Qore : Abdulkadir Ali Bolay
Waxaa maanta ii faraxad ah in marka hore aan hambalyo iyo boogaadin ba halkaani uga dirayaa dhamaan ummadda soomaaliyeed meel kast oo ay joogaan, maanta oo ah sannad guuradii 68aad ee ka soo wareegta xisbigii gobanima doonka ahaa ee S.Y. L 15 May 1943, waxaan ilaahay ugu baryeenaa inuu u naxriisto inta ruux ee ku shahiiday oo naftoodda u soo huray xornimadda aynu maanta haysano, inta nool na waxaanu Eebbe ugu rajayneynaa in ay ku noolaadaan bash bash iyo barwaaqo, waxaana ilaahaya ka baryeenaa in ummadda soomaaliyeed quluubtooddii isku soo dumo oo dhibatadda ku habsatay Eebbe ka qaado, si loo gaaro midnimo iyo horumar.
Maanta oo ah sannad guuradii 68aad xisbigii S.Y.L. ee koonfurta soomaaliyeed iyo SNL ee waqooyi soomaaliyeed halgankooddii oo barbar socday halganka SYL, waa maalin weyn, waa na maalin aan la ilaabi Karin oo ku taala laabyadda shacabka soomaaliyeed . Inta aan la aasaasin xisbigii gobanimadoonka ahaa ee SYL waxaa la sameeyey urur ay ku kulmaan dhallinyaradda oo la magic baxay SYC( Somali Youth Club ) oo ahaa urur aan siyaasi ahayn, maxaa yeelay gumeysigii ingiriiska markaasi dalka ka talinaayey mar na ma oggaleyn in ay kulmaan dhallin yaradda iyo wax garadka soomaaliyeed .
Ururka SYC muddo ka dib wuxuu noqday urur siyaasi ah oo la magac baxay S.Y.L waxaa na dhidhibadda loo dhigay taariikhda marka ay ahayd 15.05.1943kii oo ay ku kulmeen dhallin yaro ka kooban 13 ah , kuwaasoo ahaa dhallinyaraddii fahmay dhibaatooyinka iyo hagar daamadda gumeysiga , iyaga oo aad u diidanaa siyaasadda gumeysiga oo ahayd qaybi oo xukun, dhallinyaraddaasi daacada u ah dalkooda iyo dadkooda ba waxay si weyn xil isaga saareen sidii shacabka soomaaliyeed xornimo loo gaarsiin lahaa. ugu dambeyntiina ilaahayna ku garab galay in ay dalka ka saaraan gumeysiga. Ururkaani baaqiisu wuxuu ahaa Axyaa waddani , soomaaliyeey toosooy iyo qabiil qaran ma dhiso iyo kuwa kale oo xambarsan qiiro wadaninimo, kuwaaso qiiro ficil ah ku abuuri jirtay dadweynaha soomaaliyeed waddaniyadda qiimahay ay leedahay iyo gumeysi naceeb.
Dhallinyaradaasi waxay kala yihiin :-
1-Yaasiin Xaaji Cusmaan 2- Cabdulqaadir Sheekh Saqaawaddiin
3-Xaaji Maxamed Xuseen 4-Daahir Xaaji Cusmaan
5-Maxamed Cali Nuur 6-Maxamed Cusmaan Baarbe
7-Khaliif Huudow Macallin 8-Sayiddiin Xersi Nuur
9-Cusmaan Geeddi Raage 10-Dheere Xaaji Dheere
11-Cali Xasan Maslax 12-Xaaji Maxamed Cabdulle Xayeesi
13-Maxamed Faarax Hilowle
Ururka SYL durbadii ba wuxuu ku talaabsaday guulo waa weyn oo ay ka mid yihiin inuu kasbado kalsoonidda dadweynaha soomaaliyeed , ka dib markii uu u soo bandhigay dastuurkii uu ku hogaamin lahaa shacabka soomaaliyeed, dastuurkaasi oo ku xusay in la helo soomaali weyn oo xor ah .
Dastuurka xisbiga waxaa ugu waa weyn oo ka mid ahaa in diinta islaamka dalka lagu hogaamiyo, in la radiyo midnimadda ummadda soomaaliyeed, in la cirib tiro dhaqamadda xun xun oo ay ka mid yihiim qabiilka iyo qabyaaladda iyo is quursiga , in la horumariyo aqoonta, hidaha iyo dhaqanka suuban iyo in la qoro afka soomaaliyeed, sidaasi darted xisbigu waxaa u suurta gashay in si fudud ujeedooyinkiisa u gaarsiyo gobollada dalka oo idil , sidaasi darted xisbiga SYL waxaa u suurta gashay in uu xafiisyo ka furo gobolada dalka taasoo kordhisay caraddii gumeysiga uu u qabay shacabka soomaaliyeed .
Waxaa xusid mudan sannadkii 17/08/1946kii odayaashii SNL oo ay ka mid yihiin Suldan Mohamud Shire, Suldaan Ali Muse , Suldaan Mohamed Faarax iyo Suldaan Hersi Abdillahi in ay warqad u qoreen Colonail Office , Downing street London S.WI waxay dawladda ingriisa ay ka codsadeen in soomaali mideysan uu gaarsiiyo xornimo maadaama uu ingriisa ganta ku hayo, Somaliland territory, Somali South Territor,Somali West Territory , Somali NFD territory .
Waxayna ka codsandeen Colonial Office in qaybta France uu gumeysta oo ah Djabouti inuu ingriiska gorgortan la galo dawlada france sidii loo helo soomaali weyn, waxayna qoraalkooddii ku cadeeyeen in aysan marna raali ka noqon doonin in soomaali la qayb qaybiyo.
Odayaasha waqooyi iyaga oo ka sahqeynaaya mideynta soomaaliya waxay markii ay taariikh ahayd 17/07/1947kii ay warqad kale u qoreyn {The war Office – London}, maadaama ummaada soomaaliyeed 5 qayb loo qaybiyey :- British, Fraance, Italia iyo Ethiopian waxay ingriiska ay ka codsadeen in la mideeyo ummadda soomaaliyeed sidii loo helo somaali weyn “Bansomalisim” .
Waxaa xusid muddan munaasabaddii sannad guuraddii 5aad ee aasaaskii ururka SYL , waxaa ka soo qayb galay wafuudii kormeerka ku kala soo bixiyey goboladdii 5ta soomaaliyeed ahayd , ujeeddada ugu weyn kormeerkaasi wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn , lana wacyi geliyo dadweynaha soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ba, sidii loo helo midnimo soomaaliyeed si loo tuso wafuuddii ka imaaneysi United Nations.
Haddii aan tusaale ahaan u soo qaato kormeerkaasi waxa hogaaminaayey :-
- Mudane Maxamed Ahmed Ottavio
- Mudane Axmed Allore
- Mudane Ladane
Mudanayaal kale oo aan xusus ku soo koobi karin balse , taariikhda ummaadda soomaaliyeed xusi doonto haddii ilaahay raali ka noqdo , Waxaa kale oo xusid muddan in aan halkaani ka sheego dhallinyaraddii ka tirsaneyd Somali Signal Squadro oo door weyn ka qaatay in ay kormeerayaasha ku guuleystaan kormeerkoodda maxaa yeelay meel alla meeshii ay cagata dhigaanba waxaa taar ka hormari jiray dhallinyaradaasi Somali Signal Squardro, kuwaasoo ay ka mid ahaa :-
- Cabdiraxmaan Alfaas
- Cabdisaaq Xaaji Xuseen
- Cabdi Adan
- Cali Xirsi Jano gale
- Saajin:Cabdullah Xuseen
- Saalax Xuseen
- Omar Xuseen
Dhallinyaraddii ku kala baahsaneyd goboladda soomaaliyeed oo idil, si ay u barayrujiyaan dadweynaha ku nool gobaladaasi isla markasina ay ku wacyi geliyaan waddaniyadda iyo midnimadda shacabka soomaaliyeed, dhallinyaradaasoo gacan weyn ka geystay inuu najaxo kormeerka wafuudda SYL ay ku maraayeen 5ta soomaaliyeed waxaa ka mid ahaa :-
- Maxamed Raaji Maxamed
- Cali Food
- Axmed Qamac
- Xeero Xaaji
- Ibraahim Baalay
- Dheere Maxamed Shariif
- Xasan Colow
- Cabdulqadir Qararac
- Adan Tasame
- Xuseen Ramadaan
Kuwa kale oo aan halkani xusuus aan ku soo koobi Karin maxaa yeelay dhallinyaraddu aad iyo aad ayay u badnaayeen, guusha ugu weyn uu kormeerkaasi laga gaaray waxay ahayd kalsoonida iyo mideynta ummadda soomaaliyeed .koormeerayaashii waxay caddeeyeen in ummadda soomaaliyeed meel kastaba ha joogeen ay diyaar u yihiin midnimada ummadda soomaaliyeed, waxay xuseen dhibaatooyinka hortaag halganka gobannimo doonka soomaaliyeed ay tahay qabiil iyo qabyaaladda oo ku abuurtay mujtamaca soomaaliyeed is naceeb iyo kala qaybsanaan .
Dhallinyaraddii horseedka xisbiga waxaa ka mid ahaa:-
- Adan Carte
- Adan Gurey
- Warsame Jooglaqe
- Osman Galay
- Maxamed Gaagaale
- Cabdikariim Beerweyne
- Warsame Joqof
- Abuu Raas
kuwa kale oo aan xasuusanin oo door weyn ka qaatay la dagaalanka qabyaaladda , kuwaasoo fahmay in qabiilku caqabad uu ku yahay halganka ummadda soomaaliyeed .Waxayna guul la taaban karo ay ka gaareen in ay soo af jaraan colaaddii dhex taalay walaalaha soomaaliyeed .
Waxaan la ilaabi Karin doorkii gabdhaha soomaaliyeed oo xiligaasi la oraqn jiray Sisters door weyn ayay ka soo qaateen halgankii xornimadda, kuwaasoo naf iyo maalba u huray sidii loo gaari lahaa xornimo, waxaa kamid ahaa Xaawo Osman Taako oo lagu dilay albaabka Leegadda hortiisa iyo Timiro Cukaash oo ay ku dhashay xabsiga gumeysiga dhexdiisa iyo kuwa kale oo aan xasuus ku soo koobi karin.
Gabdhahaasi waxaa ka mid ahaa::-
- Xalima Kulmiye Xamar
- Xalima Soofe Xamar
- Xaawi Osman Taako Xamar
- Raaxo Ayaanle Xamar
- Faduma Xaashi Baydhaba
- Timiro Cukaash Kismaayo
Munaasabaadaasi oo lagu xusaayey sanad guuraddii 5aad waxaa heeso wadani ah ka soo jeediyey Abwaankii weynaa Qasim Hilowle (Iskiifo) , heesahaasi oo shacuur wadanimo ku abuurtay dhamaan shacbiga soomaaliyeed oo ka soo qayb galay munaasabaddaasi.
Waxaa mudadaasi dalka ku sugnaa wakiilo ka socda afartii dawwladood oo ku guuleystay dagaalkii 2aad ee Adduunka oo kala ah Ingriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka , kana wakiil ahaa United Nation, kuwaaso odorasaayey in dadweyna soomaaliyeed ay u bisil yihiin hanashadda xoriyada.
Guddigaasi afarta ah waxay bilaabeen in ay dhegeystaan fikraddahii iyo warbixinadii xisbigii SYL iyo Axsaabtii tiradda badaneyd ee dalka ka jiray :-
- Somali Youth League (S.Y.L)
- Hamar Youth Club (HYC)
- Patriotic Beneficient Union
- The Arab Community
- The War Veterans
- The Somali Young …. Qabiil ku magacdarsaday
- Hindaitul Islam
- Comitato Rappresentativo Italiano
Ururka la magac baxay patriotic Benefiecient Union ay isku bahaysteen 7 urur oo yar yar oo lagu tiriyo in ay gacan saar la leeyihiin talyaaniga (Pro-Italia) , kuwaaso dhamaan ka soo horjeedday iraadii shacabka soomaaliyeed oo ahaa in la gaaro xornimo, iyaga oo ku andacoonaayey in ay shacabka soomaaliyeed maanta diyaar u ahayn in xornimo la gaarsiiyo loona baahan yahay in muddo 30 sannadood in lagu jiro gacanta Talyaaniga .
Guddigii ka socday 4tii dawladood oo wakiilka ka ahaa United Nation taariikhda markii ay ahayd 20/01/1948 la kulmeen Guddigii matalaayey xisbigii SYL oo warbixintiisa xambarsaneyd himilooyinkii iyo rabitaankii shacabka soomaaliyeed.
Guddigaasi wuxuu ka koobnaa :-
1. Mudane Xaaji Maxamed Xuseen – Guddoomiye
2. Mudane Cabdullahi Ciise Moxamud – Xoghaye
3. Mudane Maxamed Ahmed – Xubin
4. Mudane Xaaji Faarax Cali – Xubin
5. Mudane Sharif Maxamed C/raman – Xubin
6. Mudane Xaaji Bashiir Ismaciil – Xubin
Muddane Cabdullahi Ciise Maxamoud oo ka wakiil ah xubnaha SYL , guddiga United Nations ka hortiisa ka soo jeediyey warbixintii xisbiga SYL ,warbixintaas oo lagu codsanayey United Nations ka in si deg deg ah oo aan shuruud lahayn ummadda soomaaliyeed loo guddoonsiiyo madaxbanaanideedda iyo in inta himiladaasi laga gaarayo afarta dowladood oo xoogga waaweyni ay si wadajir u maamulaan dalka , iyagoo ka wakiil ah United Nations .
Waxaa kale oo xusid muddan xisbigii Hamar Youth Club (HYC) oo ay isku mabaadii ahaayeen xisbigii SYL oo ay ka wada sinaayeen in shacabka soomaaliyeed la gaarsiiyo xornimo taam ah , xisbiga HYC hogaamiyaashiisu na waxay is bar bar taageen halganka gobanimadoonka ah , waxaana warbixintiisa halkaasi ka soo jeediyey Muddane : Maxamed Abukar Abooke .
Waxaan guddiga Hamar Youth Club ka koobnaa :-
1. Mudane Xaaji Muxyadiin Xaaji Cali – Guddoomiye
2. Mudane Sheekh Cumar Xaaji Yusur – Xoghaye
3. Mudane Aweys Dheere Diinle – Xubin
4. Mudane Dheere Xaaji Dheere – Xubin
5. Mudane Maxamed Abukar Abooke – Xubin
6. Mudane Axmed Shariif Cali Fakhradiin – Xubin
Guddigii 4ta dawladood markii ay dhageysteen warbixinaddii kala duwanaa ee ay ka kala soo jeediyeen axsaabtii dalka ka jirtay kuwaasoo u kala qaybsanayeen xaga fikirka , kuwa xornimadood ah iyo kuwa ka soo hor jeedda oo mucaarid ah , hase yeeshee guddigii markii uu arkay banana baxii weynaa ee ay soo qabanqaabisay xisbigii SYL iyo SNL , iyo wakiiladdii ka socoday Somali galbeed , NFD iyo Djabouti ee xiligaasi ku sugnaa Muqdisho , kuwaasoo taageero ka heysta dadweynaha soomaaliyeed oo muujiyey in ay rabaan xornimo, waxaa guddigaasi u cadaatay in shacabka soomaaliyeed uu rabo madaxbanaani taasoo ay warbixitoodi na ay ku ayideen in shacabka soomaaliyeed inuu hanto xornimadiisa .
Si wada jir ah xisibiyadda SYL (south) iyo SNL(North) waxay u gudbiyeen fikraddooda oo ku sabsaneyd rabitaanka ummadda soomaaliyeed in ay hesho xornimo taam ah. Qoraalkaasi waxaa U.Nation ka u gudbiyey Muddan Maxamoud Jaamac Uurdoox oo qoraalkiisa ku cadeeyey in 90% shacabka soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin in ay helaan soomaali mideydsan oo xor ah . Isla markaasina waxay 4ta dawladdood ka codsandeen in ummadda soomaaliyeed in ay gaarsiyaan xornimo taam ah muddo 10 sannaddood ,taasoo ujeeddadeedu ahayd in la diyaariyo hogaankii maamuli lahaa dawlada dhalan doonta
Ujeeddooyinka ugu weyn ee xisbiga SYL wuxuu ahaa in la helo soomaali weyn oo mideysan hase yeeshee dhibatada ugu weyn waxay dhacday markii SYL ay diideen in Ingariiska gacanta loo geliyo soomaaliya, taaso dawladda ingriiska ka careesisay. United Nation ka waxay go’aansadeen in koonfurta soomaaliya gacanta loo geliyo dawladda talyaaniga muddo 10 sannadood ah lagu gaarsiyo xornimo., iyadoo xisbigii SYL aad iyo aad uga soo horjeeday in mar kale talyaaniga gacanta loo geliyo konfurta soomaaliya hase yeeshee qorshaha SYL wuxuu ahaa in 4 dawlad waa weyn in ay maamulaan arrimaha soomaaliya.
United Nation waxay soomaaliya u soo direen 4 dawladdood oo kala ah Egypt,Liberia, Philipin iyo Colombia si ay u kontoroolaan maamulka talyaaniga sannad walbana ay u gubiyaan warbintoodda United Nationka . Runtii mirihii ay beereen dhallinayraddii nafta u huray dalkoodda iyo dadkoodda waxaa la gurtay June 26, 1960kii iyo July 1, 1960kii maalintii xornimada iyo mideynta labad gobol Waqooyi iyo Koonfur.
Shacabka soomaaliyeed waxaaan kula dardaarmayaa in u soo jeestaan horumarka dalkoodda oo ay iska ilaabaan wixii horay u dhacay oo xumaan ah oo la is cafiyo isla markaasi na ay soo af jaraan colaadda iyo kala go’a maanta dalka ka jira, hal hayskoodina uu noqdo AXYAA WADANI, QABIIL QARAN MA DHISO , runtii waddaniyadda ayaa lagu gaari kara horumar iyo midnimo ummadda soomaaliyeed , loogana bixi karaa dhibaatooyinka maanta dalka ka jira, looma baahana qarnigaani 21ka ah in qabiil iyo qabyaalad wax lagu qaybsado taa soo maanta ka muuqata hab dhismeedka barlamaanka dawladda ay ku dhisan tahay hab qabiil oo lagu soo xulay cadaalada daro iyo dulmi , balse waxba waxay dhaamaan sidaasi darted dawladda maanta jirta in la taageero si ay u gudato waajibaadda ay ummadda u hayso in kastoo ay cadaalad daro ku dhisan tahay , waxaana loo baahan yahay in dawladda fursad iyo waqti ba la siiyo sidii ay hawsheeda u gudan lahayd haddii ba ay wax qaban karto .
Waxaana kula talin lahaa in ay soo afjaraan khilaafka iyo is maandhaafka madaxda sare ee dawladda , maxaa yeelay shacabka soomaaliyeed oo maanta ku kala dhibaataysan guddaha iyo dibadda ba waxay idinka filaayaan in aad wax u qabtaan, mucaaradka hubeysana waxaan kula tali lahaa in ay badbaadiyaan oo aysan baneysanin dhiiga ummadda soomaaliyeed isla markaasina ay ka qayb qaataan horumarinta iyo dhismaha dalka si loo badbaadiyo shacabka soomaaliyeed oo ku dacdareysan meel kasta , sidaasi ayay ku soo noqon kartaa haybaddii qaranimo iyo magacii soomaaliyeed uu lahaan jiray iyo nabadgalyaddii dalka lagu yaqaanay , waxaan dhallinyaradda manta jirta ugu baaqayaa in ay dalkoodda wax u qabtaan, kana samata bixiyaan musiibadda maanta ku habstay shacabka soomaaliyeed.
Waxaan ummadda soomaaliyeed u rajaynayaa in sannadkaani sannadka xiga ay ku gaaraan guul horumar leh iyo barwaaqo
W.Q
Abdulkadir Ali Bolay
Email: bollay@hotmail.com
Walaalkiis Bolay. waad ku mahadsantahay qoraalkan qiimaha badan ee aad noo soo gudbisay. Waxaan is weydiiyaa sawirkan maqaalka ku sawiran ee bisha ah ee dhexda ku leh calaamadda istallaabta ama crosska, waayo bisha waxaa dhexdeeda ku sawirraan jirtey xiddig ee maxaa ugu wacan in xiddigtii la beddelo???????????