Home » Warar »

Kulan looga soo horjeedey Dastuurka Qabyada iyo Agostina Mahiga oo Dowladda Faderaalka Maanta is hortaagtay

Iyadoo maalmahaan ay jirtey Mucaaradad weyn oo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ayaa waxaa maanta Magaalada Muqdisho Ciidamada Amaanka ee Dowladda Ku meel gaarka ay is hortaageen kulan ay isugu imaan lahaayeen Xildhibaano , Siyaasiyiin iyo Odey dhaqaameedyo iyo Aqoonyahano kaasoo looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah iyo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Mahiga.

Kulankaan oo ka dhici lahaa Hotel Saxafi ayaa waxay Indhaheyga qabanayeen Ciidamada Amaanka oo isku gadaamey Hotelka islamarkaana maamulka Hotelka ku amrey inaan wax shir ah lagu qaban Karin Hotelka kaasoo ay si aad ah ugu Caroodeen Xubnihii ka qaybgali lahaa shirka kuwaas oo aan arkayey iyago laba laba u taagan Banaanka Hotelka oo qaarkood ay ka soo yeereysey hanjabaadyo ay u jeedinayaan Wasaarada arrimaha Gudaha oo iyadu la sheegey in ay ka dambeysey in la hor istaago kulankaas.

Jen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa ragii hormuudka u ahaa shirkaas oo ka muuqatey Caro weyn ayaa waxaa ku hanjabey in maalinta Berri ah ay qabsan doonaan Kulankii maanta la hor istaagey isagoo sheegey in aysan cida uga fasax qaadan doonin in ka hadlaan Dastuurka qabyada oo uu sheegey in uu yahay dastuur uu gadaal ka riixayo Raiisul WAsaaraha iyo Ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Xubnihii kale ee Saxaafada ku la hadlay Hotelka Banaankiis waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Bood Cabdille Magan oo sheegey in is hortaagii lagu sameeyey Kulanka manta uu ka dambeyey Agostina Mahiga islamarkaana waxaa uu sheegey in ay maanta Cadaatey in dalka soomaaliya uu ku jiro Gumeysi wuxuuna ugu baaqey Shacabka soomaaliyeed in ay mar kale u halgamaan sidii ay dalka u Xoreyn lahaayeen.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo ka hadleyey kulan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa sheegey in Mahiga uu dadka soomaaliyeed ku qasbayo wax aysan Aqoonka oo ah dastuurka Qabyada wuxuuna sheegey in dalka uusan xor ahayn loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyaan sidii mar kale ay u heli lahaayeen Xoriyadooda islamarkaana wuxuu ugu baaqey in aysan marnaba ogolaan in Sanka laga gelyo wax la soo dhoob dhoobey.

Waxaa maalmhii la soo dhaafey Magaalada Muqdisho ka jirey kulamo looga soo horjeedo dastuurka qabyada oo dadka soomaaliyeed intooda badan ay ku tilmaameen mid ka hor imaanaya shareecada Islaamka , waxaana arrimaha dastuurka sii cusleeyey markii ay hanjabaad ka timid ergeyga gaarka ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Mahiga oo sheegey in ciddii ka hortimaada dastuurka iyo Road Map-ka talaabo laga qaadi doono iyadoo kulankii maanta is hortaaga lagu sameeyey ay ka dambeeysey Wasaarada arrimaha Gudaha oo dhawaan sheegtey in aan la qaban Karin kulan Siyaasadeed.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.