Home » Warar »

Shiikh Maxamed Cabdi Umal” Qofkii is leh Dastuur baa la Dejiyey oo Dowlad baa la Dhisayaa uu yahay Qof Qarwaya”

“Qaramada Midoobey Goormey Noqotey Mid ka Shaqeysa Danta Ummada Soomaaliyeed”

Shiikh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo u waramayey qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa si weyn uga Hadley Dastuurka Muranka dhaliyey ee la filayo dhawaan la ansaxiyo , wuxuuna sheegey Shiikh Umal in Dastuurka Cusub ee Soomaaliyeed uu yahay mid ay Qoreen Qaramada Midoobey oo iyagu yihiin kuwii dejiyey Dastuurkaas wuxuuna afka ku balaariyey oraah oraneysa “Yeydu Goormey noqotey mid Ariga Raacda “wuxuuna Tusaale u soo qaatey Shiikh Umal in Qaramada Midoobey aysan marnaba wadin Wax Danta Ummada Soomaaliyeed isl;amarkaana aysan ka shaqeyneynin Maslaxada Ummada Soomaaliyeed .

Shiiklh Umal ayaa waxaa uu sheegey in Dastuurka la wado ee la doonayo in la ansaxiyo aan si dhab ah dadka Soomaaliyeed loogu akhrin islamarkaana loo diidey in ay wax ka ogaadan ,isagoo sheegey in Dastuurka uu yahay mid la qarsadey lana doonayo in lagu kediyo Ummadda Soomaaliyeed

Shiikh Uma;l isagoo ka hadlaye Dastuurka waxa uu yiri “Soomaalida waxay Tiraahdaa “Wax la Qariyey Quran baa ku jra “, waxaa la yaab leh Odoyaal aan wax Akhrin inta meel la isugu keeno la yiraahdo ma Fahamteen Dasuurka oo ay yiraahdaan Haa waan Fahamney ,oo ay Qalinka ku duugaan” waxaa uu sii raaciyey” Dastuurka Cidda loo sameynayo ay tahay Ummad Muslimiin ah lana doonayo in uusan Shareecada ka Hor imaan halki Culimada wax laga weydiin lahaana Bilowgii ayaa la Fogeeyey waxaa la ii sheegey in Nin Bakistaan oo Aasiya u dhashey Ciduu yahay ma hubee oo sheegta in uu yahay Caalim Shariciga yaqaan uu Sharciyadana u Qoro Qaramada Midoobey uu la socdo kuwa Dastuurkaas Qoraya oo uu Magacii Culimada Soomaaliyeed isaga Matelaya “

Shiikh Umal Waxaa uu sheegey in wax aan Muddo Boqolaal Sanno ah laga laaban Karin haddii maanta la ansaxiyo ay tahay dhibaato weyn “Eeg Caalamka Carabta dadka waxay leeyihiin waxaan rabnaa Diintii, Soomaaliduna waxaa la rabaa in Gadaal loogu celiyo Gaalnimo iyo wax laabtan sano ka hor aan soo marney ”wujxuu sii raaciyey Shiikh Umal in qofkii is leh Dasuur baa la Dejiyey oo Dowlad baa la dhiseyaaa uu yahay Qof Qarwaya

Culimada Soomaaliyeed ayaa intooda badan kaoo horjeestey Dastuurka Qabyada waxayna sheegeen in Dasuurka qabyada uu yahay mid ka horimaanaya Shareecada Islaamka waxayna shacabka Soomaaliyeed uga digeen in ay ansaxiyaan dastuurkaas oo ay sheegeen in Gadaal ka riixayaan Dowlado shisheeye sidoo kale waxaa ka soo horjeestey inta badan shacabka Soomaliyeed iyagoo sheegey in uu yahay Dastuurka wax badan lagu qarinayo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.