay hoolka shirarka hotel ku yaala Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia iyadoo wufuudda Reer Puntland ay dhowaan ka degi doonaan magaalada Garowe ee xarunta Dowladda Puntland.

Waxaa goobta shirka warbixino ka jeediyay Madaxweyne Farole iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa, iyo Wasiirka Qorsheynta Dauud Maxamad Cumar.

Sidoo kale, Issimadii goobta shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Suldan Siciid Suldan Cabdisalam, Garaad Maxamad Cilmi Shirwac, Suldan Bashir Muse Konte, Boqor Cabdullahi Maxamad Cali Dabogoye, Suldan Cabdulqadir Cumar Shabeel, iyo Suldan Cabdisalam Suldan Sheikh Maxamud. Goobta shirka waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyey xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland, Mr. Maxamad Ismacil Shilkom iyo Marwo Fadumo Ibrahim oo ah masuul ka socota ururka PUNSAA.

Goobta shirka waxaa la isweydaarsaday warbixino iyo talooyin wax ku ool ah, waxaana laga hadlay shirarkii ka dhacay Muqdisho, Garowe, Galkacyo, Addis Ababa, iyo Istanbul, waxaana sidoo kale laga hadlay doorka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xulidda xubnaha Golaha Dastuuriga Somalia iyo Baarlamaanka Federaalka cusub. Issimadii goobta shirka ka hadlay ayaa cadeeyey in deegaamada Puntland ay ka jirto Dowladnimo, xasilooni iyo degaansho sidaa darteedna ay Issimada dalka dib ugu noqon doonaan si ay wadatashi ula yeeshaan beelaha Reer Puntland marka la xulayo xubnaha Golaha Dastuuriga iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

Waxaa hoosta laga xariiqay in la ilaaliyo midnimada Reer Puntland sidoo kalena arrimaha guud ee Somalia lagu lahaado door muhiim. Shirkaasi ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan waxaana lagu balamay in la hormariyo xiriirka, iskaashiga iyo wadashaqaynta Dowladda Puntland iyo Issimada Reer Puntland.


Communications Office
The Puntland Presidency
Office: +252 90 794312 / 790999 / 794040 / 799128

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Addis: Madaxweynaha D. Puntland oo Kulan la Qaatay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah "

  1. Maxamed Soomaali says:

    Madaxweynaha Kilinka 6aad ee dowlada federaalka Ethiopia Mr Faroole oo kulan laqaatay isimada W/bari Somaliya .