Home » News »

Ugaas Saalax Shiikh Khaliif oo la caleemo Saaray

Mid ka mid ah Beelaha Soomaaliyeed oo Markii ugu Horeysey Duubatey ama Caleemo Saartey Ugaas

Waxaa dhawaan Magaaladda Muqdisho lagu qabtey Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey taasoo ku saabsaneyd Caleemo Saarka ugaas Beesha reer Ow Xasan Ugaas Saalax Shiikh Khallif waxaana ka qaybgaley Caleemo Saarkaas Ugaasyo, Malaaqyo , Nabadoono, Garaadyo ,Xildhibaano iyo Masuuliyiiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Marti Sharaf kale oo lagu Casuumey Caleemo Saarkaas.

Ugu horeyn waxaa halkaa ka hadley Wakiilka Imaamka Malaaq Showri Malaaq Colow oo shjeegey in ay si aad ah u soo dhaweynayaan Caleemo Saarka Ugaaska Reer Ow Xasan , waxaa kale uu sheegey in Beesha mar hore laga rabey in ay yeelato Ugaas hadana Calaamo Saarkaan uu yahay mid wax weyn ku soo kordhinaya Dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed, maadaama beeshu ay tahay beel Nabadeed

Waxaa kale uu Malaaq Showri uu kula dardaarmey Ugaaska Cusub ee Beesha reer Ow Xasan in ka shaqeeyo sidii Somaaliya la isu keeni lahaa maadaama Muddo labaatan sano ay ku jireen Dagaalo aan dhamaad laheyn ,wuxuuna kaloo uu kula dardaarmey in uu La garab galo Xilgaas weyn ee Ugaasnimo ee loo Duubey sidoo kjale wuxuu sheegey in beesha uu ka soo jeedyo ee Mudulood wixii haatan ka dambeeya ay la shaqeyn doonto Ugaas Saalax

Xafladaas waxaa kaloo ka hadley Nabadoon Xooshow oo ka soo jeeda Gobolka Hiraan wuxuuna ugu horeyn u Mahadceliyey intii isku soo dubaridey Xafladda Caleemo saarka Ugaaska Beesha reer Ow Xasan isagoo sheegey in Caleemo Saarka Ugaas uu ku soo beegmey Xili ay umadda Soomaaliyeed u Baahan tahay dib u heshiisiin Guud wuxuuna Ilaah ugu baryey in uu la garab galo Xilgaas Ugaasnimo ee loo unkadey

Intii ay Xafaladu socotey ayaa waxaa Geeraaro iyo Shiribyo ku soo badhigey Cabdulle Geedo Naar waxayna Geeraradiisu iyo Shiribyadiisu ay ahaayeen kuwa isugu jirey Hogo Tusaaleyn iyo dardaaran taasoo ay si aad augu Qushuuceen dadkii lagu marti qaadey Xafladaas , waxaa kaloo halkaas ka hadley Gudoomiyey ku xigeenka Golaha Baarlamanka Cabdiweli Shiikh Ibraahim Muudeey oo u mahadceliyey in gacanta ka geysatey caleemo Saarka ugaaska Beesha Eeer Ow Xasan wuxuu intaa sii raaciyey”Aad baan ugu faraxsanahay in maanta meesha ay yeelato Ugaas waana soo dhaweyneynaa waxaana leeyahay ugaas Cusub ee Beesha in uu isku keeno dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobey labatankii sano ee la soo dhaafey”

Ugu dambeyn waxaa Xafladaas lagu Caleemo Saarayey Ugaas Beesha Reer Ow Xasan ka hadley Ugaaska Cusub Ugaas Saalax Shiikh Khaliif oo u mahadceliyey in Gacanta ka geystey in loo Caleemno Saaro Ugaaska isagoo balan qaadey in uu qaadan doono wixii dardaaran ah ee ay u soo jeediyeen Ugaasyada , Nabadoonada , Imaamyada, Garaadyada iyo Malaaqyada waxaa kale uu sheegey in ka shaqeyn doono sidii Soomaaliyeed u Mideyn lahaa islamarkaana wuxuu Ilaah ugui baryey Umadda Soomaal;iyeed in uu dhibka ka qaado

UgaasSaalax ayaa noqonaya Ugaaskii ugu horeeyey ee ay yeelato Beesha Reer Ow Xasan hadii aan dib u qooraansano Ugaas Saalax wuxuu ku dhashey Degmada Ceel Barde ee Gobolka Bakool Sannadkii 1960 kii wuxuu waxbarashadiisii ee Quraanka ku soo qaatey degaankaas sidoop kale waxbarashadiisii hoose / Dhexe wuxuu ku soo qaatey Degmada Ceel Barde ka dib wuxuu u soo wareegey Magaalada Muqdishu oo uu ku dhameystey Waxbarashadisii Sare , wuxuu ka mid ahaa Xubnhii Aas-Aasey Aala Shiikh oo uu ka ahaa Xubin firfircoon

Ugaas waxaa lagu Xasuustaa ka qayb qaadashada Dib u heshiisiin uu dhex dhigey qaar ka mid Beelaha soomaaliyeed oo dhexmartey Colaado aad u daran , Wuxuuna Ugaas haatan uu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato sidii meel la isugu keeni lahaa Ummadda Soomaaliyeed isagoo ugiu baaqey goobaha ay Colaadaha ka jiraan in ay Colaadaha u badelaan Wadahadal iyo Dib u heshiisiin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Ugaas Saalax Shiikh Khaliif oo la caleemo Saaray "

  1. walaal says:

    Asc wr wb, mida hore salanta iga gudooma Amiin Yussuf Iyo Abdi….. Sida laogyahay Beesha Reer aw Hassan. Ugaas waligeed malaheen. Hadana umanabaahna Ugaas, waayo waa beel nabadeed. ugaas micnhiisa waa hogaamiya kooxeed. Qolada R.O.X waxeey Macruuf kuyahin nabad ilaalinta cidna umaxad gudbaan. Lakin ey madama ey Soomalida uubahantahay dib uheshiisin oo R.O.X ay somalidu kamid yihin waanu soo dhaweyneyna Ugaas Saalax. waxaana leeyahay Ugaaso R.O.X kaliya laguma dooran ee Soomali dhan ayaa udhaxeeysaa Kudaddaal heeshisinta soomalidu. wabilaahi Towfiiq.

  2. Abdimad Ugaas Ibraahim says:

    ASc Amiin walaal waxaad tahay saxafi qoraa qiima badan ku leh umadda Soomaaliyeeddhexdeeda marka ma aha in aadsoo qorto waxan oo kale xafladan iyo caleemagey saarkan wax ka jiraahi majiraan Beesha waligeed ayay lehayd ugaas ibraahim ugaas Sh. C/laahi ugaas Axmed ayaa ugaaska beesha ahaa Allaha u naxariistee wuu geeriyoday waxuuna sooxulay xilibaanada hada beesha ugu jira dowladda hadana waxaa ugaasnimadii la wareegay walaalkiis ugaas maxamed ugaash sh cabdulahi ugaas axmed beesha waligeed ayay taariikh dheer oo sooyaal ah lahayd ugaas ma aha markii ugu horeysay iyo markii xigtay toona marka xaflad beenaad yada meelaha lagu qabanayo haku hungoobin website kanawaa website balaaran oo kawadawayn webabka jira in wax aan jirin lagu soo qorana ma haboona adiga nin taariikhda wax ka og ayaad tahaymarkaAmiin ka wariye ahaan ka taxadar arimahan oo kale. khayr baan idin rajayn bahda somalitalk.