Home » Warar »

Hadallo Is-khilaafsan oo ka soo baxaya qaabka loo ansixinyo Dastuurka Qabyada ah

Wasiirka Warfaafinta DFKMG Cabdulqaadir Xuseen Maxamed (Jaahweyn) ayaa sheegay in aan Dastuurka qabyada ah aan la ansixinayn ayadoo aan shacabka loo soo bandhigin, sidaas waxa uu May 18, 2012 u sheegay idaacadda ku hadasha afka DKMG.

Sidoo kale warsaxaafadeed Khamiistii ka soo baxay Golaha Wasiirada DFKMG ayaa sheegay sidan “Waxaa lagu wadaa in Qabyo Qoraalka loo soo bandhigo shacabka maalmaha soo socda, si shacabku uga doodaan, uguna biiriyaan fikirkooda.”

Hadalladan ka soo yeeray xukuumadda KMG ayaa soo baxay laba maalmood kaddib markii ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabisan Soomaaliya, Mahiga, uu xarunta Qarammada Midoobey ka sheegay in odayaasha dhaqanka ee la isugu keenay Muqdisho ay soo xulayaan xubnaha ansixinaya Dastuurka, isla markaasna ay odayaashu yihiin kuwa kala diraya baarlamaanka haddda, soona dooran doona barlamaan cusub. Waxana uu Mahiiga si qayaxan u sheegay in sababta sidaas loo samaynayo ay tahay maadaama aan doorasho jirin xilligan. Waxana uu warkaas sheegay xilli madaxweynaha KMG uu goobta fadhiyey.

Waxaana Mahiga uu hadalkiisa ku adkeeyey hanjabaadiisii ku aadanayn waxa uu ugu yeeray carqaladeeyaal.

Hadalladaas is khilaafsan ee Mahiga iyo Xukuumadda KMG ayaa abuuraya siyaasad cakiran.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa dhawraya labada hadad kan hirgeli doona.

Dastuurka Qabyada ah ayaa hore waxaa uga soo horjeestey shacabka Soomaaliyeed, ayadoo culimada Soomaaliyeed iyo xubno baarlamaanka ka tirsan ay ku tilmaameen Dastuur aan u qalmin shacabka Soomaaliyeed.

Hadalkii Mahiga Eeg halkan 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.