Home » Warar »

Isbaheysiga Dhismaha Dekedda Lamu iyo Baraarug La’aanta Wadamada Islaamka ee Bariga Afrika

Hogaamiyayaasha Dowladaha Kenya, Koofurta Suudaan iyo Itoobiya oo dhawaan Xarigga ka jaray Mashruuc ballaaran oo lagu furayo Dekad Cusub oo laga dhoofiyo Shidaalka laga soo saaro Dowladda Cusub ee Koonfurta Suudaan.

Dekaddan Cusub oo laga furayo magaalada Laamuu ee dhacda Xeebta Badweynta Hindiya ayaa waxaa looga kaaftoomi doonaa Tubbooyinka Gaaska qaada ee hadda Dowladda Cusub ee Koonfurta Suudaan ay u adeegsato inay Shidaalkeeda dibadda ugu iibgeyso, iyadoo tubooyinkaasi ay gacanta ku heyso Xukuumadda Khartuum ee uu hogaamiyo Cumar Xasan Al-Bashiir.

“Dekaddan waxaa looga maarmi doonaa in dadka Reer Koonfurta Suudaan ay weligood ku Xirnaadaan Dowladda Suudaan ee Waqooyiga ka dhisan” ayuu yiri Salfa Kiir oo ah Hogaamiyaha Koonfurta Suudaan oo dhawaan loo aqoonsaday Dal Madax banaan oo Qaaradda Afrika ka tirsan.

Mashruucan Dekadda lagu dhisayo ee ay iska kaashanayaan Dowladaha Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Itoobiya waxaa sidoo kale bar bar socda Mashaariic kale oo lagu dhisayo Waddo ay Tareenadu isticmaalaan oo isku xirta Seddexda Dowladood iyo Warshad Shidaalka Ceyriin Sifeysa oo laga hirgelinayo Dekedda Jasiiradda Laamuu.

Madaxweynaha Dalka Kenya Mowai Kebiki oo ka hadlayay Munaasabaddii Xarigga looga jarayay Mashaariicdaasi ayaa waxa uu sheegay in Ujeedka ugu weyn ee Mashaariicdani Cusub looga gol-leeyahay uu yahay sidii Wadamada ku yaalla Bariga Qaaradda Afrika Ganacsigooda loogu xiri lahaa Suuqyada Caalamiga ah.

Inkabadan 24.5 Bilyan oo dollar ayaa ku baxeysa hirgelinta Mashaariicdani, iyadoona ay gacan ka geysanayaan hirgelintooda Dowladaha loogu yeero Deeq bixiyaasha, iyo Bangiyo Caalami ah oo magacooda aan si rasmi ah loo shaacin sida ay sheegeen warbaahintu.

Dhinaca Siyaasadda marka laga eegana hirgelinta Mashaariicdani ee ay iska kaashanayaan Kenya, Itoobiya iyo Dowladda Cusub ee Koonfurta Suudaan ayaa waxa uu u muuqanaya isku day cusub oo Isbaheysi dhaqaale ay ku sameysanayaan Dowladaha Kirishtaanka ee dhaca Bariga Qaaradda Afrika, ka dib markii ay istusiyeen in dhaqaale badan ay helaan dalalka Islaamka ee ku yaalla Geeska Afrika sida Waqqoyiga Suudaan, Jabuuti iyo Soomaaliya waayo Dowladda Itoobiya waxay wax kala soo degtaa Dekedahas Dalka Jabuuti oo la sheegey in dalka Jabuuti uu dhaqaale badan ka helo.

Waxa sidoo kale Dalka Itoobiya marka qaar ay wax kala Soo degtaa Dekeda Berbera , waxaa kaloo koonfurta Suudaan iyana dhaqaale ku bixisaa Dekedaha Waqooyiga Suudaan iyadoo Dalka Ereteriya oo qaar ka mid ah wadamada Geeska Afrika dhinac isaga riixeen ayaa dadka u kuurgala arrimahan ay sheegayaan in laga yaabo mar dambe ay ku soo biirto isbaheysiga Kirishtaanka ee ka abuurmaya Geeska Afrika.

Dowlada Kirishtaanka oo la sheegey in si taxadar leh u watey Howlahooda ayaa moodaa in Isgaanshaanbuureysiga ay ku dhaliyeen qaar ka mid ah wadamada Galbeedka oo doonaya in ay ku dulmacaashaan wadamadaas isla markaana ay geliyaan Dabka ay manta ku jiraan, sidaa darteed maxaa la gudboon Islaamka ee ka jira Geeska Afrika oo iyagu aan ku jirin Baraaruga ka dhex jira wadamada Kiirishtaan, kuwaas oo lagu mushquulliyey Dagaalo iyo weliba geedka Qaadka oo kharash badan ay ka helaan wadamada Itoobiya iyo Kenya.

Ayadoo taasi ay jirto ayaa qaar ka mid dadka Islaamka ee ku nool Geeska Afrika waxay wadaan Barnaamijyo ay dad ku wacyigelinyaan oo ah in gebi ahanba ay joojiyaan Cunista Qaadka oo aan wax faaiido ah ugu jirin khasaaro mooye.

Sidoo kale dadka Soomaaliyeed ayaa looga baahan yahay in ay fadhiga ka kacaan waayo waxaa markiiba Boob lagu hayaa Dhulkii Soomaaliya iyo weliba dhinaca Badda waxaana taas ka garan kartaa sida ay dhul baaxad leh u soo galeen oo ay Soomaali leedahay wadamada Kenya iyo Itoobiya iyadoo la Adeegsanayo Magacyo been iyo Oraahdii ahayd ( QAYBI OO XUKUN ).

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: , ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Isbaheysiga Dhismaha Dekedda Lamu iyo Baraarug La’aanta Wadamada Islaamka ee Bariga Afrika "

  1. Musu says:

    Asc!
    Ilaahay haka ajarsiiyo qoraaga/ qoreyaasha maqaalkan , waxay tooshka ku ifiyeen habacsanaanta iyo wax ma garadnimada nimanka kaligood taliyayaasha ah
    Ee ka taliya geeska Afrika. Gaar ahaan kuwa muslimska isku sheega ee tareenkii siyaasada uu ka tagay, dadkooda dalkooda iyo diintooda siisanaya kursiga madaxtimo ee ay ku fadhiyaan. Waxan rabaa iyana inaan diirada saaro halka ay culimadii soomaaliyeed maanta marayaan iyo sida ay uga qaybqaadanayaan hawshan iyada ah ee wadamadan maqaalkan ku xusan ku dhunsadeen xaquuqdii, dhaqaalihii iyo waliba dhulkii musliminta. Waxan safar kusii maray kulaylihii ina soo dhaafay magaalada jigjiga ee gayiga la gumaysto ee soomaaliyeed anigoo u sii socda soomaaliya waxii iigu yaabka badnaa waxay ahayd in magaaladaa iyada ah ay ku sugnaayeen culimo aad utiro badan oo kakala timid soomaaliya daafaheeda markaa iyada ah kaqayb qaadanayay muctamar islaami ah oo magaalada lagu qabanayay. Maadaama aan culimada qaar badan oo kamida garanayay nooguna imaan jireen wadamada reer galbeedka ayaga oo lacag dadka kaga aruursan jiray inay dagaal jihaad ah kula jiraan Itoobiya ayay ila noqon wayday inaan nimankan meesha ku arko. Hadal iyo gabagabadii nimankan oo si aad ah u lebisan ayaa amaan aan la soo koobi karin iyo bogaadin ka badbadin ah u soo jeedinayay nimanka maasha xukomo iyo xukumada itoobiya. Waxayaabaha iga yaabiyay ayaa ahaa in iyagana waxaa lagu lahaa dhaqan celin ayaa lagu samaynayaa iyaguna waxay lahaayeen raaca dawlada itoobiya. Culimada soomaaliyeed waxan kula talin lahaa in ayna kaqayqaadanin biliqaysiga umadaha islaamka ah ee bariga Afrika.

  2. warsame says:

    Waxay ilatahay arintu diin maha isbahaysigu ee waa arin ka muhiim san diinta oo ah dhaqaale raadin. hadaba yaa wada dhaqaalo raadinta? waxaa wada gumaystaha reer galbeedka ee ku naaxa khayraadka qaarada afrika dhacidiisa. Cadaanka reer galbeedka ah ee jecel gumyatanimada iyo boobka khayraadka noocyada kale ee adamaha ilaahay siiyay oo dhigay dhulkooda sida afrika iyo asia.

    Gumaystaha reer galbeedka ama cadaanku ma jecla inay arkaan cid iyaga aan ahayn oo haysata nolol fiican, dhul leh khayraad. waxaad ogtihiin taariikhda in ay 1600-1960kii ay afrika dhulkooda xoog ku haysteen dadkan xasuuqeen hantidii dhulkana dheceen,meelha qaarkoodna ay haystaan wali oo aysan ka bixin sida south africa iyo jabuuti oo wali ay dagan yihiin ilaa waagaas ilaa hada.

    Dhanka kale waxaad aragtaan in dadkii indianka ahaa ee lahaa dhulka america in laga qaaday oo la xasuuqay la tirtiray oo raadkoodii inyari kasii muuqato dhulkoodiina cadaanku ama reer galbeedku qaateen. waxaad ogtihiin in afrika laga soo qafaalan jiray dhulkooda oo lagu adoon san jiray amerika oo beeraha iyo dhulka lagu dhisi jiray.

    Hadaba hada qaarada afrika ayay faraba an ku hayaan oo ay awal u haysteen kayd ahaan taasoo shiine ku soo baxay iyo india oo ay afrika soo galeen rabaana inay lasamaystaan ganaacsi iyo wax wada qabsi taasoo dan wayn u ah iyo fursad qaarada afrika ee la guumaysto.

    Gumaystaha cadaanka ee adaamaha gumaadaa waxa uu kala qaybsada qaarada afrika dalka suudaan oo xiriir lasamaystay shiinaha reer galbeed meel ay umaraan bay waayeen madaama shiinuhu ilaa shanayo danihiisa uu kaleeyahay afrika. reer galbeed waxa uu ku guulaystay in ay suudaan kala qaybiyaan ayaga oo aan kala jeclayn suudaan dad ahaan iyo dhul ahaanba balse sameeyay dawlad ka madax banaan suudaan oo juba layiraahdo waana dadkii suudaanaska ahaa uun sababtuna waa shidaalkaa larabaa. hadaba maadaama kenya aytahay wadan si dadban cadaanku u haystaan gaar ahaan ingiriis ayaa dakadan laamo loo qorsheeyay in laga dhoofiyo shidaalkaas cadaanku dhoofsanayo. dawlada kenaya waa lamaamulanayaa wax socdana waxba kama oga. dalka eithiopia waxa loo adeegsanayaa in uu qayb ka ahaado ilaalinta tuubooyinka shidaalka iyo wadada tareenka si mustaqbalkana loogu soo xiro tuubadaan midkale oo ka imaanaysa dhulka soomaali galbeed oo la rabo in shidaalka looga soo saaro aayaha dhaw.

    Dhanka kale dawlada juba iyo kenya iyo eithiopia maha dad gaal nimadoodu hada bilaabatay hadii gaalnimo lagu walaashanayo oo diin loogu naxayo imasaa afrika gaalo ah dawlado badan ayaa gaalo ah hadana cadaanka gaalada ah ee reer galbeedku hal iskula uma dhisin hal beera uma falin hal isbitaala uma dhisin waxna maysan barin markaa gaalnimo waxba layskuma siiyo taa ka qanca.

    hadaba lama ogola in dalalkaan afrikaanka ahi ay isfahmaan waxna wada qabsadaan wax wayn bay ahaan lahayd hadii juba iyo kenya iyo eithiopia iyo ugandha ay wax wada qabsadaan oo walaaloobaan oo dhaqaalaha is dhaafsadaan oo wada tashadaan wax wayn bay ahaan lahayd iyo hormar afrika gaartay. meeahaan waxa qorsha wataa waa reer galbeed dhacaya afrika oo kala qoqobaya oo isku diraya nina uma ogola hormar yar iyo nolal toona.

    Dhanka kale soomaaliya shidaalkii bay soo saarayaan hada puntland bay ka soo saarayaan waxayna soomaalida ku jahawareeriyeen dagaalo sokeeye iyo ururo ay leeyihiin sida alshabaab iyo burcad badeed ayagu aysameeyeen si ay dalka usoo galaan u qasaan. soomaalida waxay u qorsheeyeen fadaraal baa tihiin macnaha oo dhami waa puntland shidaalka iyadaan kala hadlaynaa cidkale oo soomaaliyeed kama hadli karto weeye. waa gobol gobol iyo beel beel in laysu qaybiyay oo ninba geed lagu xiray oo uusan walaalkii u gurman karin dhan siyaaso iyo dhan difaacba.

    Shidaalka soomaaliya waxaa loosamaystay fadaraal oo ah qaybi oo xukun dabadeedna shidaalka qaado muraadkiisa dhan waa shidaalkaa waxaana qasbaya shinaha oo cabsi xoogan laga qabo.

    afrikada madoow waa lagumaysanayaa xora maha waxaad arkaysaan in reer yurub isu tagayaan oo is gaashaan buuraysanayaan oo midoobayaan laakiin u fiirsada afrika lama ogola inay isu timaado oo is fahanto ninba geedbaa lagu xiray xataa suudaan oo ah hal dad iyo dal ayaa lakala jarayaa si loo isticmaalo khayraadkooda.

    Reer galbeed laba waji buu ku socdaa reer yurub oo waji ah iyo maraykan oo waji ah laakiin waa hal dan oo mid ah. hadana waxay kuugu soo gabanayaan dawlad dawlad sida ingiriis,faransiis.talyaani,jarmal laakiin waxuba waa hal dan iyo hal xafiis dantuna waa in afrika la dhaco oo lagumeeysto oo lagala dagaalamo aqoonta iyo wax soosaarka si ay baahi ugu jiraan waligood oo loo guumaysto.

    Ujeedadaydu waxa weeye afrika waxaa hada laga hortaagan yahay shiinaha iyo hindiya oo lagu haysto maxaad u hormarinaysaan afrika waayo khayraadkeedu waa kaydkii aayaha caruurta reer galbeed. meesha diini ma taalo ninka reer galbeedna diin ma aaminsana dhab ahaan waloow ay sheegtaan kiristaan laakiin dhab ahaan maha diin waxay qiimeeyaan oo rabaan waxay rabaan waa aduun waa maal tanaa diin u ah.

    Hadaba soomaaliya shiidaalka ugu badan inta shiidaal caalamkaan laga helay oo la sahamiyay ayaa ku jira waana dalka caalamku uugu qanisan gaalo waa ogaayeen waligoodba laakiin kaydbay u haysteen waligoodba. hadana waysoo saarayaan waana ku qasbanyihiin madama rag kale oo soosaarayaa ku gaafwareegayaan soomaaliya.

    Soomaalidu ha is dajiso hubka hayska dhigaan ha ufiirsadaan siday khayraadkooda ugula xisaabtami lahaayeen caalamka hana ogaadeen inay soomaalidu yihiin dadka caalamka uugu qanisan. reer galbeed isagaa inoo baahan maanta waxaa diyaar inoo ah shiine iyo ruursh looma baahna reer galbeed waa in aynu xisaabtanaa dalka inagaa leh waa inaan diidnaa in soomaali lakala qoqobo waa inaan diidnaa fadaraal oo ah nidaam reer galbeed ku dhacayo shidaalkeena hadan laynaga dhigayo sidii dad cadawad wayn isu qaba oo kala jinsiyad ah oo kala diin ah oo aan heshiinkarin balwaxa laynaga dhaadhicinayo walaalayaaloow daya, siku diin ayaynunahay isku diir ayaynu nahay isku dad ayaynunahay isku dal ayaynu nahay isku af ayaynu nahay isku isir ayaynu nahay isku ab iyo awoowe ayaynu nahay markaasaa xoogaagii qabiilka ahaa oo aynu ceelasha ku dagaalami jiray laga dhigayaa inta la buun buuniyay cadaw wayn taasoo aanaan marnaba aqbali karin waxanu leenahay soomaali waa hal shalay ayaa baarliin nalagu qaybiyay maantana intii hartay sii kala qaybi diidnay garanay oo fahanay