Home » Warar »

Shirkii Xornima-Doonka Soomaaliyeed oo kusoo gabagaboobay Koonfur Afrika

Shirweynahii jaaliyada Somalida Ogadenia ee South Africa uga socday Port Elizabeth, kana soo qaybgaleen Boqolaal qof ooy kujiraan haayadaha xuquuqul insaanka ayaa jawi caadifad iyo cadho Ethiopia loo qabo kusoo gabgaboobay.

Shirkan oo ah mid ay Jaaliyada Somalida Ogadenia sanad walba ku qabato Xorunta Jaaliyada oo Ku taala magaala Madaxda Gobalka Eastern Cape ee Port Elisabeth ayaa furmay maalintii Khamiista wuxuuna socday ilaa maqribnimadii axada . Shirka waxaa soo buuxdhaafiyay Boqolaal qof oo isugu jira Rag, Dumar iyo Caruur u dhalatay Dalka uu Gumaysiga Ethiopia haysto ee Ogadenia. Dadkan Somalida Ogadenia oo ay Caadifad iyo Ca’dho ay Gumaysiga Ethiopia U qabaan wajiyadooda ka muuqatay ayaa kakala yimid Magaalooyinka Cape Town , Johanessburg, Pretorea. Durban, East London, Queenstown iyo guud aahaan Magaalooyinka ku teedsan Gobalkan Martida looyahay ee Eastern Cape.

Halkan ka daawo Sawirada Shirka K/Afrika

Sidoo kale Shirka waxaa ka soo qaybgalay Saraakiil Ka socotay Haayadaha Refugee Rights Centre: oo hoos tagta Jaamacada Nelson Mandela University , South African National Civic Organisations (SANCO) , Sarkaal ka socday Xafiiska Duqa Magaalada iyo Mr. WZ Kelani oo ah Siyaasi rug Cadaa ah oo aad looga tixgaliyo Dalkan South Africa Una ololaleeya Madax banaanida Somalida Ogadenia. Dhamaan Saraakiishan Ayaa carabka ku dhuftay in la dhowro xuquuqada dadka qaxootiga ah lagana wadashaqeeyo sidii taas loo hirgalin lahaa.

Mar uu hadlayay Mr. David oo ahaa Sarkaalka ka socday Xarunta xuquuqda qaxootiga ee Jaamacada Nelson Mandela ayuu sheegay in qofka qaxootiga ah yahay qof kulan saday 3 arimood, 1-Qof wadankiisii uga soo cararay Dhibaato ka jirta darteed ooy naftiisu halis galayso haduu ku noqdo ,2- qof dalkiisa ka jiro dagaal hubaysan (Armed Conflict) iyo ugu danbayn qof dalkiisa ku habsatay Masiibo (Natural Dissaster) Wuxuuna masuulku xusay in Dadka Somalida Ogadenia iyo kuwa Somalia ka yimid ba ay yihiin Qaxooti rasmi ah ayna xaq u leeyihiin inay wadankan ugu noolaadaan si xoriyad ah wuxuuna ka codsaday Madaxda Jaaliyada Somalida Ogadenia inay wada shaqayn buuxda dhexmarto iyaga iyo haayadaha qaabilsan arimaha qaxootiga iyo kuwa dawlada South Africa.

Mr. WZ Kelani oo ah Siyaasi rug’cadaa ah una ollaleeya qadiyada Somalida Ogadenia Ayaa hadalkiisa ku bilaabay Amaanda Ogadenia oo ah halkudhag ay isticmaalaan dadka u soo halgamay Xoriyada Dalkan South Africa sida ururka ANC Macnihiisuna yahay Ogadenia Hanoolaato wuxuuna ka codsaday dadkii goobta yimid inay u jiibiyaan ooy ka daba dhahaan Aweetu oo ah ha noolaato Waxanaa hal mar isla shanqadhay Hall kii Shirka kadib markay Boqolaal qof ka daba dheheen Aweetu . Waxaa isu ekaa halku’dhaga Halganka ANC iyo Midka ONLF taas ayaana fududaysay inay Somalida ogadenia durba la qabsadaan halku’dhag Halgameedka Walaalahooda South Africa.

Dar’daarran Kadib in la wada shaqeeyo waxaa la fasaxay Martidii ka Socotay Haayadaha Dalka South Africa Waxanaana goobta isugu soo hadhay Boqolaal Somalida Ogadenia ah oo oo sidaan horay u sheegay wajiyadooda ka muuqatay Ca’dho iyo Caadifad ay u qabaan Gumaysiga Ethiopia oo baryahan danbe Xasuuq iyo xidhxidh hor leh ka wada Gudaha Ogadenia , Boqolaal kan qof ayaa ku labisnaa dhar lagu Sharaxay Calanka Ogadenia raga ayaa ka dulqabay labiskooda Funaanado ku sharaxan Calanka Ogadenia kuna qoranyihiin halku’dhagyo halgameed oo Gumaysiga ka Ethiopia ka dhan ah Gobanima doonka ONLF na garab siinaya . Dumarka Somalida Ogadenia oo Sida Dumarka Soomaliyeed guud ahaanba Eebe weyne ku manaystay Qurux hiddaha ah Ayaad moodaysay inuu sii qurxiyay Calanka Ogadenia oo uusan ka madh’nayn Midka Somalia kagana jira dhexda watana Xidigtii 5ta gees lahayd oo taagan 5 ta Somaaliyeed Sida aad ka dheehan doontaan Sawiradan waxay indhahaygu qabanayeen Gabdho aad moodo in ay ka qayb galayaan tartanka quruxda Somaliweyn kuna labisan dhar lagu sharaxay Calanka Ogadenia waxay sidoo kale Wateen Calanka Ogadenia iyo astaamo muujinaya Halganka Somalida Ogadenia ugu jirto xoraynta Dhulka Somalida Ogadenia ee ay Ethiopia Gumaysato.

Waxaa lagu soo dhaweeyay hogaanka Jaaliyada Somalida Ogadenia ee South Africa (JOKA) u qaabilsan xidhiidha ka Didlamaasiyada wuxuna ka warbixiyey wixii uga qabsoomay arimaha siyaasada ee wadankan koonfur afrika wuxu aad uqeexay dacawad Ethiopa ka dhan ah oo jaaliyada Somalida Ogadenia ee Koonfur Africa u gudbisay Qaadiga sare ee maxakamada South Africa , Madaxa laanta danbi baadhista , Taliyaha Police ka South Africa iyo wakiilka maxkamada Aduunka ee Hague u fadhiya dalkan South Africa .

Dacwadan oo la gudbiyay ayaa Ethiopia ku abuurtay Khal’hkal ayna filanaynin waxayna keentay inay Ethiopia noqoto hal gowracan geed kama gudo waxaana la xasuustaa in Ethiopia 12 -02-2012 Xasyuuq hor’leh ka gaysatay Dagmada Gunagado ee Gobalka Dhagaxbuur iyadoo muda 2 asbuuc gudahood ah ku dishay shacab kor udhaafaya 35 qof. Sidoo kalana xidhxidhay Ugaasyo iyo salaadiin magac weyn kuleh Bulshada Ogadenia oo uu ka mid yahay Ugaaska Gobalka Qoraxey Ugaas Maxamed Duulane Ugaas Xaashi oo ilaa haatan Xabsiga kujira waxaa intaas garabsocda Taalaabooyin ka baxsan anshaxa Bini aadnimada ooy Ciidamada Ethiopia kula kacayaan Gabadhaha qaaliga ah ee Soomaaliyeed iyagoo 13 Bishan Maarso ku kufsaday 16 gabdhood dagmada Lagahida ee Gobalka Nogob Waxayna Arintaas sii xoojisay dacwadii Ethiopia ka dhan ka ahayd iyadooy 26kii Febaraayo Shir jaaraa’id isugu yimaadeen in ka badan 7da haayadood oo xuquuqul insaanka u dhaqdhaqaaqa iyo Boqolaal Soomaali ah Magalada CapeTown waxaana hoosta laga xariiqay in Gumaadka Qarsoon eey Ethiopia ka wada Ogadenia aan la aqbali Karin waxaana ilaa haatan socda Shirrar lagaga arinsanayo qadiyada Ogadenia oo dhexmaraya Somalida u dhalatay Ogadenia iyo haaydaha kala duwan ee Dalkan South Africa.

Si kastaba ahaatee Jaaliyada Somalida Ogadenia Dalka South Africa ayaa Muujisisay awood quusinaysa Gumaysiga Ethiopia oo todobaadyadii la soo dhaafay lacagga baad ah ka qaadayay qaarka mid ah xawaaladaha Somalida ee kuyaala Dalka ingriiska Kadib markay saafarada Ethiopia ee London qabatay waxay ugu yeedhay lacag loo uruurinayo biya xidheen kuyaala galbeedka Ethiopia , waxaana sida la xasuusto mudaharaad kala hortagay boqolaal u dhalatay Somalida Ogadenia hadaba Su’ashaa in la is waydiiyo mudan waxay tahay Cadowgii Somaliyeed aa haatan mar 2aad kusoo duullay dalka Somalia oon la socono in Ciidamada Ethiopia ay xasuuq ka wadaan Gudaha jamuuriyada Somalia ma ONLF iyo dadweynaha Ogadenia kaliya ayaa in lagu daayo tahay la dagaalanka Cadowga Somaliyeed maxayse Somalidu uga aamusan tahay Halganka ka Socda Ogadenia ?

Halkan ka daawo Sawirada Shirka K/Afrika

Maxamed Xaaji , Nelson Mandela Bay/ Port Elizabeth, South Africa .

Saxafi2009@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Shirkii Xornima-Doonka Soomaaliyeed oo kusoo gabagaboobay Koonfur Afrika "

  1. Mashaa allaah walaaha Soomalida Ogaadeenya waa lafdhabarta Gobanimadoonka Somaliyeed Ilaahay ha ku dulqaado Gumaysiga Somalia na ha noolaato Ogadenia ha Xorowdo.