Home » Warar »

War-saxaafadeed ay soo saareen Beelaha Digil Mirifle.

Maanta oo bisha Juun tahay 2da 2012 ayaa waxaa shir isugu yimid magaalada Istanbuul ee wadanka Turkiga Malaaqyada, Salaadhiinta, Waxgaradka iyo bulshada rayidka ee beelaha Digil Mirifle (DM).

Ka soo qeyb galayaasha shirka oo kor u dhaafay 70 ayaa waxay ka wada hadleen natiijooyinkii ka soo baxay shirka Istanbuul ee dowlada Turkiga u qabatay Soomaaliya iyo dhibaatooyinka hor yaal beelaha DM.

Shirkaas oo khudoobiyin qiiro ku dheehan ay soo jeediyeen oday dhaqameedyada ayaa waxay ku booriyeen wax garadka DM inay dadkooda iyo dalkooda u soo tashadaan oo ay ku dadaadaalaan sidii ay wax uga bedeli lahaayeen xaalada murugeysan ee bulshada DM ay ku sugan tahay.

Aqoonyahada shirka ka soo qeyb galay oo ay ka mid ahaayeen Prof Mohamed Xaaji Mukhtar, Prof Abdullahi (Xiiray), Sheick Nur Qasim, Maxamed Aden Farkeeti, Xasan Xaaji Abuukar, Xasan Aden Hoosow iyo aqoon yahano faro badan ayaa iyagana waxay ka hadleen inay mar walba ay diyaar u yihiin sidii ay wax ugu qaban lahaayeen bulshadooda hadana ay laba laabi doonaan wax qabadkooda.

Waxaa sidoo kale shirka ka hadlay mas’uuliyiin ka tirsan DKM.

Gebogabadii shirka waxaa ka soo baxay qodobadan:

  1. Qowmiyada DM waxay mahad u jeedisay dowlada iyo shacabka Turkiga sida hagar la’aanta ay u garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.
  2. Qowmiyada DM waxay shacabka Soomaaliyeed ku booriyeen inay ka faa’idaystaan fursada qaaliga ah laguna dadaalo sidii loo heli lahaa dawlad cadaalad ku dhisan.
  3. In si wadajir ah loo raadiyo mansabka siyaasadeed ee bulshada DM ay mudan tahay.
  4. In lagu dadaalo midnimada Qowmiyada
  5. In waxgaradka ka shaqeeyaan isku xirka bulshada DM ku dhaqan gudaha dalka iyo dibadiisa.
  6. In shir laysugu yimaado gudaha Soomaaliya kaasoo looga tashanayo aayaha qowmiyadda.
  7. In laga shaqeeyo sidii xal deg deg ah loogu heli lahaa barakacayaasha weli ku dhibaataysan magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

 

Waxaa soo saary: Odey Dhaqameedyada iyo Waxgaradka DM

Istanbuul, Turkey

1/6/2012

Waxaa soo tebiyey:

Mustafa Maxamed

must201218 [ A T ] yahoo . com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " War-saxaafadeed ay soo saareen Beelaha Digil Mirifle. "

  1. Noor says:

    Asc waxan xalkan ka sallamaya
    dhaman shaqalaha websadka kadib waxa mahad idil iska le ilaah waxan aad ujaceladay waxayaba badan oo aan webtyada kale laga xelin sida siiradi NNK iyo asxabtii aad ayaan uga faideystey waxan jacalahay sii laba jibariyo qarabkiina alaha galo asc