Home » News »

Doha Center For Media Freedom (DCMF). Deeq Lacageed Gaarsiiyay Qaar ka tirsan Suxufiyiintii ku Dhaawacmay Qaraxii Tiyaatarka

Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) ayaa deeq lacageed oo loogu talo galay daaweyntooda, isla markaana ay ku deeqday hay’ad
fadhigeedu yahay magaalada Doha ee dalka Qadar, laguna magacaabo Doha
Center for Media Freedom (DCMF).

Halkan ka daawo sawirada

Haddaba, masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed oo uuhogaaminaayo Xoghayaha Guud, isla markaana uu ku wehliyey xoghayaha Maaliyada NUSOJ iyo masuuliyiin kale oo ka socday warbaahinta madaxa
banaan ee gudaha iyo Dibadda ayaa Deeq lacageed
guddoonsiiyay Siciid Shire Warsame (Shuuriyaako) lacag cadadkeedu dhan tahay 2000$ oo ay ugu deeqday Hay’ada Doha Center for Media Freedom.

“NUSOJ waxaa sharaf u ah inay guddoonsiiso lacag cadadkeedu yahay
2000$ Saxiibkeen Siciid Shire Warsame (SHuuriyaako) iyagoo ka wakiil ah Hay’adii deeqda lacageed bixisay ee Doha Center” sidaa waxaa saxaafada u sheegay xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim isagoo
hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ku daray in lix weriye oo uu ku jiro
Shuuriyaako ay deeq lacageed ka heleen isla hay’addan kadib codsi ay
sameeyeen masuuliyiinta Ururka Suxufiyiinta Qaranka.

Xogyaha Guud ee NUSOJ waxa uu ka dhawaajiyey in hanaankii lacagaha
deeqaha ururku u maamuli jiray wax laga bedelay kadib qeylo dhaan ka
soo yeertay dhibanayaal lacagahoodii hore loo lunsaday. Taasina ay
dhalisay in marka laga reebo Shuuriyaako, Shanta suxufi ee kale ee
dhaawaca ahaa lacagaha ay si toos ah hay’ada Doha Center ay Dahabshiil u soo dhigtay iyadoo weriye walba magiciisa iyo taleefoonkiisa loogu soo qoray, taasina ay meesha ka saareyso wixii mugdi ahaa ee hore u jiray.

Waxa uu sidoo kale Xoghayaha Guud ee NUSOJ, Maxamed Ibrahim uu
balanqaaday in weriyayaasha dhaawaca ah oo aan weli helin taageero ay
taageeri doonaan, una sameyn doonaan dadaalo lagu caawinayo.

Cabdulqaadir Dulyar, Agaasimaha Royal Television ayaa xoghayaha Guud
ee NUSOJ ku sharfay in uu guddoonsiiyo lacagta deeqda ah weriye
Siciid Shuuriyaako, waxaana isagoo wakiilka ah u guddoomay walaalkiis
ka weyn, Maxamed Shire Warsame.

Maxamed Shire waxa uu u mahadceliyaya Ururka NUSOJ iyo Doha Center
dadaalka dheer ay ku garab taagan yihiin walaalahooda saxafiyiinta ah
ee dhibaateysan, isagoo xusay inay tahay markii ugu horeysay oo uu
arko suxufiyiin sidaan oo kale isugu heelan.

Cabdulqaadir Dulyar ayaa markii uu lacagta gudoonsiinayay kadib ku
baaqay hay’adaha suxufiyiinta taageera iyo dowladda KMG ah in weriye
Shuuriyaako loo raadiyo daweyn dibada ah, maadaama xaaladiisa
caafimaad dalka waxba looga qaban Karin.

Siciid SHuuriyaako oo warbaahinta la hadlay ayaa ururka NUSOJ iyo DOHA Center iyo dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed uga mahadcelinayay sidii ay u garab istaageen isla mar ahaantaana ugu soo gurmadeen, isagoo markaa indhihisa laga dheehanayay ilmo uu ku micneeyay inay tahay farxad balse aanay ahayn xanuun isaga haya.

Ugu dambeyntii, Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ku
baaqayaa in suxufiyiinta SOomaaliyeed ay is gargaaraan ama dal ha
joogaan ama dibad ha joogaan, isagoo isla markaana ka dhawaajiyey in
suxufiyiintu ay is gargaari karaan iyadoo looga kaaftoomaayo taageero
dibadda ah. Sidoo kale Ururka NUSOJ waxa uu isla goobtaas ka
balanqaaday in weriye Shuuriyaako iyo intii kale ee weriyayaal dhaawac ah oo caafimaadkooda dalka wax looga qaban Karin ay ka shaqeynayaan in sidii daweyn dibadda ah loogu heli lahaa.

Deeqdan lacageed oo gaareysay $9000 (sagaal kun oo doolar) ayaa waxaa
loo qeybiyey 6 (lix) weriye oo ku dhaawacantay tiyaatarka qaranka
bishan horaanteeda. Weriyayaasha deeqdan ka faaiideystay ayaa deeqda
loo qoondeeyay hadba sidii ay dhaawacyadoodu u kala darnaayeen.
Waxayna deeqda u kala gaartay sida tan: Sa’id Warsame Shuuriyaako –
Shabelle Radio – US $2000 (QR 7,300), Deeqo Mohamed Ahmed – SNTV-US
$2000 (QR 7,300); Ahmed Ali Kahiye – Kulmiyw Radio- US $2000 (QR
7,300); Hamdi Muhumad Hassan – Somali Chanel TV – US $1000 (QR
3,650); Ayaan Abdulle Guure – S-24 Television – US $1000 (QR 3,650);
Saleiban Sheik Ismail – Gudoomiye ku xigeen NUSOJ – US $1000 (QR
3,650)

Waxaa kale oo jira suxufiyiin iyagana dhaawacyo qaba oo aan weli helin deeqdan lacageed, balse ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed waxa uu ka balanqaadayaa in ay iyaguna heli doonaan sida ugu dhakhsiyaha badan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.