Home » Warar »

Jamaacada Al- Ictizaam oo qodobo Muhiim ah kasoo saaray Xaalada wadanka Soomaaliya

Shir uga socday Jamaacada Al-ictizaam shantii bari ee lasoo dhaafay magaalada Hargaysa ayaa maanta soo gabagaboobay. Kulankan ayaa lagu qabtay Hotel-ka Ambassadoor ee caanka ka ah Hargaysa. Bayaanka kasoo baxay shirka ayaa ka kooban 20 qodob oo ka hadlaya arimo kala duwan, waxaa ka mid ah; in ummada Soomaaliyeed illaahay u noqoto, heshiiso, danaheedana garato, in magaca diinta aan ummada lagu dhibaatayn, waxaa lagu xusay baaqa Xarakada Al-Shabaab iyo Ahlu Sunnah, labadoodana loogu baaqay inay joojiyaan hagardaamada magaca diinta ay ku gaysanayaan, iyo inay ummadoodana usoo noqdaan. Sidoo kale waxaa baaq loo diray hogaanka ummada Soomaaliyeed mid siyaasadeed iyo mid dhaqanba. Waxaa Dumarka Soomaaliyeed loogu baaqay inay ubadka tarbiyada islaamka ku tarbiyeeyaan, kana fogaadaan in iyaga iyo Diinta Islaamka lakala dhexgalo. Sidoo kale waxaa lagu xusay Ciidamada jooga Soomaaliya inay u joogaan danaha Dowladahooda iyo kuwa wadammada waawayn, ummada looga baahan yahay inay u midooban sidii meesha looga saari lahaa waxyaabaha loogu soo gabanayo. Ugu danbayntii waxaa loo mahad celiyey wadamada Soomaaliya usoo gurmaday oo wax taray, waxaana loogu baaqay wadammada Islaamka inaysan arinta Soomaaliya faraha ka laaban cidna marti ugu noqon ee xal u ehilda mushkilada Soomaaliya qaybtooda ka qaataan.

 

Bayaanka oo pdf ah halkaan ka akhriso

Idaacada Codka Maraykanka oo Culimmada Waraysatay Dhagayso

بســم الله الرحمــن الرحيــم

Bayaanka Gabagabada Shirweynaha Jamaacada Al-Ictisaam Bil-kitaab Wassunnah                    26/02/2012

 

الحمد لله رب العالمين، والصلاة والسلام على نبينا محمد وعلى آله وأصحابه.

Hordhac

Shirweynaha Jamaacada Al-Ictisaam Bil-kitaabi Wassunnah oo ka dhacay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland intii u dhaxeysay30/03-04/04 1433H oo ku beegan 22-26/02 2012, wuxuu ku soo beegmay waqti ay ummadda Soomaaliyeed haystaan dhibaatooyin farabadan oo leh kuwo gudaha ah iyo kuwo dibadda kaga yimid. Jamaacadu iyada oo gudanaysa xilka ka saaran caddeynta xaqqa iyo ilaalinta danaha ummadda waxay soo saartay bayaan ka kooban 20 qodob.

Mahadnaq & Bogaadin

1)  Ugu horreyn Allaa mahad oo dhan iska leh, kadibna waxaan u mahad celineynaa dowladda iyo shacabka Somaliland gaar ahaan maamulka culimada iyo madax-dhaqameedka, annagoo uga mahadcelinayna soo dhoweynta, martigelinta iyo hab maamuuska ay nagula dhaqmeen intii uu socday shirweynaha jamaacadu. Waxaa kale oo aan ku bogaadineynaa Somaliland waxqabadka iyo horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay, anngoo ku dhiirrigalinayna inay dadaalkaas sii labanlaabaan, uguna baaqayna inay ka qaybqaataan xallinta mashaakilka heysta walaalahooda Soomaaliyeed.

Ummadda Soomaaliyeed

2)  Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu baaqeynaa inay Ilaahay u towbad keenaan, kuna midoobaan islaamnimada ay ku walaaloobeen, ayna bartaan, kuna dhaqmaan shareecada Islaamka ee ay wada rumaysan yihiin, taas oo keenaysa inay isu naxariistaan, isuna turaan, mashaakilkoodana ku xalliyaan.

3)  Waxaan ummadda kula dardaarmeynaa inay  ku fara adeygaan madaxbannaanidooda, ayna ogaadaan in xaaladda lagu jiro ay ku timid waxaan gacmeheenna ku kasbannay oo khilaafka iyo loollanka daakhiligu ugu horreeyo.

4)  Waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo dhiigga ku daadanaya dagaallada sokeeye ee xambaarsan magaca qabiil, magaca diineed iyo kuwa siyaasadeed ama danaysi, wixii khilaaf ahna lagu xalliyo wada hadal, is-af garad iyo isu tanaasul.

Hoggaanka Ummadda

5)  Waxaan ugu baaqeynaa madaxda maamullada, in ay Ilaahay uga baqaan mas’uuliyadda shacabka ee ay dusha u riteen, ilaaliyaanna diinta iyo danaha dadkooda.

6)  Waxaan ugu baaqeynaa culimaa’uddiinka Soomaaliyeed inay waajibka saaran u gutaan si Alle ka cabsi leh, kana soo baxaan kaalinta kaga aaddan ilaalinta diinta iyo danta ummadda, kulan deg-deg ahna isugu yimaadaan si ay uga wada hadlaan xallinta mushkiladda dalka ka taagan.

7)  Culimada iyo ducaadda waxaan ugu baaqeynaa sixidda iyo toosinta geeddi-socodka dacwada iyo sidii da’ yarta loogu barbaarin lahaa, fahamkii toosnaa ee As-salafus-saalix

8)  Waxaan madax dhaqameedka ummaddeenna ugu baaqeynaa inay xilkooda u gutaan si Alle ka cabsi, hufnaan iyo daacadnimo ku jirto, una weel qaadaan islaaxinta bulshada.

U Adeegayaasha Bulshada

9)  Waxaan usoo jeedineynaa cid kasta oo adeeg u heysa ummadda sida warbaahinta, hay’adaha waxbarashada iwm inay bulshada ugu adeegaan si waafaqsan shareecada Islaamka.

Dumarka

10)              Waxaan ugu baaqaynaa dumarka soomaaliyeed inay gutaan kaalinta ay bulshada ku leeyihiin, xil adagna iska saaraan ku barbaarinta ubadka akhlaaqda iyo anshaxa Islaamiga ah, ayna dhowrtaan diintooda, dhaqankooda iyo xishoodkooda, annagoo uga digeyna shirqoollada maldahan ee xambaarsan magaca xoriyadda iyo xuquuqda haweenka ee loogu kala been-sheegayo ayaga iyo diinta Islaamka.

 Afkaaraha Qalloocan

11)              Waxaan ugu baaqeynaa ururka la baxay Ahlusunna waljameeca ee uga faa’iideysanaya colaadda u dhexeysa iyaga iyo Al-shabaab inay kula diriraan wixii aragtidooda khilaafsan, oo xiraya goobaha dacwada Islaamka laga fidiyo sida masaajidda, dugsiyada Qur’aanka iyo macallimiintii dhigayay, inay colaaddaas ka waantoobaan si looga baaqsado fitno iyo dagaal diimeed oo sii baaha.

12)              Waxaan ugu baaqaynaa ururka Al-shabaab ee magaca diimeed muslimiinta ku laynaya, inay Ilaahay u towbad keenaan, dadkoodana u soo noqdaan, kana waantoobaan ku madax-adayga afkaarta qalloocan iyo hagardaamaynta dadkooda, taas oo keentay in ummaddu kala fogaato, cadowguna ka dhex faa’iideysto.

13)              Waxaan ugu baaqaynaa maamullada Soomaaliyeed inay cafis guud u fidiyaan ciddii ka soo noqonaysa kooxahaas, ayna dadweynahooda la kaashadaan sidii dadkaas loogu heli lahaa nabadgalyo iyo nolol si ay towbada ugu dhiirradaan, kalsoonina u helaan.

14)              Dadweynaha gaar ahaan dhallinyarada waxaan uga digeynaa inay ku kadsoomaan afkaarta qalloocan ee magaca diimeed huwan ee muslimiinta lagu bidceynayo, lagu gaalaysiinayo, laguna banneysanayo naftooda, maalkooda iyo sharaftooda, ayna ka hortagaan khalkhalinta amniga iyo xasuuqa haldoorka bulshada ee kooxahaasi wadaan.

Faragalinta Shisheeye

15)              Waxaan ugu baaqeynaa dowladaha caalamka ee ku lugta leh arrimaha Soomaaliya inay ka digtoonaadaan danaha gaar ahaaneed ee lagu waxyeelleynayo Diinta, madax-bannaanida, jiritaanka iyo aayaha dhaqan-dhaqaale ee ummadda Soomaaliyeed.

16)              Waxaan u sheegeynaa shacabka Soomaaliyeed in dowladaha ciidamadoodu ku jiraan dalka ay u yimaadeen danahooda iyo danaha dowladaha waaweyn, ummaddana looga baahan yahay inay u midoobaan xallinta mashaakilaadka dhexdooda yaal ee loogu soo gabbanayo.

17)              Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha dalka ku soo galay magaca samafal ee  la ogaaday in qaarkood ay ku howlan yihiin waxyaalo kasoo horjeeda diinta, dhaqanka iyo anshaxa suubban ee dadka Soomaaliyeed inay ka waantoobaan arrimahaas.

Dowladaha Islaamka & Jaaliyaadka Soomaaliyeed

18)              Waxaan ugu baaqaynaa dawaladaha Islaamka, inaysan gacmaha ka laaban, martina ka noqon, dadaalka loogu jiro xal u helidda mushkilada Soomaaliyeed, annagoo si gaar ahaaneed ugu mahadnaqeyna dowladaha khaliijka, Masar, Suudaan iyo Turkiga gurmadka dheeraadka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed.

19)              Waxaan u mahad celineynaa dowladaha Islaamka, sama-kataliska caalamka iyo cid walba oo usoo gurmatay shacabka Soomaaliyeed mar hore iyo haddaba.

20)              Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa jaaliyaadka Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool, kaalinta waxtar iyo taakuleyn ee ay la garab-taagan yihiin dadkooda Soomaaliyeed, annagoo ku dhiirri galineyna inay labanlaabaan dadaalkoodaas, ilaashadaanna diintooda, dhaqankooda iyo ubadkooda, xasuusineynana inay u maqan yihiin dalkooda iyo dadkooda.

Gunaanad

Waxaan Ilaahay weydiisaneynaa in uu ummaddeenna ka dulqaado dhibaatooyinka una sahlo wixii ay ku jirto maslaxaddooda adduun iyo aakhiro.

 واللــــه ولي التوفيـــــــق

Waxaa kasoo qeyb galay culimadii dalka u waaweyneyd sida:-

1) Sh. Cali Warsame
2) Sh. C/Qaadir Nuur Faarax
3) Sh. Bashiir Axmed Salaad
4) Sh. Yuusuf Aadam
5) Sh. Amxed Maxamed Sulaymaan
6) Sh. C/Waaxid Xaashi
7) Sh. Axmed C/Samad
8) Sh. Maxamed Ibraahim
9) Sh. Maxamed Shaafici
10 )Sh.  Dr. C/Risaaq Maxamuud Takar

iyo culimo kale oo badan oo dalal kala geddisan ka kala yimid.

Bayaanka oo pdf ah halkaan ka akhriso

Idaacada Codka Maraykanka oo Culimmada Waraysatay Dhagayso

 Bayaanka waxaa ku saxiixan, af hayeenka jamaacada Al-Ictisaam:
Sh- Xasan Maxamed Ibraahim (abuu xasaan)  +25290-797204 
xasanyare@msn.com

 

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Jamaacada Al- Ictizaam oo qodobo Muhiim ah kasoo saaray Xaalada wadanka Soomaaliya "

  1. Amow says:

    Waxaan perished al icisaam dagaalDii ay galeeen yaaa loo heestaa .hada ayey banana soo saaray.waa cajiiib

  2. hassan says:

    Waa ku mahadsan yihiin culumadu qodoba ku dhaqan u baahan yihiin,balse xasuusnaada ha noqonina kuwa Allah ku tilmaamay Quraanka Kariima mahaad u sheegtaan waxaadan samaynaynin , ma ilowdeen aayada ahayd Nabiyow u dig cashiirtada kuu dhow, somali land ku baraarujiya in ay diinta ay ku maamusho waddankeewda naagaha laga sii dhaqansiiyo macruufka munkarkana laga zuliyo wabillahi towfiiq