Home » Warar »

Salaad Jenaaso oo Axadii Muqdisho lagula Tukadey Madaxweynihii hore ee DFKMG Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed.

Cabdulaahi Yuusuf oo lagu Aasey Magaaladda Gaalkacyo

Garoonka Gaalkacyo oo loogu Magacdarey Cabdulaahi Yuusuf Airport

Axadii Maarso 25, 2012 aroortii ayaa diyaarad siday Maydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed waxay soo kaca dhigatay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi ku sugayey mas’uuliyiinta ugu sareysa Dowladda Federalka oo ugu horeeyey Madaxweynaha Dowladda Federalka Sheekh Shariif iyo Ra’isul Wasaaraha DFKMG Cali Cali Gaas, Wakiilka Qaramada Soomaaliya Mahiga iyo dadweyne aad u fara badaan.

Madaxweynahii hore ee DFKMG C/llaahi Yuusuf oo dhawaan ku geeriyooday dalka Imraadka Carabta ayaa Garoonka Muqdisho loogu sameeyey Janaaso Qaran, waxaana lagula tukaday Salaaddii Janaasada, waxaana Alle looga baryey in uu u naxariisto isla markaana u dambi dhaafo, hadal kooban ayuu Madaxweyne Shariif ka jeediyey halkaasi wuxuuna ku sheegay in Dowladda Federaalka ay gacan ka gaysatay intii uu xanuunsanaa C/llaahi Yuusuf sidii loola tacaali lahaa.

Halkan ka daawo sawirada

Sheekh Shariif waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay diyaar u tahay in ciddii deyn ku leh ay dowladda bixineyso, waxaana Janaasadaan Qaran hawlwadeeno ka ahaa guddi aas qaran oo dhawaan Ra’isul Wasaaruhu magacabay oo uu hogaaminayey Wasiirka Ganacsiga C/wahaab, waxaana Gaalkacyo u raacay qaybo ka mid ah guddigaasi.

Wararka naga soo gaaraya Gaalkacyo waxay sheegayaan in Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo ay ku sugan yihiin Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo madax kale oo ka tirsan maamulkaasi iyo dadweyne aad u badan kuwaas waxaa goor dhow halkaa gaarey Madaxweynaha Dowladda Federaalka Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Masuuliyiin kale kuwaas oo halkaa geeyey Meydka Madaxweynhii hore Cabdulaahi Yuusuf oo Goor dhow lagu aaseyMagaaladda Gaalkacayo.

Madaxweynaha DFKMG Shiikh Shariif oo halkaa ka Hadley ayaa sheegey in Cabulaahi Yuusuf uusan ka dhiman Puntland ee uu ka dhintey Qaranka Soomaaliyeed isagoo halkaa kaga dhawaaqey in Garoonka Gaalkacayo loogu magacdarey Cabdulaahi Yuusuf wuxuuna Mdaxweyanaha uu ka codsadey in la cafio Marxuum Cabdulaahi Yuusuf

Waxa kaloo halkaa ka Hadley Madaxweyanah Puntland cabdiraxmaan faroole oo yiri” Waxaan oo maamuus ah wax ajar ah kama helayo Cabdulaahi Yuusuf balse waxay astaan u tahay in loo aaso heer Qaran oo Caalami ah marka waxaan u soo jeedinaya Shacabka Puntland in ay samraan islamrkaana u Duceeyaan Cabdulaahi yuusuf in uu Ilaah u Naxariisto

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.