Home » Warar »

Golaha Wasiirada oo isku raacay in Shirkadda Hormuud wax lug ah ku laheyn eedeymaha ay soo jeedisay QM

Warsaxaafadeed

(Muqdisho, 24 May 2012) Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ayaa golaha siiyey warbixin la xiriirta baaritaan rasmi ah oo ay hay’adaha amniga ku sameeyeen eedeyn Qaramada Midoobey u soo jeedisay Shirkadda Hormuud 17kii Febraayo oo lagu eedeeyey arrimo dhowr ah. Wasiirku waxuu sheegay in baaris dhamesytiran oo lagu sameeyey shirkadda isla markaana lala xiriiray hay’adha Qaramada Midoobey, waddanka Djibouti iyo AMISOM in hay’adaha amniga ay soo dhameystireen baaristooda oo uu Wasiirku sheegay in Shirkadda Hormuud lagu waayey wax danbi ah, isla markaasna ay eedeymahaas ahaayeen kuwo aan sal iyo baar toona laheyn. Dood dheer ka dib Golaha Wasiiradu waxey si aqlabiyad ah u taageereen go’aanka baaritaanka iyo warbixinta Wasiirka oo ahyed in baaq loo diro Qaramada Midoobey, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku wajahan in Shirkadda Hormuud aysan wax lug ah ku laheyn eedeymahaas loo soo jeediyey.

Shirkadda Hormuud waxaa la aas-aasay Bishii March 10, 2002. Hormuud waxey shaqo bilowday bishii April,2002. Hormuud waa shirkad ka shaqeysa adeegyada is-gaarsiinta “Hormud Telecom Somalia Inc.” Waa shirkad si sharci ah uga diiwaan gashan dhamaan hay’adaha dowligga ah ee khuseeya, Lehna shati caalami ah.

Shirkadda waxaa iska leh muwaadiniin Soomaaliyeed oo saamiley ah. Hormuud waxaa saamigeeda wadaaga dad gaaraya in kabadan 3000 qof. Shaqaalaha tooska ah waa 5000 qof, Shaqaalaha aan tooska aheyna waa 15,000 oo ka shaqeysta adeegga shirkadda.

Khadka Hormuud wuxuu gaaraa-Degmada Bandiredley ee gobolka Mudug ilaa gobolada ku teedsan xuduuda Kenya. Shirkadda Hormuud waa cashuur bixiye waxay taageertaa arrimaha Waxbarashada ilaa heer jaamacadeed, dugsiyo, Xarumaha agoomada,danyarta, tababarad xirfadaha, dhaqan celinta dhalinyarada,taageerida nadaafad iyo howl gabka. Waxaa lagu qiyiaasaa marka la isku daro inta ka ah saamileyda, Shaqaalaha tooska iyo shaqaalaha dadban, in shirkadda Hormuud ay ku nool yihiin dad gaaraya ilaa iyio 150 kun oo qof ama (20 kun oo qoys oo ka kooban 7 qof qoyskiiba).

Shirkadda macaamiisheeda waxaa ka mid ah UNDP, UNPOS, AMISOM, AU,IGAD, TFG,TFP,OIC, Arab League, Turkish Embassy, Ethiopian Embassy, Libyan Embassy,Egyptian Embassy,Sudan Embassy, Djibouti Embassy iyo dhamaan hay’adaha caalamiga ah eek u sugan meel kasta oo aan khad ku leenahay.

Maanta oo ay taariikhdu tahay Bisha May 24, 2012, ayaa xukuumaddu waxay soo saartay Go’aan ay ku baaqeyso baaritaan dheer kadib in dhamaan eedihii loo soo jeediyey shirkadda Hormuud ay noqdeen eedo aan run aheyn. Sidaasi darteedna, Goluhu wuxuu caalamka ugu baaqay in eedehaas dib looga fiirsado, si deg deg ahha looga laabto.

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616084650
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Golaha Wasiirada oo isku raacay in Shirkadda Hormuud wax lug ah ku laheyn eedeymaha ay soo jeedisay QM "

  1. Talo ninka shirkadan iska leh iyo shacabka Soomaaliyeed:
    Waa marka hore ninka shirkada iska leh waa inuu adeegsado lawyers iyo saxafiyiin arintaan geed dheer iyo geed gaaban ufuulo. Hantidan shirkadan iyo wixii ka horeeyey ee laqabsadey waxaa lagu qabsadey cadeen la’aan iyo ayadoo laga aamusay oo laga warsugaayey qoladii qabsatey.
    Waxaan ku talinaya in ummadda Soomaaliyeed lakiciyo oo lafuro facebook campaign ah. Anaga haddii aan reer Doha nahay, waxaan ayaan dhaweyd warqad cabasho ugudbinay ninka ugu sareeye xafiiska arimaha UNta, wuuna soo dhaweeyey oo wuxuu sheegey inay jaaliyadaha Soomaaliyeed muujiyaan sida ay u arkaan Hurmood iyo ninka iska leh. “Aniga dadka Soomaaliyeed waxay rabaan waan gaarsiinkaraa UNta” Ayuu noogu soo koobey doodiisii.
    Warkii oo kooban, bayaanka dowlada iyo bayaanka ummadda Soomaaliyeed haddii la’isku daro wax ayey taraysaa ayaan aaminsanahay.
    10,000 ee Soomaaliyeed ee ushaqeyso oo kali ah haddii ay facebook ku soo qoraan waxa ay urkaan aduunka ayaa ku baraarugaya, waxaa laga qabanaya dood iyo waxaa imaanayso in su’aalo laweydiyo dadka arintaan kudhaqaaey.