Cali Khaliif Galeyr,Maxamed Xasan Xaad ,Shiikh Nuur Baaruud Gurxan iyo Shiikh Axmed Dhicisow oo si Weyn uga soo Horjeestey Dastuurka Qabyada
Waxaa isa soo taraya Qayla dhaanta looga soo horjeedo Dastuurka Qabyada ah oo Dowladu sheegtey in la ansaxin doono Bartamaha Bisha May ee aan ku jirno waxaana Warbahinta kala duwan ka qaylinaya Siyaasiyiin Aqoonyahano, Haween iyo qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka waxaana ka mid ahaa dadkii sida aad ka uga horyimid Gudoomiyaha Odoyaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo sheegey in Dastuurka Qaybada qaar ka mid Qodobada ku jira ay ka hor Imaanayan Shareecada Islaamka
Mudane Xaad waxaa uu soo qaatey qaar ka mid Qodobadaas oo mid tilmaamaya In dhalasho la siin karo Qof kasta oo Ajnabi ah oo dalka ku sugnaada Muddo Shan sanno ah isagoo sheegey in Ciidamada Amisom ay dalka ku sugan yihiin Muddo inta ka badan isagoo sheegey in iygana ay Xaq u yeelan karaan in ay qaatan dhalasho marka waa Qodob uu ku tilmaamey mid aad u Xasaasi ah , waxaa kaloo uu soo qaatey Qodob oronaya in qofka uu ku Qaan gaari karo muddo 18 Sanno marka waa qodob ka hor imanaya Shareecada Islaamka waayo haddii aan nahay Muslimiin waxaan ku qaan gaarnaa 15 Sanno Gabadhuhuna inta way ka yar yihiin marka waa Qodob laga soo min guuriyey Dowladaha Reer Galbeedka
Mudan Xaad waxaa kaloo uu si weyn uga dhiidhiyey Qodob kale uu ku tilmaamey mid Xasaasiyad abuuri kara waa qodob sheegaya in qof kasta oo Soomaali ah Diintuu doono ha haysto uu qaban karo ama uu u tartami karo Jagada ugu sareysa Dalka sida Madaxweymnaha , Raiisul Wasaaraha iyo iyo Jagooyinka kale isagoo sheegey in Qodobkaan uu yahan Mid ay Gadaal ka riiixayan qaar ka mid Dowladaha Shisheeye oo ay ugu horeeyaan Reer Galbeedka
Cali Khaliif Galeyr oo mar Rasiil Wasaare ka soo noqdey dalka Soomaaliya ayaa isga si weyn u Mucaaradey islamarkaana ka soo horjeestey Dastuurka Qabyada waxaana uu yiri “Turubka ha la Baan Dheeye wax aan la aqoon dalkaan Dastuur kama noqon karo marka waxaan maqlayey iyadoo la leeyahay Ciddi ka hortimaada Waa la xiraya marka ma waxaa lagu faanayo ma Ciidamada Shisheeye marka waxaan u soo jeedinayaa in Wax Soomali diidey naguma qasbi kartaan sidaa darteed wax Soomaali ka hortimid oo Shacabku diidey marka waxay ahayd in aad u hiilisaan waxa Shacabku rabo, waxaa ka sii daran Ciidamada Shisheeye iyagana lama yaqaan waqtiga ay baxayan iyo waxa ay qabanayan waa dhibaabto heerkeeda leh”
Siyaasiyiinta kale ee ka hor yimid Dastuurka Qabyada waxaa ka mid ah Proff Maxamed Faarax Jimcale oo sheegey in dadka Gadaal ka riixaya Dastuurka Qabyada waa kuwa Dano gaar ah leh marka waxan ugu baaqayan shacabka Soomaliyeed in ay dhigan Banaanbaxyo ay kaga soo horjeedaan Dastuurka Qabyada ah oo uu sheegey in la doonayo in dalka lagu gumeysto , waxaa kale uu sheegey in Dastuurka ay diyaariyeen dad soomaali aan ahayn sida aad ka dhandhansaneyso Qaar ka mid ah qodobada Dastuurka
Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa iyna ka digey in la Ansaxiyo Dastuurka Qabyada ah waxaana ka mid aha Culimada ka digtey Gudoomiyaha Majmaca Culimada Soomalieed Shiikh Axmed Dhicisow oo yiri” Qodobada ku jira Dastuurka waxay ka hor imaanaya Shareecada Islaamka marka waxaan uga digaya dadka ku Howlan in aysan ansaxin wax dambi weyn uga imaanya”Waxaa kaloo ka digey Dastuurka Shiikh Nuur Baruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaliyeed wuxuu u soo jeediyey Masuuliyiinta Dowladda in aysan eegin dantooda ee ay eegan danta iyo Maslaxadda Ummadda Soomaliyeed
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
Dasduur diid waa dowlad diid.
Wixii ay ummadda horsacodkeedu diidaan in lagu raacaa roon. Waxaan idin waydin lahaa dasturka yaa ilaa hadda arkay? waxa la rabo in dalka lagu dha\qo sow haboonayn in la shaaciyo. Kuwa la soo uruurinayo waxaan malaynayaa intoodas badan inaysanba arkin qoraalka la rabo inay ansixiyaan.
Ha ku mashquulin, muran beenaadka la nala dhex dhigay. … eeg, dastuur iyo la’aan tiisaba, dalkaan la inaga qaad. Eeg qodobka muranka dhaliyay, gaal kama talin karo dalka, waa ayo Mahiga, Mile Zanawi, Mazaveni etc. Waxaa mudan in la is waydiiyo, war xagee dagaalka xiga ka dhici doonaa, Puntland vs Somaliland, Jubbaland vs rahanwayn land, Punland vs Habargidir land, most likely, the last one. After 6 months of break; prepare for another WAR for five years…. waxay u baahan yihiin 40 – 50 sano, oo ah nagu tirtiraan. waxaan noo haray 15 -20 qudha. Warkii jira isaga ayaa cakaaro imaandoona.
Assalaamu caleykum
Walaalayaal waxaan dareemayaa meeshii la inala rabay inaan hadda u jihaysannay ee ahayd in dalkaan si dadban marka hore loo gumaysto marka xigtana si cad oo toos ah waxaana loo adeegsanayaa kuwo muuqaalka soomaali ka ah laakiin aan maskaxda ka ahayn waxaan usoo jeedin lahaa ummadda soomaaliyeed inay ka dhiidhiyaan oo aysan qaadan waxaan dani adduun iyo aakhiro midna ugu jirin.