Home » Faallo »

DHACDOOYIN LALA YAABO OO AY SAMEEYEEN GANACSATO KU SUGAN DALKA KENYA (Warbixinno Xasaasi ah).

 

Dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi oo ah Magaalo ay Soomaalida ka soo qaxday gudaha Soomaaliya ay aad u deggan yihiin waxaa sanadihii ugu dambeeyay si xawli uga socday Ganacsi aad u ballaaran oo dhinac walba leh, waxay ganacsatada Soomaaliyeed muujiyeen dadaal aan la qiyaasi karin iyagoo qaar badan oo ka mid ah uu ganacsigooda noqday mid sameeyay horumar la taaban karo runtiina Soomaalidii ka soo qaxday gudaha Soomaaliya iyo weliba kuwa ka yimid qurbaha ay si aad ah kaga faa’iideen.

Ganacsatada lama soo koobi karo faa’iidooyinka ay u sameeyeen Soomaalida ku soo qaxday Kenya iyo kuwa qurbaha ka yimidba, haddii aan qaar ka mid ah soo qaadano waxaa ka mid ah iyagoo sameeyay Iskuulo tayo leh oo laga barto manhajka Kenya iyo weliba Diinta Islaamka oo runtii iskuulo badan oo magac ku lahaa gudaha Kenya ay muddo yar kaddib ay ka fiicnaadeen, sidoo kale waxay sameeyeen Boarding carruuta lagu xareeyo oo aysan ka soo baxayn Waxbarashadooda, jiifkooda, cunnadooda iyo tarbiyadooda ay aad u heer sarreyso.

Dhanka Caafimaadka, waxaa laga furay Xaafadda Islii oo ay Soomaalidu degto Isbtaallo, iyo rugo caafimaad oo looga maarmay in la aado xaafadaha fog fog iyo townka, iyadoo weliba ka hor inta aan la furin isbitaallada iyo rugaha caafimaad ay qofka ku qasbi jirtay inuu aado dhaqaatiir uusan afgaranayn ayna qasab ku ahayd inuu kaxaysto qof uga tarjuma iyo isagoo ay ka bixi jirtay lacago fara badan oo inta badan dadka aysan awoodin, balse hadda isbitaallada iyo rugaha caafimaad waxaa wada jooga dhaqaatiir Soomaali ah iyo kuwa ajnabi ahba qofna qasab kuma ahan inuu soo kaxaysto tarjumaan lacagihii faraha badnaa ee ka bixi jirayna kama baxaan taasina waxay ka mid tahay dadaallada ay sameeyeen ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kenya.

Waxaa xusid mudan in guud ahaan dalke Kenya ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameeyeen dhismooyin dhaadheer oo Flat ah iyo kuwa kale oo Estate ah, waxyaabaha ammaanta leh oo ay sameeyeen ganacsatada waxaa ka mid ah iyagoo guryahaas ay diyaariyeen Soomaalida kaga iibinayay qiimo macquul ah oo ka duwan guryaha ay iibiyaan ganacatada aan Soomaalida ahayn iyo weliba iyagoo lacagaha Soomaalida aan awoodin inay mar wada bixiyaan uga qaada lacagaha si tartartiib ah iyagoo ku saacidaynaya, lagana yaabo qofka markii uu guriga dhammaado isagoo lacagaha haddii ay ganacsi ugu jirtay iyo haddii uu yahay qof qurbaha ka yimidba aan dareemin ay dhacdo in gurigii lagu wareejiyo, sidaana uu ku noqdo guri uu milki u leeyahay documintiyadiisana u dhan yihiin, iyadoo mararka qaar xitaa ay dhacdo ganacsatada inay ugu dulqaataan iyagoo fiirinaya duruufaha jira aawadeed gurigii oo dhammaaday lana degay qaar badan oo iibsadayaasha ka mid ah iyadoo lacago ay ku dhimman yihiin ay degaan lagana sugo intii muddo ah.

Haddii aan soo qaadano markii ay guryaha noqdaan kuwa Falat-ka ah waxaa muhiim ah in la helo maamul sida dad ka shaqeeya Nadaafadda, Ammaanka, biyaha, korontada iyo wixii la mid ah, ganacsatada guryaha ay dhisaan waxay u sameeyaan maamul ka sii shaqeeya hawlahaas aan soo sheegnay ee lagama maarmaanka ah.
Qoraal laguma soo koobi karo faa’iidooyinka iyo horumarka ay sameeyeen ganacstada iyo wanaagga ay bulshada Soomaaliyeed u sameeyeen, haddana horaa loo yiri (BAD HAL MALAAY AYAA QURMIYA) wax walba oo wanaagoodu badan yihiin waxaa jiraya kuwa xumaan iyo magac xumo u soo jiidanaya sheeganayana inay yihiin ganacsato.
Aqristow waxaan sidaas u leeyahay waxaa jira dhacdooyin kugu abuuraya naxdin iyo argagax oo ay sameeyaan Koox yar oo fara ku tiris ah kana mid ah ganacsatada magac xumana u soo jiiday xusidna mudan in aan laga aamusin si ay u ogaato bulshada ugana feejignaato si aysan ugu kedsoomin Khiyaanooyinka ay sameeyaan. Waxaan u kuurgalaynay labadii sano ee ugu dambaysay waxaan idiin soo gudbinaynaa sawirada guryo dhaadheer ay ka dhiseen Magaalada Nairobi, iyadoo Falatyo qaarkood ay iibiyeen tiro ka badan 3 jeer oo ay ka iibiyeen dad kala duwan oo u badan kuwa qurbaha ka yimid iyo kuwa maqan oo ama iyaga aaminay lacagaha u soo dirsaday kuwana wakiil ay uga ahaayeen eheladooda oo deggan gudaha Kenya, iyo weliba qaar ka mid ah dad deggan Nairobi ama ha noqdaan kuwa meherado ganacsi ku leh amaba kuwa ammaandari kaga soo qaxay gudaha Soomaaliya.

Waxaan idiin soo gudbinaynaa haddii ALLAHA awoodda leh noo saamaxo Sawirada guryaha ay dhiseen, meelaha ay kaga yaallin Nairobi, dad badan oo ay lacago ka dhaceen guryo been ah ka iibiyeen oo aan wareysiyo la yeelanay, lacagihii laga qaaday rasiidyadooda iyo jeegag loo qoray oo lagu soo celiyay sawiradooda oo aan scanning ku samaynay ayna ku qoran tahay magaca shirkadda ay isticmaalaan iyo weliba ganacsato kale oo magac ku dhex leh bulshada iyagoo aan shaqo ku lahayn ay dadka u sheegeen inay shirko yihiin wada shaqayna ay ka dhaxayso oo beeninaya wareysiyo aan la yeelanay. Waxaan kaloo idiin soo gudbin doonaa oo aan haynaa dhowr flat oo kala duwan oo isku magac ah sida (A2) amaba (C3) oo kale oo ay isla haystaan dad badan oo mid walba uu gooni u haysto Agreement si gooni ah loo siiyay caddaynayana inuu isaga leeyahay kuna qoran magaca shirkadda ganacsatadaas saxiixoodana uu ku yaalo, Waxaan filayaa qormooyinka aan ka diyaarinay ay wax weyn u tari doonto dhammaan Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada kale ee nadiifka ah ee guryaha iibisa maadaama ay qormooyinka iftiimin doonaan waxyaabo badan oo ay keli ku yihiin dad badana aysan ka war heyn.

Sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa taariikhdooda oo faahfaahsan, magacyadooda, waqtiyada uu ganacsigooda ka billowday gudaha Kenya iyo qaababaka farsamaysan oo ay u isticmaalaan ganacsigooda oo ay dadka ku indhasarcaadiyaan.
N.B Fadlan qormooyinka aan diyaarinay oo ah kuwa aan ku soo gudbin doono dhowr website oo kala duwan si taxadar leh ula soco, haddii ay dhacdo inaad ka mid noqoto dadka ay dhibaatooyinka u geysteen wixii macluumaad ah dheeri ah oo aad ka hayso iyo caddaymo Dukumintiyo ay qoreen oo been abuur ah laguna kalsoonaan karo waad nala soo socodsiin kartaa, haddii ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo oo sax ah si aan bulshada ugu gudbino.

Abdi M. Yare.
kirikatam@hotmail.com
Nairobi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " DHACDOOYIN LALA YAABO OO AY SAMEEYEEN GANACSATO KU SUGAN DALKA KENYA (Warbixinno Xasaasi ah). "

  1. CANAB says:

    Horta marka ugu horaysa waxaan rabaa ummada soomaaliyeed in ay fahmaan war dalka aad dhisayso ma dal soomaaliyeed baa mise waa dal kale?hadii aad dhisto dal kale kaaga yaa dhisaya?mahaysataa gaantiid ah in hantidaan aad maanta kenya galisay ay tahay hanti waligaa aad manaafacaad sandoontid oo xor uahaan doontid mise waxaad u dhistay shug ama shal? war soomaaliyeed meelka aad kenya galisay iyadaad caruuraha u bishaa ee maalka wadankiina geeya dadkiinu ha ubaxsadee oo ka guura islii xaarley caqli iyo gaaraad toona ma heysaane.