Home » Faallo »

Waa maxay casharada iyo tusmooyinka aan ka qaadanayno 15-May ?


Ascm.

Mahad oodhan illahay bay usugnatay naxariis iyo nabad geliyona suubaneheena kor kisa ha’ahaato . Intaa kadib.

Taariikhdu waa tiir

Tagto weeye dheef iyo

Toolimaad ka buuxoo

Runta lagu tisayaa.

Tusmo aad u wacaniyo

Tajruubooyin mahadha ah

Dadka uga tagtaayoo

waxkastoo la toolmoon

lagu taabo geliyaa.

Waxaan jecelahay inaan wax yar ka dheho 15/5/2012 oo ah malin taariikh iyo tusmo weyn ummad Soomaliyeed ugu fadhida sidaan lasocono taariikhdu wax laga dhaxlaa cashar iyo duruus dadka hadhow u noqoto waxtar iyo oollimaad ay inbadan isutibiyaan waxbadan oo khibrad ahna ay ka qaataan Hadaba. 15 May waa malin nooce ah ? Maxaan cashar ah oo kaqadan karaa ?

15 , May Waa maalin taariihi ah ,waana maalintii didibada loo taagay Xisbigii gobanima doonka ah Ee SYl , waxaan layegleelay Xisbiga Taariikhdu markay ahayd 15.5.1943 , Waxaa asaasay dhalinyaro tiradoodu gaarayso 13 oo kala ah :


1. Yaasiin Xaaji Cusmaan

2. Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin 

3. Xaaji Maxamed Xuseen 

4. Daahir Xaaji Cusmaan 

5. Maxamed Cali Nuur 

6. Maxamed Cusmaan Baarbe 

7. Khaliif Huudow Macallin 

8. Sayiddiin Xersi Nuur 

9. Cusmaan Geeddi Raage 

10. Dheere Xaaji Dheere 

11. Cali Xasan Maslax 

12. Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi 

13. Maxamed Faarax Hilowle

Marka Maantay waxay ahayd Sanad guuradii 69 aad ee kasoo wareegtay asaaskii iyo yagleelkii ururka gobanimo doonka aha ee SYL oo yoolkooda ugu weyn ahaa sidii ay Wadanka uga xorayn lahayn gumeystihii wadanka haystay .

Waa maxay Darsiga iyo casharka aan ka qaadankaro malintaan taariikhiga ah ?

1. Inaan tiro wax tarin ee tayo waxtarto , Maadama 13 dhalinyaro ah ay wax kabedelaan bulshada Soomaliyeed oo dhan oo ay u horseedeen gobanimadii wadankeena.

2. In dhalinyaradu yihiin xooga bulshadda Soomaliyeed ayna yihiin halka kali ah ee bulshada Lagu cabiro waxqabadkeeda, hadii ay bulshada u kacaan ay bulshadaasi inbadan oo horumar ah ku talaabsan doonto.

3. In qofkii bulshadiisa iyo dadkiisa waxtara ay xusi doonto taariikhdu oo jiilba jiilka kadanbaya uu utibin doono warkiisa, bulshadana uu sharaf iyo sumcad ku helaayo ,aakhirana uu illahay hortiisa ka helaayo waxkasta oo abaal ah uu gaysto .

4. In waxkasta oo lagu han-weyn yahay oo loo dedaalo lagaaraayo maadama ay dhalinyaradu SYL ay higsadeen yoolkoodii iyo himiladii loo asaasay ururka gubanima doonka ah oo ay gubanimaadii iyo himiladii ay ku hanweynaayen illahay u rumayey .

5. In daacadnimadu ay tahay wadada keli ah ee lagu gaaro waxkasta oo aad Higsanayso taasna waxaa inoo hogatusaalaynaayo hadaan dib utixraacno Taariikhada SYL oo ahaa dhalinyaro daacad u ah bulshadooda, ayna dhab katahay Waxqabadka ay bulshada u hayaan iyaguna dhexdooda daacad isu ah oo kalsooni weyna iskuqaba .

Tusmadda iyo waxyalaha aan kaqadan karo malintaan waa ay badanyihiin mana ah wax lagu soo koobi karo maqaal iyo qoraal toona, ee waa tusmooyin iyo jaantusyo badan oo mudan in bugaag badan laga qoro , Basle waxaan jecelahay inaan intaas kusoo afmeero muhiimadda qormadaydana waa in bal qof walba uu ka qaato sawir iyo humaag waxyalaha aan ka qadan karo malintaan waxaa kaloo iyaduna meesha kujirta in qof walba uu isku taxalujiyo casharadaan inuu ka faa’ideysto oo uu bulshadiisa iyo dadkiisaba wax uqabto waayo dhalinyaradu waa udub dhexaadka ay bulshaadu leedhaay waana halbeega lagu cabiro waxqbadka bulshada , Illahay han ina waafajiyo wadda saxda ah ee toosan Aamin .

Abwaan Philosopher Xaaji Aadan Afqalooc ( naxariis iyo jano illahay haka waraabiye ) waxa uu yiri :

Hadduu geed engego xaabadaa laga idlaystaaye

Mid yar oo iniintiisa ahbaa soo awaal baxa e

Isagaa anfaaciga hadhkiyo oodda kaafiya e

Dadkana odaygu goortuu ka baxo iyo islaantiisu

Ubadkooda hadhabaa tabcoo aayatiin hela e

Markii Aadam iyo Xaawa iyo keynta la abuuray

Sidaasay arwaaxdiyo dhirtuba ku isiraayeene

Umaddaan shabaabkeedu hanan waa u ayaan xuma e

Inamiyo hablahaba waxaad tihiin aarankii kacaye

Itaal gabe dadkiinii hore waydin aragtaane

Idinkaa amaanada xilkii eeggan qaabilaye

Iskaa wax u qabsada noloshu waa udub dhexaadkiiye

Israafkiyo fadhigu waa waxaad ku anbanaysaane

Axmaqnimo wakhtiga kaaga tagay oohin kugu reebye

Axadkii kaslaan ahi sabool abidkii weeyaane.

Mahadsanidiin
Mohamed Nour Mohamoud
Islamabad Pakistan

kuluu22 -AT- hotmail.com

 

Sidoo kale Akhri: https://somalitalk.com/2011/05/14/syl-1943/

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.