Home » Warar »

Soomaalida Minnesota oo Soo dhawaynaysa una Mahadcelinaysa Safiirka Turkiga u fadhiya Maraykanka.

“Waxtarka Dowlada Turkiga ummada Soomaaliyeed tareen, ma’ahan arin aan halkaan kusoo koobi karno,  Caafimaadka, waxbarashada…”

Asalamu Calaykum Waraxmah, waxaan idinku casumaynaa Umahad Celinta iyo soo dhawaynta Safiirka Turkiga Maraykanka u fadhiya Nimak Tan. Waa u Mahadcelin Dowlada Turkiga iyo Shacabkeeda, looga mahad naqayo waxtarka ay ummada Soomaaliyeed u gaysteen, fadlan kasoo qaybgal shirkan Soomaalida Minnesota ku qabanayso Minneapolis Convention Center bishan April 28,2012 3:00pm insha allaah.

Waa arin wayn fadlan ku darso qorshahaaga. Waxtarka Dowlada Turkiga ummada Soomaaliyeed tareen, ma’ahan arin aan halkaan kusoo koobi karno, haday noqon lahayd dhinaca Caafimaadka, waxbarashada, mucaawinada dadka tabaalaysan, khadka diyaaradooda oo Muqdishu lagu daray iyo Siyaasadaba. Waxaan tusaale usoo qaadanaynaa, waxqabadkoodii ugu danbeeyey ee ku aadanaa dhinaca caafimaadka.

200,000 Somali people have been treated at two field hospitals and one polyclinic established by Turkish Health Ministry in Somali capital of Mogadishu in the last eight months.

987 Somali people underwent operations in hospitals, Dr. Musa Temel, head physician of field hospitals, told AA correspondent.

Temel recalled that they came to famine-stricken Somalia on August 19, 2011 and Turkish physicians achieved important successes since then.

150,000 tons of medication have been distributed to Somali people so far, he added.
Tarjumaad

“200,000 oo dadka Soomaaliyeed ah ayaa lagu daaweeyey laba isbitaal iyo goob bukaan eegto ah oo ay ka samaysay wasaarada Caafimaadka ee Turkiga magaalada Muqdisho sideedii bilood ee ugu danbaysay.

987 daddka Soomaaliyeed ah ayaa lagu qalay Isbitaaladaas, Dr. Musa Temel, madaxa qaybta bukaan eegtada ee Isbitaalka, ayaa u sheegay AA wartabinteeda.

Temel wuxuu xusay inay u yimaadeen abaarihii Soomaaliya ku dhuftay Agoosto 11, 2011 iyo dhakhaatiira Turkiga inay gaareen horumaro muhiim ah ilaa xiligaas.

Wuxuu ku daray, 150,000 oo tan oo daawo ah ayaa loo qaybiyey dadka Soomaaliyeed ilaa hada”

Shirku waa lacag la’aan dadka oo dhana waa u faranyahay. Faahfaahin intaa dheer fadlan fiiri, flayer-ka Mahadsanidin.
———————————————————-

Somali Community Of Minnesota Welcomes and Thanks Turkey Ambassador of the United States Nimak Tan, April 28, 2012 at 3pm. Join us in thanking the Turkish Government and its people at the Minneapolis Convention Center. Thanks.

More information: 612- 242-9991, 612-466-0722

Xasan Dhooye
dhooye@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

5 Jawaabood " Soomaalida Minnesota oo Soo dhawaynaysa una Mahadcelinaysa Safiirka Turkiga u fadhiya Maraykanka. "

  1. Thank You Turkey
    by Abdi-Noor Haji Mohamed (Eagle Of Hope)
    Saturday, April 07, 2012

    From page to page I turned papers
    I visited websites and their links
    I listened radios and watched TV´s
    I have read articles on Somalia
    Looking on thirty titles per day
    Covering a total of 900 in a month
    Finding all of them destructive
    As they preached war and terror
    Or implicated to financing the war
    With the exception of titles on Turkey
    They shined amid rubbles of despair
    Never coming anywhere close to war
    But always inspiring, injecting hope
    into hearts dying from lack of hope
    Thank you Turkey for your peace Model
    May other actors follow your footsteps
    Amen Insha Allah.

  2. Marka hore mahad alah iska marka xigta somalitalk then walahi shirkas wan ku faraxsanahay waliba waxan jeclan lahay mel waliba dad turkish jogan loo mahadceliyo abaalkoda logu mahadnaqo aniga waxan joga muqdisho waxan kamid ah ardayda wax kabarato xaga ardayda masha alah wax la shegi karo mahan waxay no qabten asxabteyda badana dalka turkiga wax kabartan thks turkiga 1000 kun jer

  3. maxamad says:

    Allaah ayaa mahad leh N,N,N,K,H allaah ayaan uga baryaynaa inuu ka abaalmariyo dawlada iyo shacbiga turkiga wanagaa ay walalaalhood lagarab istagen waana wax taariikhdu qori donto waajibna kunoqon doonta muwaadiniita soomaliyeed inaan uga mahadcelino reer turkey wanaagood maanta oo kale ayad kala garataa walalkaa iyo nacabkaga wallaahi sida garaad xusay ayaa indhahayga ilmo kusoo istaagtaa markaan maqlo turkey kaliya waanu xusin wanaagiina wanuna noqon dad walaal abaalguda hadii eebe idmo mana idin ilaawi doono somalitalkna waxan leeyahay halyeeydaii soomaliyeedow naga gaarsiiya walaalkeen hambalyadaan sidad noosoo gaarsiiseen maxa yeelay warku wuxuu kaaga yimaadaa meel adan usafr qadan karin mahadsanidiin

  4. Xujaale says:

    Waan jeclaa inaan ka qeybgalo munaasabadaan muhiimka ah ee ka dhaceyso magaaladeyda minnesota balse safar degdeg ah ah awgiis iima suurtogaleyso 28 bishaan, laakiin dalkoodii ayaanba u jeedaa oo aan mahadcelin balaaran u wadaa. diyaaradoodii waa raacaaya.

  5. Garaad says:

    Waa shay waajib ah ayaan oran karaa in qof ksta oo soomaali ah uu shukri iyo mahad ballaaran u jeediyo walaalaha turkiga oo kaalinta ay dadka soomaaliyeed uga soo baxeen aan buug iyo qalin lagu soo koobi karin, Allaah kaliya ayuunbaan oran karaa wuu xisaabi karaa wanaagga iyo abaalka ay leeyihiin walaalahayaga Turkiga , waana wax taariikhda dhaw iyo midda dheerba xusi doonto baal dahabna ka gshay shacbi weynaha soomaaliyeed gurmadka ay u sameeyeen, wallaahi illin baa igu soo istaagta mar kasta oo aan maqlo magaca “TURKI” maxaa yeelay waxa aan xasuustaa sida ay ahayd xaaladda magaalada muqdisho iyo goobihii kale ee sida xeryihii qaxootiga ee kenya ee dhammaan ay buuxdhaafiyeen dadka barakacayaasha ah ee macluushu ka soo bara kicisay deegaanadooda iyo sida caalamku dhegaha uga fureystey, iyo sidii geesinimada lahayd ee uu halyey-Erdogan uga soo degey muqdisho iyadoo hay,adaha caalamka ee magaca gargaarka ee (Fake)ga ah gashaday ay gacmaha ka laabteen iyagoo u sabab yeelay inaanay muqdisho iyo soomaaliyaba aysan safe ahayn…sidaas oo ay tahay ayaa Erdogan oo dhab ahaantii u muuqday Jabal aanay dabayluhu loodi karin kasoo degey caasimadda dalka halkaasna ku jebiyey derbigii beenta ahaa ee calamku ku sheegeen in aan la dhaafi karin uuna tusiyey in waxa beesha caalamku sheegayso ay tahay been iyo wax kama jiraan, ilaa kuwii beenbeenta ku sheeganayay inay caalamka dhibaatadiisa u taagan yihiin ay si waji gabaxnimo ah uga soo degeen muqdisho dhawr bilood ka dib xilli aan wax xiiso ah oo loo qabo aanay jirin Imaatinkiisa, marka waa waajib ayaan oran karaa in looga mahad celiyo walaalahayo wanaagaas isaga ah, taasoo ah mahad celin alle loo mahad celiyey waayo waxaan filayaa xadiis nebigeenu (csw) uu leeyahay ninkaan dadka ku shukrinin alle kuma shukriyo…mase hubo sixadiisa..si kastabase ha ahaatee waxaa dhab ah in turkiga ay meel uga soo baxeen shacabka soomaaliyeed…