Home » Warar »

Madaxweynaha DFKMG oo gaarey Dalka Burunddi Berrina ku Fool leh Adis-Ababa si uu uga qabgalo Shir lagu soo Af Jarayo..

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed oo maalmihii u dambeeyay Booqasho ku kala bixinayay dalal Caalamka ah ayaa soo gaaray Dalka Burunddi.Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa markii ay soo gareen Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Bujunbuura waxaa halkaa si diiran ugu soo dhaweeyay Madaxweyne ku Xigeenka Dalkaas iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidamada Dawladda.

Wafdigan ayaa kulamo la qaadanaya mas’uuliyiinta waddankaas wallow aan la ogeyn waxa ay dhab ahaan ka hadlayaan.arrimaha la filayo in ay ka wada hadlaan labada dhinac ayaa la filayaa in ay u badnaan doonaan hawlgalada Amsiom ee Burunddi qaybta ka tahay ee Soomaaliya iyo sidii uu Madaxweynaha Soomaaliya uu war bixin uga siin lahaa Madaxweynaha Burunddi xaaladda guud ee Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in maalinta Beri ah uu gaaro Magaalada Adis-Ababa halkaas oo uu kaga qayb galayo shir Maalinta Isniinta ka furmi doono Magaaladaas waxaana shir looga hadlayaa sidii lo dar dar gelin lahaa Ansaxinta Dastuurka iyo Hirgelinta arrimaha Road Map-ka ka dib markii maalmihii la soo dhaafay ay hakad galeen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Madaxweynaha DFKMG oo gaarey Dalka Burunddi Berrina ku Fool leh Adis-Ababa si uu uga qabgalo Shir lagu soo Af Jarayo.. "

  1. qooqani says:

    somalia waligeed ma heshineyso maxaa yelay dastuurka waxaa lagu soo qoray itoobiya hadana shacabka somalia waa ka soo horjeesteen marka maxaa dhacay itoobiya ayaa lagu noqday ilaa itoobay afaaraha somalia faraha kale baxin ,somali wligeed maheshiineyso,