Home » Warar »

Qarax Is Miidaamin ah oo ka Dhacay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay

Baydhabo: Nin Dhallinyara ah oo isku soo Xiray Walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay Fariisin Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa DFKMG ay ku lahaayeen gudaha Magaalada Baydhaboo ee Xarunta Gobolka Bay. Warar Is Khilaafsan ayaa ka soo baxaya Qaraxaas iyo sidii uu u dhacay iyadoo wararka qaar ay sheegeen in Ninkaasi uu soo Aaday goob ay ku sugnaayeen Ciidamo kuwa Dawladda ah .

Ninkan ayaa la sheegey in lagu amray inuu Istaago taasoo keentay in Ciidankii Ilaalada ahaa ay Rasaas ku Furaan isaguna halkaa isku qarxiyo Warar kale ayaa iyagauna sheegaya in Ninkan laga arkay meel dheer dabeetana lagu amray inuu Istaago taasoo keentay inuu goobtii ka cararo iyadoo xabado lagu Riday dabeetana sidaas ku istaagay iyadoona markii uu u soo dhawaaday Askerigii doonayay inuu Baaro isla goobtii isaguna isku qarxiyay.

Warka ayaa intaa waxa uu ku daray in halkaas ay ku dhinteen Askerigii iyo Ninkii Is qarxiyay iyadoona uu dhaawac ka soo gaaray hal ruux oo Rayid ah. Qaraxan ayaa waxaa ka hadlay saraakiil ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya kuwaasoo sheegey in ay Fashiliyeen isku dey lagu doonayay in lagu waxyeeleeyo Ciidamo ka tirsan Dawladda.

Maxamed Cali Catoosh Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaan dhigga ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo iminka ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa Qaraxaasi qiray isagoona hoosta ka xarriiqay in hadafkii laga lahaa aan la gaarin. Wasiirka ku xigeenka ayaa sheegey in Ciidamada dawladda ay ka feejigan yihiin weerar walba oo kan la mid ah ee lagu soo qaado fariisimadooda isagoona u mahad celiyay Ciidankii hawshaas ka hor tegey.

Xarakada Alshabaab ayaa sheegey in Magaalada Baydhabo ka fuliyeen Qarax Ismiidaamin oo ay sheegeen in ay ku bar tilmaamnsadeen Goob ay ku sugnaayeen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Sirdoonka Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka halkaasoo ay sheegeen in ku dileen Tiro Ciidamadaas sidoo kale waxay sheegeen in Qaraxyada noocaan oo kale ay sii wadayaan ee ay ku bar tilmaameedsanayaan Ciidamada Shisheeye iyo Kuwa Dowladda
Ciidamada dawladda iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa illaa iyo iminka goobtii uu qaraxu ka dhacay ka wada hawl galo baaritaana ah iyadoo gebi ahaanba la xiray Goobtaas oo loo diidayo in ay soo gaaraan Dadka rayidka ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.