Home » Warar »

Shaqaalaha shirkadda Golis oo lagu tababaray daryeelka macaamiisha

Shaqaalaha shirkadda Golis oo lagu tababaray daryeelka macaamiisha
Bosaaso: qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda Golis ayaa lagu tababaray sida ugu wanaagsan ee loo dar-yeeli karo macaamiisha shirkadda Golis

Halkan ka daawo Sawirada

Tababrkaan ayaa waxaa soo qaban qaabiyey xafiiska xiriirka dadweynaha ee shirkadda Golis Talecom Somalia, waxa uu tababarkuna socday labo maalmood iyadoo ay ka faa’iideysteen shaqaale fara badan oo ka hawl gala xafiisyada Customer care-ka iyo Sahal-ka Iyo sidoo kale Billing-ka.

Tababrkaan ayaa wuxuu socday labo maalmood, iyadoo shaqaalaha xafiisyadaas ay qaateen casharo fara badan iyo sidoo kale iyagoo dhammaan ka qayb galayaasha tababarka ay xuseen in ay muhiim tahay in la barto sida ugu wanaagsan ee loo qanciyo macmiilka shirkadda Golis ku xiran.

Maanta oo ay taarikhdu tahay 23/5/2012 ayaa lasoo gabagabeeyey tababrkaas.waxaana xaflada xiritaanka tababarka ka soo qayb galay qaar ka mid ah madaxda shirkadda Golis Telecom Somalia.
Ka hor inta ay madaxdu kalmadahooda ka soo jeedin madasha ayaa ugu horayn agaasimaha xafiiska xiriirka dadweynaha mudane Maxamed Abdirishiid waxa uu warbixin kooban ka siiyey maamulka tababarka socdey labada maalmood iyo casharada lagu tababaray shaqaalaha nooca ay ahaayeen.

Waxaa sidoo kale kalmad ka soo jeediyey xaflada mudane Faarax Xaaji Mire hogaanka xiriirka dadweynaha. Hogaanku wuxuu shaqaalaha u sheegay in shirkadda Golis had iyo jeer ay mudnaan gaar ah siiso macaamiisha maadama ay shirkadu adeegyadeeda ay ka faa’iideystaan macaamiishu.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ay waajib ku tahay dhammaan shaqaalaha tababrkaan nasiibka u helay in ay si fiican oo soo jiidasho le ula dhaqmaan macaamiisha.

Waxaa sidoo kale xaflada shaahaado gudoosiinta ka hadlay Cabdulaahi Cali Cumar Operational manager-ka shirkadda Golis. Oo u sheegay tababarta yaasha in ujeedada tababarkaan loo siiyey ay tahay in ay si fiican ula dhaqmaan macaamiisha isla markaasna ay noqdaan wajiga wanaagsan ee shirkadda.

Waxaa sidoo kale xaflada gabagabada tababarka ka Hadley ku-simaha maareeyaha guud ee shirkadda Golis Telecom Somalia Mudane Siciid Aadam Axmed, maareeyuhu wuxuu dardaaran usoo jeediyey shaqaalaha la tababaray asagoo u sheegay in shirkadda Golis ay abaal marin doonto cidii si fiican ula dhaqanta macaamiisha, laguna qiimeyn doono waxqabadka shaqaalaha hab-wanaaga ula dhaqanka macmiilka.

Ugu danbeyntii shaqaalaha ayaa la gudoonsiiyey shahaadooyin muujinaya in ay ku tababarteen daryeelka macaamiisha.

Xigasho: Xafiiska Xiriika Dadweynaha ee Golis

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.