Home » Faallo »

In kabadan $130 Million oo doolar oo DFKMG aysan sheegin meesha ay martay

Warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka (World Bank) ayaa sheegtay in Dawladda FKMG ee Soomaaliya aysan meel ku sheegin dakhligii iyo mucaawnadii soo shalay muddo laba sano ah oo ah 2009 iyo 2010.

Warbixinta oo toddobaadkan uu faafiyey Bangiga Adduunka ayaa sheegtay in DFKMG ay soo gashay lacag aad uga farabadan inta ay sheegtay.

Warbixinta oo uu qoraa ka yahay Joakim Gundel ayaa sheegtay in kaddib markii la sameeyey xisaabin iyo dabagal hanti-dhawr waxaa ay daah fureen baaritaan kaddib in dawladda FKMG ay sannadkii 2009 soo gashay lacag gaareysay $94 million, laakiin waxa ay DFKMG sheegtay in ay sannadkaas soo gashay $11 million.

Sidoo kale xisaabin hanti-dhawerka la sameyey waxaa lagu ogaadey in sanndkii 2010 ay DFKMG soo gashay lacag dhan $70 million, halka DFKMG ay ku warbixisay in ay soo gashay $22 million.

“Waxaa halkaas ka muuqda is-khilaafsanaan waxa soo xerooday ama soo galay, waxa kale oo aan jirin cid xilkeeda qaadaysa sida lacagtaasi loo kharash gareeyey,’ ayuu yiri Gundel, oo intaas raaciyey “Halkaas waxaa ka taagan su’aal aad u weyn.”

Labadaas sano (2009-2010) oo dabagalka hanti-dhawrka la sameeyey waxa aysan DFKMG meel ku sheegin lacag dhan $131 million oo doolar.

More read – Report: Somalia Has Not Accounted For Majority of Revenue

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " In kabadan $130 Million oo doolar oo DFKMG aysan sheegin meesha ay martay "

  1. Waxaa $130 ka million kala qeybsaday siyaasiyiinta dalaalka u ah cadowga umada Soomaaliyeed .