Home » Warar »

Xukuumadda KMG oo heshiis Is-afgarad MOU ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.

DFKMG ayaa heshiis is-afgarad MOU waxay la saxiixatay Qaramada Midoobey.

Heshiiskaas is-afgarad ama MOU nuquladiisii la kala saxiixday lama faafin, waxaase warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG lagu sheegay in qodobada la kala saxiixaday ay kamid yihiin kuwo la xiriira xuquuqul insaanka.

Xukuumadda oo heshiis Is-afgarad ah la saxiixatay hay’adda Xuquuqul Insaanka ee QM.

Ref: XRW/OM/PR 0175/05/12

Muqdisho, May 11,2012—Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Qaramada Midoobey, Iyadoona kulanka looga hadlayay heshiis is-afgarad (MOU) oo ay kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo hay’adda u qaabilsan Qaramada Midoobey Xuquuqul Insaanka.

Waxaana kulanka maanta ka soo qeybgalay Agaasimaha Xafiiska Xuquuqul Insaanka ee QM, Anders Kompass, Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee UNPOS, Peter De Clerg, Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari- Bari), Safiirka Soomaaliya u fadhiya Geneva, Ambassador Wafula Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika, C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha Federaalka iyo xubno ka tirsan Ururada Bulshada.

Ugu horeyn Amb. Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Bari-Bari) ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay heshiis is-afgarad ah kuna saabsan xuquuqda insaanka iyadoo ay kala saxiixanayaan Dowlad Somalia iyo Qaramada Midoobay.

Heshiiskaan ayaa waxaa uu ka koobanyahay qodobada hoos kuqoran:

  1. in la dhowro lana fuliyo heshiiska ku saaabsan Xuquuqul Insaanka.
  2. In la ilaaliyo Xuquuqda dadka jilicsan sida, Haweenka, Caruurta, Barakacayaasha iyo Saxaafadda.
  3. In la adkeeyo Sharciga iyo kala dambeynta iyadoo loo marayo maamul cadaalad kusalaysan ah.
  4. In la dhiso awooda hay’adaha ilaalinayo Xuquuqul Insaanka.
  5. In la sameeyo wacyi gelin xuquuqul insaanka iyadoo loo marayo Saxaafadda
  6. In la hormariyo Xuquuqda bulshada iyo dhaqaalaha
  7. In lala sameeyo wada shaqeyn joogta ah iyadoo laraacayo habka udagan golaha Xuquuqul Insaanka.

Waxaa heshiiskaan dhanka dowladda u saxiixay Wasiirka Dastuurka iyo Arimaha faderaalaka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay Wasiirku in heshiiskaan uu yahay mid taariikhi ah isla markaana tastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso uu si weyn u qeexayo dhowrista Xuquuqul Insaanka iyo Xuquuqda muwaadinka Soomaaliga ah uu leeyahay haddana ay laga ma maarmaan tahay in si wada jir ah la isaga kaashado dhowrista Xuquuqul Insaanka.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaare Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sharaxaad ka bixiyay ahmiyada ay leedahay in muwaadinka Soomaaliga ah in ladhowro Xuquuqdiisa, dowladuna ay ka shaqeyneyso in muwaadin walba oo Soomaali ah uu helo xaquuqdiisa islamarkaana si guud loo dhowro Xuquuqul Insaanka.

-DHAMAAD –


Warar hore:
“Qorshaha la wado ee Dastuurka iyo Qaabka loo wajahay Waa mid la doonayo in lagu Xalaalaysto Badda Soomaaliya…”sidaas waxaa yiri Xildhibaan Cawed Casharo

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.