Home » Faallo »

FM-ta iyo Weriyaha yaa Muhiimsan

(HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN)

Muqdisho ayaa noqotay goobta idaacadaha FM-ta ugu badan ka furan yihiin marka la fiiriyo dunida, taasina waxay dadka qaar ku macneeyeen in ay ka dambeyso iyadoo qof kasta uu doonayo in uu dhaqaale ka helo sidii doono ha u adeegsadee, waxaana haatan Magaalada M uqdisho ka furan ilaa 25 FM oo ay ka mid tahay Radio SIMBA, Shabelle, Danan, Maanta, Mustaqbal, Kulmiye, VOD,Jubba, Banaadir, Star FM, Barkulan, Sahan, GoobJoog, Gool FM,BBC FM VOA, Radio Muqdisho, Dayax, Andulus, Radio Furqaan, Risaala Codka Nabada,Dalsan Xurmo iyo kuwo kale oo aan halkaan magacyadooda lagu soo koobi Karin Waxaa meesha ka baxay Hornafric,Capital Voice, STN iyo Soomaaliweyn waa tiro aad u badan oo qofka uu garan waayo wax uu dhageysto oo hadaba dhinac u eryo Cirbadda mar aan tagey Imaaraadka Carabta waxaa halkaa ku soo arkey in Wadanka oo dhan uu leeyahay hal FM waan Dal dhinac waliba naga hormarsan,marka la fiiriyo dadka qaar baa aamisan in Tirada Idaacadaha ee sii kordhaya ay tahay Horumar ,halka kuwa kale ay aaminsan yhiin in ay yihiin kuwa dab ku sii shidaya Xaalada Murugsan ee Soomaaliya,haddaba idaacadahaas intooda badan markii la aasaasayey ayaa qolooyinka shirkadda ku ah marka ay la yimaadaan Qalabka FM-ta waxay durbadiiba xoogga saaraan ama ka fikiraan sidii goobta ay Idaacadu ku taalo loogu heli lahaa ilaalo qaas ah iyo waxaana waqti iyo kharash la geliyaa ilaalada iyo hubka, waxaana la soo iibiyaa Qoryo culus sida Dabamiishaarka, Baasuuke, AK-47, halkii laga fikiri lahaa Wariyaha oo si gaar ah muhiimada loo siin lahaa haddaba waxaa isweydiin mudan sababta ay Idaacad FM ah oo joogta dhowr kun oo doolar keliya in ay ka muhiimsanaato wax soo saarkii ama xoogii shaqo (Taste Force) ee Idaacadda sida Agaasimayaasha, Weriyaasha iyo shaqaalaha kale.Soomaalida waxay tiraahdaa (LAX WALIBA SHILALKEY IS DHIGTAA LAGU QALAA)

Marka la furayo idaacad FM ah waxaa durbadiiba ku soo yaaca Dhallinyaro fara badan, waxaa marka ugu horeysa loo sheegaa in inta ay Idaacadda laga baranayo aan wax dhaqaale ah la siin doonin, qaarkood markiiba taas way ka gilgilshaan waa kuwa Damiirka leh, kuwana way ogolaadaan, marka la fiiryo sharciga shaqada iyo shaqaalaha, qofka loo shaqeeya ah waxaa ku waajibeysa in uu ka war qabo shaqaalaha u shaqeynaya nafsadooda, caafimaadkooda, Mushaarkood iyo in marka dhibaato la soo gudbaanaato la caawiyo, balse intaas oo dhan meesha way ka baxeen oo Weriyaasha qaarkood ayaa Milkiilaha u sheega in aysan wax lacag ah dooneyn balse ay doonayaan magac taasna waxaa si weyn ugu guuxa ninka Milkiilaha ah, waayo waxa uu helay shaqaale jaban, Waagii Fufka ee qarnigii Warshadaha, Milkiilayashii Warshadaha waxay xiligaasi heleen shaqaale aad u jaban oon aan laheyn wax daryeel ah iyagoo ka faaiideysanayey Duruufta xiligaa jirtey,sidaas oo kale maanta ayay taagan tahay xiligii fufka oo kale, waayo Milkiilayaasha FM-yada waxay heleen Dhallinyaro raqiis ah, marka Milkiilayaasha waxay ka faa’iideysteen duruufta dhallinyarada Soomaaliyeed oo aan wax shaqo ah haysan xiligaan balse doonaya in ay noqdaan kuwa ka dhex muuqda Bulshada.

Waxaa iigu yaab badnaa markii aan Wiil dhallinyaro ah oo weriye ahaa weydiiyey wuxuu shaqada uga tegay, wuxuuna iigu jawaabey “Nafsadeyda ayaa halis la geliyey?”, waxaan weydiiyey sida nafsaddiisa halista loo geliyey, wuxuu igu yiri “Xog ayaan keenay, waxaana laga sii daayey Idaacadda, qolo warbixintaas dhibsatay ayaa soo wacday Milkiilihii Idaacadda, wuxuuna Milkiilihii si aan gambasho laheyn qoladii ugu sheegay in xogtaasi aan anigu keenay aana mas’uul ka ahayn”. Haddaba marka sharciga saxaafadda la fiiriyo waa macnuuc in weriye xog idaacadda u keenay in isaga lagu gooni yeelo xogtaasi wixii ka yimaada, Sharciga saxaafadd ayaa dhigaya tusaale ahaan qof ayaa war ka heshay, qofku wuxuu kaa codsaday in magiciisa aadan sheegin, warka noocaas ah haddii lagu qabsado oo Maxkmad lagugu soo taago, ma sheegi kartid qofkii aad warkaan ka heshay xitaa haddii laguu tooganayo, waxaana hadda muuqata in Soomaaliya aysan ka shaqeyn wax sharci saxaafadeed ah, maalin dhaweyd waxaa isoo wacay Dhageyste ka cabanaya idaacad ka mid ah FM-ta Muqdisho ku yaal, wuxuu yiri ninkaasi “waxaan kala socday Idaacaddaas tafsiirka Qur’aanka Kariimka, balse waqtigii tafsiirka la soo deyn jiray laga jeclaystay in la soo daayo Cayaar Kubbadda Cagta ah oo si toos ah loo tabinayo iyadoo idaacadaha shisheeye ee FM-yada ku leh Muqdisho oo ciyaarta wax ka tabinayey ay Barnaamijyadooda kale ku wareegeen markii waqtigooda la gaaray, haddaba FM-taas yey raali gelisay, tani waxay ka mid tahay qalaadaadka ay galaan FM-yada Magaalada Muqdisho oo inta badan dadku ka cabtaan.

Maalmahaan dambe Idaacadaha qaar waxay sii daayaan warar aan xaqiiq ahayn oo runta ka fog, dhawaan ayey ahayd markii Jariidadii ugu weyneyd ee ka soo bixi jirtey Dalka Ingiriiska Albaabda la isugu dhuftey hadaba maxay sababsatey in la xiro Jariidadaas waa war ay si qalad ah u martey oo ay u sii deysey marka Soomaaliya waxaa xaqiiqo ah in FM-yada ku shaqeyn Alla ka cabsi iyo sharci Saxaafadeed toona Soomaalida waxay tiraah (HADAL AAN FIIRSI LOO ORAN IYO CAANO AAN FIIQSI LOO DHAMIN FEERAHEEY WAXYEELEEYAAN) marka waxaa leeyahay dhamaan wariyayaasha Soomaaliyeed in ay raacaan Oraahdaas oo ah mid qiimo weyn ku fadhida,tirada Idaacadahaas ee FM-ta markaad dhageysato kuligood waa isku Barnaamijyo xitaa Habeenkii marka la gaaro 9:30 Fiidnimo waxaa soo gala Barnaamij looga faaloodo wararka 24-Saac waxaan waqtigaan aan ugu magacdarey Waqtiga Fadhi ku Dirirka FM-yada Muqdisho ilaa iyo hada ma jiraan Idaacad ka wareegtey waqtigaas iyadoo qaarkood ay noo sheegeen in ay ku qasbanaadeen in waqtigaas ay baahiyaan Barnaamijkaas waxayna wararkaan u badan yihiin kuwo siyaasadeed oo Colaad sii hurinaya ma jiraan kuwa ka hadlaya wararka Horumarka waxaa iigu yaabka badneyd markii Qolo Indhoolayaal ah oo sameysanayey Xaflad Sannad Guuro ay tageen mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho markii ay maamulkii u bandhigeen in ay ka soo qayb galaan Xafladaas ayaa waxaa lagu yiri “ waa in aad bxisaan lacag gaareysa Shan Boqol oo Doolar inta yaabeen ayey ku yiraahdeen “Xafladaba Taburacaad baan ku soo uruuriney “ mid ka mid ah in dhoolayaashii ayaa ku yiri Maamulkii Idaacada “waxaa sii deysaan war aydaan wax dhaqaale ku qaadaan oo ah Wararka Colaadaha marka keena muxuu kaga duwan yahay Wararkaas keenaaba Horumar ka hadlaya gaar ahaan sida ay wax u bartaan Indhoolyaasha “meeshii ayey isaga soo tageen markii la hor dhigey in ay bxiyaan dhaqaalahaas “waxaa ii soo baxay in Idaacadaha ay u abuurmeen in ay Baansiin ku shubaan Xaalada Murugsan ee Soomaaliya

Maqaalkaan aan ugu magacdaray FM-ta iyo Weriyaha yaa muhiimsan, waxaana ku keenay markii aan arkay sida loola dhaqmayo Weriyaasha da’da yar ee Soomaaliyeed oo aan ku tilmaami karo sida xaabada dabka lagu shidayo, waxaana layska dhigaa oo Darbi u noqdeen qatarta jirta iyadoo loogu abaal gudo in mar walba oo uu soo galo xarunta Idaacadda isaga laga shaki qabo oo baaritaan lagu sameynayo, waxaana muhiimadda la siiyey ilaalinta FM-ta oo keliya balse xil lays kama saarin Wax soo saarkii idaacadda sida Weriyaasha, waxaana maalin walba maqleysaa hebel waa la dilay iyo ka gudub marka labo maalmood tacsi loo dhigo qaarkoodna maba helaan tacsi. Markaad fiiriso idaacadaha caalamka ama warbaahinta caalamka waxaa xoogga la saaray Weriyaha, wuxuuna Warbaahinta uu u shaqeeyo ku yeelanayaan xuquuq fara badan haddii wax la gaarsiiyo Xitaa looma diro Goobaha ay Halis ku galayaan halka Soomaaliya xuquuq oo dhan uu leeyahay Milkiilaha, haddaba dhallinyarada saxafiyiinta waxaa dhihi lahaa xaggee idinka maray Dareenkii sidee ku ogolaateen in war aad Qatar ku galeyso aad ka sii deyso meel aan lagaa difaaci doonin waxaa mar kale ku leeyahay Oraahdii ahayd .(HADAL AAN GARASHO LAHAYN IYO GAROW AAN IIDAAN LAHAYN LABADUBA NAFSADAADEEY WAXYEELEEYAAN) .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " FM-ta iyo Weriyaha yaa Muhiimsan "

  1. Khalaf says:

    A/c waad mahadsantahay sida aad ubaraarujisay dhalinta naftooda khatarta galisa waxaadna kahadashay waxaan aad udareemayay cid wax kaqortana ama kahadashana aanan arkin adiga kahor afkaaga caano lagubay waxaana sigaara ugu mahad celinayaa bahda Somalitalk.com aad ayaana udaneeyaa maqaada aad qortaan ee kusaabsan somaliya.

  2. xakiim says:

    Asc, Dhammaan bahda Somalitalk.com, si gaar ah qoraaga Maqaalkan Amiin Khasaaro.
    Runtii, waa maqaal ka hadlaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirta Idaacadaha Moqdisho, waxaana talo ahaan soo jeedin lahaa, in Wariyaha uu garto xaqqa & waajibka Suxufiga ka hor inta aan u shaqo tagin Idaacad, si uu uga badbaado Mashaakilka jira.