Home » Warar »

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dalka Dibaddiisa u Duulisey Saxafiyiintii ku Dhaawacmay Qarixii Tiyaatarka Muqdisho

Wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ka Duulisey Illaa Afar Weriye oo ka tirsanaa Dhaawicii dhowr iyo Labaatanka Maalmood yaalay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Bahlaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta ee Dawladda Federaalka Soomaaliya oo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula hadlayay War baahinta ayaa sheegey in dadaal badan kaddib ay u suurta gashay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay qaabisho Wariyayaashaas ka tirsan war baahinta Gudaha ee Dhawaan waxyeeladu ka soo gaadhay Qarxii Is Miidaaminta ahaa ee ka dhacay Xarunta National Tiyaatarka Muqdisho xilli halkaa lagu xusayay Munaasibadda Sanad Guurada koowaad ee ka soo wareegtay dib u hawl galka T.V.ga Qaranka.

Agaasimaha ayaa intaa raaciyay isagoona u mahad celiyay Jamhuuriyadda Jabuuti qaabiladdii ay qaabishay codsigii dawladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in Wariyayaashaas dhaawacooda dalka gudihiis wax looga qaban waayay in ay u duuliso Dalkeeda si halkaa loogu soo daaweeyo taasoo xukuumadda Jabuutina ay hore u aqbashay.

Wariyayashaan oo ka kala socday warbaahinta gudaha ayaa ku dhaawacmay gudaha Tiyaatarka iyadoona dhaawacooda wax looga qaban waayay gudaha dalka Soomaaliya.Horey ayay Xukuumaddu wadanka Kiinya ugu Duulisey Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo mudane ka tirsanaa Barlamanka kuwaasoo ku Geeryoodey Dalka Kiinya markii la geeyay.

In kastoo tani dufcaddii labaad ee laga qaado Isbitaalka Madiina ay tahay ayaa haddana waxaa jira Xubno kale oo ka tirsanaa dadkii ku dhaawacmay shilkaas oo aan weli laga qaadin Isbitaalka waxaana ka mid ah Abwaan Axmadeey Cabdi Gaashaan oo qaba dhaawac aad u daran. xaaladda dadkii ku dhaawacmay Qarixii Tiyaatarka ayaa intooda badan dalka gudhiisa wax looga qaban waayay taasoo ay xukuumadduna ay door bidday in dalka dibaddiisa loo qaado si looga soo daaweeyo dhibaatadii ka soo gaadhay Qaraxaas.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.