Home » Faallo »

Distoorka iyo Diinta | Abuxamsa

بسم الله الرحمن الرحيم

Macnaha Distoor

Asalka Ereyga Distoor

Asalka  distoor wuxuu ka soo jeedaa reer Faariskii hore  , waxaa loo isticmaali jiray diiwaanka lagu ururiyo  awaamirta  impradoorku soo saaro,   haddana waxaa loo isticjmaaly  diwaanka lagu qoro  magcyada ciidnka dawladda waxaanu soo maray isbedello badan ilaa uu hadda soo gaadhay macnahan uu xanbaarsanyahay ee loo wada yaqaano oo ah:  axdi qodobaysan oo lagu caddeeyo  nadaam  dal  lagu xukumo. Fiiri [1] : والإعلام المنجد في  اللغة

ee soo baxay sannadkii 19 88.

Marka waxaa muuqda in  macnaha distoorka hadda loo yaqaano in dunidoo  dhammi ku midaysan tahay, in kasto lagu kala duwan yahay  xaga diimaha iyo dhaqannada kale,  maxaa yeelay wuxuu macnaha distoorku ku kooban :

Marka hore  shacabka  distoorka   dhisnayaa  waa inay yihiin dad  diin aamainsan kuna dhaqma, manasoo marin taariikhda  dad aan diin iyo dhaqan lahayn oo distoor dhistay,  ha noqdo diinto  mid ilaah  la aaminsan yahay ama diin dadku samaystay oo aaminsan yihiin sida Buudiga iyo Hindokiska.

Marka  distoorku  ma samaynayo diin iyo  dhaqn  ee waa AXDI  u dhexeeya  shacab iyo ninka ku xukumaaya  diinta iyo dhaqnka ay aaminsan yihiin.

Haddaba xaqiiqada Distoor  waa  Axdi uu shacab iska soo dhex xulayaaan hal qof oo madaxa iyo koox caawisa. Shuruuda  madaxda iyo xubnah  shaqaynaya, muddada ay shaqada haynayan iyo habka loo qaysnayaa adegyada bulshada, sida loo toosinayo  midka ku xad gudba Axdiga  iyo guud ahaan siday dadka ugu  hogaamin lahaayeen lahaayeen qanuunkii hore dalka u dhignaa ee raalliga la wada ahaa. Distoorda  haddaka jiraa na waa sidaa.

Marka tusaale ahaan disroorka islaamigu waa in madaxdu ku hogaamiyaan  sharciga islaamka walib madhabta ay dadku haystaan. Haddaan soo qaadanno distoorka   reer Jabaan waa in  madaxda la doortay dadka ku hooaamiyaan qaanuunka reer jabaan aamin san yihiin.

Marka sidaasay distoorrada adamigu ugu midaysan yihiin  xagga soo xulida

hal hogaamiyi iyo koox  la  shaqaysa kana ilaalisa inuu axdiga jebyo.

Sidaa daradeed  sistoor  oo dhan  soo xulida  koox shacab ku hogaamisa  sharcigahabkaasi aaminsanyahay ee hore u jiray intaan la soo xulin kooxda  loo doortay inay ummadda hogaamiso   ama u adeegto. Ama abuuris team sida team kubbda cagto klae.

Midda kale lahaa kitaabka Ilaahay ma caddayn  cidda uu yahay nika la soo xu laya iyo habka loo soo xulayo iyo cidda soo xulaysa.

Marka arrimahaa aadamigaa u xil saran sidii   hal qof oo laga soo dhex xulo Ummaada soomaalida ee aminsan  islaamka, ninkii waakuma? Marka la helo  waa in loo dhigu shurood  in aanu ku xad gudbin xoolaha ummadda iyo xuquuqdooda, waa in lahelo qof kale oo haddi u  ka leexdo kitaabka Ilaahay  ummadda ka qabta.

Hadaba  distootku axdi  Ilaahay lala gelaayo  oo qeexaya  sidii aan isaga soo xuli lahayn ninkii kitaabka innagu xukumi lahaa,  iyo kii yac dhihi lahaa hadduu taraaraxo. Iyo sidii loo dumin lahaa darbigan kaga gudban ummadda rabitaankeeda  inay  ku dhaqanto  cadaalada Ilaahay  amaray ee ay aaminsantahay  Sida  oo soo xulayo madaxa dawlada iyo habka looga ilaalinayo ku xad gudubka sharciga.

Fikradda distorka Islaamka

Bal aan fikrad ka qaadanno  asaaska distoorka Islaamka siday u habeeyeen  asxaabtii:

Markii reer madiina rumeeyeen Diinta Islaamka ayuu Nebigii (N.N. K)    u soo haajiray halkaasoo aad logo soo dhaweeyey. Marka sanaadkii hore baa Nabigu waxuu dajieyey nidaamkii loogu dhaqmi lahaa Isalamka, wuxuu dejiyey nadaam guud oo ay ku wada dhaqmaan dadka Madiina wada dega ee ku kala gedisan diimaha iyo jinsiyadaha sida Yuhuuda iyo Muslimiinta…   Waxaana ka mid ahaa qodobadiisii kuwaan:

1- In yahuuda iyo muslimiinta ay ku wada noolaadaan Madiina iyadoo qola kastaana ay haysato Diinteeda iyo dhaqnkeeda kuna wada noolaadaan si nabad gelyo ah.

2- Waxaa ka dhexeeya inay wada difaacan Madina, iyo inay isu kaashanadaan danaha ka dhexeeya.

3-Cidii ku xadgudubta axdigan waa la isugu tegayaa oo dhan ba laga wada noqonayaa, xattaa hadduu yahay mid ka mida ilmhooda.

4- Wixii la isku khilaafo waxaa marjac u ah kitaabka Alleh.

Marka cahdigaas ayaa lagu dhaqmayay oo kala hagayay bulshada xaga dhaqaalah, maamulka iyo siyaasadaba iyagoo ku kala duwan xagga diinta iyo jinsiyadaha, iyo dhaqanka, waxaana madax ka ahaa nabiga N.N.K maxaa dhacay geeridii Nebiga ka dib? Axdigii Ma jirayaa?

4- Yaa cahdiga    fulinaaya?

Wuxuu Nebigu ku dardaarmi jiray inuu uga tagay labo shay oo hadii lagu dhaqmo aan mar kale la baadiyoobeynin, kuwaasoo kala ah, kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka, markii Nebigii meesha ka baxay, waxaa soo waajahay bulshadii mushkiladii ugu adkayd oo ah yaa madax noqonya? sidee loo xulayaa kanmadaxda  noqonaaya? yaa dooranaya, marka,  waa la jaha wareeray.

Cuamar bin khadab seef buu la booday, wuxuu ku hanjabay in qofkii yiraahda Nebigu wuu dhintay uu qoorta ka jarayo, iyadoo sidaa loo murugsan yahay ayuu Abuubakar soo galay, wuxuu hubsaday dhimashadii Nebiga, markaasuu dadkii u khudbadeeyey.

5-Khudbadii ugu caansanayd Dejinta dad kacsan

Waa khudbad ka mida ah kuwa ugu caansan ee dad kacsan dejiya.

Wuxuuna ugu yeedhay dardaarankii Nebiga oo ahaa ku dhaqanka kitaabka ilaahay iyo sunada rasuulka, wuxuu u sheegay in Nebi muxamad uu ahaa aadami, ilaahayna uu oofsaday, marka ninkii Nebi muxamed cabudayay, ha ogaado in Nabi muxamed uu dhintay, ninkii ilaahay caabudayay ilaahay waa ma dhinte kitaabkiisiina waa joogaa, markaasuu akhriyay aayadan:

وما  محمد إلا رسول قد خلت من قبله الرسل أفإن مات أوقتل  إنقلبتم على أعقابكم ومن ينقلب على عقبيه قلن يضرّ الله شيئا  وسيجزي الله الشاكرين.آلعمران.  أية .144....

Macnuhuna wa sidatan: Nebi Maxamed wuxuu ahaa  Rasuul ka mida  Rusushii   dadka diinta soo gaarssinaayey,  dhammaan rusushii ka horreysay way wada geeriyoodeen, Marka  haddii Nebigu dhinto ama la dilo ma dib baad ugu laabmaysaan  Baadinimadii, qofkii sidaa yeela ,Ilaahay waxba ma yeelaayo .kii baaqi ku noqda diinta ee u mahadnaqa Ilaahay waa laga abaal marinayaa.

markaa waxaa la fahmay in loo baahan yahay in dardaarankii la fuliyo oo ah kitaabka Ilaahay, laakiin kitaabku ma aha aadami mana dhaq-dhaqaqayo, waa in la helo qofkii dadka ku maamuli lahaa kitaabka, waana qof ka mid  ah bulshada, Waxyi loogu sheegi mayo, siddii ummadihii innaga horreeyey qaarkood Ilaahay usoo magacaabayey madaxdooda .Sida quraanku innoga warramay inuu Ilaahay u magacaabi jiray ummadaha qaarkood madaxdooda sida lagu caddeeyey Aayadan:

( إن الله قد بعث لكم طالوت ملكا   سورة البقره )246

Laakiin nidaamka Islaamka  ilaahay uma magacaabo madaxdooda  ee waxaa arrinkaa loo xilsaaray dadka  masuuliinta inay iska soo dhex  xulaan  madaxda ku hogaamisa ummadda  kitabka Eeb iyo kuwo  ku ilaaliya oo hadduu ka leexdo ama qalloocdo toosinaya  sida ay caddeysay aayada dhahaysa.

(ليقوم الناس بالقسط)   Oo macneheedu Yahay. waxaa loo soo dejiyey qur’aanka in dadku cadaalad isku maamulaan.Marka waa in bulshada la xukumayaa iska soo dhex saarto qofkii ku hogaamin lahaa   sharciga ay aaminsan yihiin.

6- Sidee loo soo xulayaa ninkii kitaabka ilaahay dadka ku hogaamin lahaa?

Marka waxaa lagu murmay ninkii ummada ku hogaamin lahaa kitaabka Ilaahay sidii loo dooran lahaa, siduu u maamuli lahaa bulshada, sidii loola socon lahaa.

Waxaa soo baxay in Ansaar iyo Muhaajiriin mid ka mid ah laga doorto, Ansaar waxay soo jeediyeen labo nin aan doorano mid reer Ansaar ah iyo mid reer Muhaajiriin ah, waxaa jawaabay Abuubakar oo sheegay xikmad  soo jireen ah oo ah inaan labo seefood hal gal   wada gali karayn, taasoo macneheedu yahay in dowladdu la mid tahay qof aadami ah oo dabiici ah, dowladuna waa qof qaanuuni ah, marka sida aanu u jirin qof labo madax leh, ayaanu u jirin dowllad ama urur labo madax leh.

Ugu dambeyntii waxaa lala baayac tamay Abuubakar oo lagula heshiiyey inuu dadka ku hogaamiyo kitaabka ilaahay, isaguna wuxuu ballan qaaday in haddii uu kitaabka ilaahay ka leexdo aanu xaq u laheyn in la adeeco ama amarkiisa la fuliyo Kaasoo isaguna noqday Mabda’ caalami ah oo ah:

(Qofna laguma adeeco wax ka baxsan Xuduuda qaanuunka).

Sidaas buu ku abuurmay distoorkii ummada islaamka lagu hogaaminayey intii waqtigaas ka dambeysey.

Caqabad ugu adag  siyaasada dunida

Sida la wada ogyahay Caqabada    ugu adag ee siyaasada ama xukunka intii dunidu jirtay, waa buuxinta kursiga madax nimada markuu banaanaado, marka midaas way ku guuleysteen asxaabtii inay ka gudbaan, intii ka dambeysey siyaabo kala duwan ayaa caqabadaa looga gudbaayey ayadoo lagu dhaqmayo kitaabka ilaahay.

tusaale ahaan Abuubakar marku kursiga baneeynayey wuxuu u dardaarmay nin dadka oo dhan raali ka yihiin oo ahaa cumar bin khadhab asaxaabtiina wayaqbaleen. isaguna markuu baneenayey wuxuu sameeyey gudi ka kooban lix uu ka mid yahay wiilkiisa cabdillahi binu curmar inay soo xulaan ninkii muslimiinta ku hogaamin lahaa kitaabka ilaahay, laakiin wuxuu shardi ka dhigay inaan wiikiisa la dooran, gudigii wuxuu doortay cusmaan bin cafaan , cusmaan isagu  ma helin  fursad uu ku wareejiyo xukunka si sharci ah  oo waa laga maroojiyey.

Waxaa bilaabmay xad gudubyo loo adeegsday wax ka baxasan xuduuda kitaabka ilaahay, arrinkii wuxuu u muuqday sidii tareen jidkii ka baxa oo waxkasta jiiraya…

Haddaan u fiirsanno arrinka buuxinta kursiga madaxnimada waa caqabda ugu weyn uguna adag ee hortaagan cadaalada dunidoo dhan, waxaa jira dawladau caqabadaa xal u helay waana kuwa hadda ugu xasillon ee la tuugsado, kuwa aan wali xal u helin dunida waa kawa dhiiga dulmigu ka qubanaayo shacbkooda, waa kuwa qaxa iyo tuugsiga ku caan baxay.

Haddaan u fiirsanno arrimahaa kor ku xusan,  waxaa innooga soo baxaya  in distoorka Islaamiga  dadku u xilsaran yahay inay dhexdooda ka soo  xushaan ninkii ku hogaamin lahaa ku dhaqanka kitaabka Ilaahay iyo kii  kontrooli lahaa   inaanu xuduuda ka bixin , hadii uu ka bxano ay kala laabmaan  kalsoonida.WaanaKanhabka distoork Islaamku sida Ilaahay ugu jideeyey una kala saaray qaybta Ilaahay iyo mida aadamiga:

8-Macnaha isku xukunka kitaabka iIlaahay.

Sida xaqiiqada ah Soomaalidu way ku midaysan tahay in kitaabka ilaahay la isku xukumo, waxaase la isku maan dhaafsan yahay sidii loo xuli lahaa ninkii dadka ku hogaamin lahaa kitaabka Eebe, Marka waxaa haboon in la isla garto Macnaha isku xukunka kitaabka.

Kaalinta Garsoorka.

dadka qaar waxay  qabaan xukunka Eebe in loola  jeedo  shaqada  Maxkamaduhu qabtaan, laakiin  arrinku sidaa maaha, Xunkuan Eeb Waxaa lool jeedaa  Nidaamka   guud ee geedi socodka  dhaqanka dhaqaalaha ummadda, gaar ahaan: maamulka  iyo maaliyadda , sida nabad gelyada, dakhliga dowlada, shirkadaha,  arrimaha bulshada laga billaabo Unkidda qoyska iyo xuquuqda ka dhalanaysa, sida xuquuqda  Barbaarinata, xuquuqda waalidiinta….,  waana in lagu dhiso cadaalada ilaahay amray waana sidatan.

9-Qaybaha Isku xukunka Kitaabka Alleh

Isku xukunka Kitaabka Ilaahay wuxuu leeyahay laba qaybood : qayb Ilaahay baa  la kali ah , qaybna Aadamiguu u xil saaray sida Aaydan lagu caddeyey.

ولقد أرسلنا رسلنا بالبينات  وأنزلنا معهم الكتاب والميزان  ليقوم الناس بالقسط:. سورة الحدبد.

Macnaha: Aayadu waxay caddesay in   kutubta loo soo dejiyey, Rusushana loo soo diray kali ah in aadamigu cadaalad isku xukumo,   Marka quraanku wuxuu caddeeyey in cadaalad la isku maamulo laakiin habkii la isugu maamauli lahaa yo madaxdii ku maamuli lahayd waxaa loo xilsaaray dadka aaminsan.   Faahfaahin  fiiri  kitaabka asaask distorka Islamig uu  uu allifay quraha maqaalkan.

Guddomiyaha Guddiga HURCOS.

 Adv. C/ Raxman Xuseen Abuxamsa

 Email:HURCOS@yahoo.com

TEL: 0615519890

 


[1]  المنجد  في اللغة والإعلام

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.