Home » Warar »

Guddoomihii Hore ee Baarlamaanka DFKMG oo Dhaariyey Wasiirka Cusub ee Beeraha…

iyo Sheikh Shariif oo u dhoofay New York,  xilka ku-simaha madaxweynaha DFKMG  ku soo dhaafay Shariif Xasan….

Guddoomiyihii xilka laga qaadaya ayaa maanta Muqdisho ku dhaariyey wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha DFKMG, ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka.

Dhanka kale madaxweynaha DFKMG ayaa u ambaxabaxay xarunta Qaramada Midoobey ee Neyw York si uu uga qayb galo shir ay UN-ku ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya, waxaana kusimaha xilka madaxweynaha ee DFKMG sii haynaya guddoomihii hore ee Shariif Xasan, sida ku cad warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG.

Warsaxafadeedka oo u qornaa sidan:

Munaasabad lagu dhaarinayay Wasiirka beeraha oo ka dhacday Xafiiska Gud, Baarlamaanka Soomaaliya.

Muqdisho, May, 14, 2012———– Munaasab maanta lagu dhaarrinayay wasiirka cusub ee Beeraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya isla markaana ay ka soo qeyb galleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoona ay munaasabada dhaarta ah lagu qabtay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Dr. Cabdiwali Max’ed Cali Gaas, Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda, iyo Qaar ka tirsan xildhibaanadda.

Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Xasan Gaboobe ayaa dhaariyay Wasiirka Cusub ee Beeraraha iyo Xanaanada Xoolaha ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xasan.

Dhaaryta kadib ayaa waxaa halkaasi hadal bagoodin ah ka jeediyay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ugu hambalyeeyay wasiirka Beeraha iyo Xanaanada ahna Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xilka loo magacaabay islamarkaana u gudan doono shaqadiisa si cadaalad ah.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in Xuseen Maxamed Sheekh Xasan uu yahay shaqsi khibrad leh islamarkaana laga rajeynayo inuu guto waajibaadka loo idmey oo ay shacabka Soomaaliyeed ka sugayaan.

—–Dhamaad—-

###
Bishii December 2011 ayey ahayd markii kulan ay ka soo qayb galeen 282 Xildhibaan ay u codeeyeen in xilka laga qaado guddoomihii hore Shariif Xasan – oo in xilka laga qaado ay ogolaadeen 280 Xildhibaan waxaa ka aamusey 2 Xubnood.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.