Home » Warar »

Xildhibaan Xiddig oo Weerarkii Qarax ee Tiyaatarka ku Sheegey inuu ahaa mid Siyaasadeysan oo la Doonayey in lagu Khaarijiyo Raiisul Wasaare Gaas.

 

Iyadoo Maalmahan ay isa soo tarayeen hadal haynta Weerarkii Is Miidaamineed ee ka dhacay Todobaadkii hore Golaha Murtida iyo Madadaalada ayaa haddana waxaa soo kordhaya Eedeymaha aan weli loo meel helin oo ay jeedinayaan qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Barlamaanka iyo Xukuumadaba

Hadaba Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo ka mid aha xildhibaanada Barlamaanka Soomaaliya oo qaybo ka mid ah warbaahinta hadlay ayaa qaraxaas ku eedeeyay dawladda federaalka Soomaaliya isagoona sheegey in Ujeedada ka dambeysa ay ahayd isku dey lagu doonayay in lagu khaarijiyo Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo golihiisa wasiirada. Xildhibaanka ayaa soo hadal qaaday abaabulka weerarkaasi in ay lahayd Shabaab sida ay u sheegteenba ha yeeshee loo fududeeyay in haweeneydii qaraxaas fulisey in ay gudaha u soo gasho goob ammaankeeda aad loo Ilaalinayay.Mudane Xiddig ayaa intaa ku daray in ay jiraan rag ka tirsan xukuumadda oo xiriir la leh xarakada shabaab kuwaasoo uu sheegey in iyagu ay ka danbeeyeen falkii ka dhacay National Tiyaatarka Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay inay jireen falal badan oo kan la mid ah isla markaana hore loo sheegey in la baarayo welina aan la helin cid loo soo qabto mas’uuliyadda falalkaas isagoo kana ku tilmaamay in aan la dooneyn in la sii hor mariyo baaritaankiisana lana doonayo in la marsiiyo halkii ay mareen kuwii ka horeeyay.

Xildhibaan Xiddig ayaa dhinaca kale tusaale u soo qaatay in dalka ay yaaliin qalab baaritaan oo casri ah balse aan loo isticmaalin hawlaha sugidda ammaanka goobaha ay tagayaan Mas’uuliyiinta qaranka taasina waxa uu ku sheegey in qayb ka tahay mas’uuliyad xumida dawladda ku meel gaarka Soomaaliya. Hadalkan xildhibaanka ayaa imaanaya xilli weli aanay wax natiija ahi ka soo bixin guddigii Heerka Wasiir ee loo magacabay inay soo baaraan dhacdadaas kaddibna ay soo ban dhigaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.