Home » Warar »

Saxiixayaashii Roadmapka oo shirkii Adis Ababa Kaga Dooday sidii loo dhameystiri lahaa inta ka harsan liiska….

Warsaxaafadeed: Shirkii Madaxda Soomaalida oo weli ka socda Addis Ababa

22 May 2012: Waxaa maalintii labaad magaalada Addis Ababa ka socda shirkii Madaxda Soomaalida oo looga hadlayey sidii loo dhameystiri lahaa dhamesytirka Xilliga KMG ah oo ay Madaxdu ka wada hadlayeen arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin, Oday dhaqameedyada Muqdisho ku sugan, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka yar ee jira, sidii loo soo xuli lahaa Ergeda Ansixinta Dastuurka (825), sidii loo hirgelin lahaa Dastuurka Qabyo Qoraalka ah oo shacabka loogu soo bandhigi lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in Madaxda Dhaqanka ay soo xulaan xildhibaano tayo leh oo matali kara shacabka Soomaaliyeed.

Xalay doodu waxey u badneyd Madax Dhaqameedka iyo sidii loo dhameystiri lahaa inta ka harsan liiska, isla markaana loogu gudbi lahaa sidii ay bulshada rayidka ah ula shaqeyn lahaayeen Madax dhaqameedyada oo loo arkay inay muhiim tahay inay kaalin muhiim ah ku yeelato soo xulidda xildhibaanada.

Dhammaan Madaxda Soomaalida iyo beesha caalamkaba waxaa ka wada go’an in xilliga la soo afjaro 20ka August. Ha yeeshee loo baahanyahay in caalamku uu dhaqaalihii uu ballanqaaday si dhaqso leh u soo gaarsiiyo si loogu dhameystiro shirarka muhiimka u ah soo afjaridda xilliga KMG ah.

Shirka ayaa doodo xasaasi ah ay ka socdaan maanta oo la filayo in caawa la soo gabogabeeyo. Shirkan Madaxda Soomaalida ayaa muhiimad gaar ah u leh dhameystirka Xilliga KMG ah, oo ay muhiim tahay inay dhammaan aragti mideysan ka wada yeeshaan qorshaha inta ka hartay oo ay ka mid yihiin sidii loo ansixin lahaa dastuurka, in dastuurka ay sixitaan ku wada sameeyaan si loo helo dastuur ay ku wada mideysan yihiin shirka marka uu soo dhammaado, in xal loo helo guddiga farsamada iyo sidii loo soo xuli lahaa iyo ugu danbeyn habkii loo soo xuli lahaa barlamaanka cusub.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
E-mail: engabdirahman@gmail.com
E-mail: ayarisow@opm.gov.so

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.