Home » Maqaallo »

Nin ku Dilay Har Kuuma Jiido

Dowladda Ingiriiska oo gummeysiga Taqasus ku leh waxaa tusaale u ah in gumeystaha uu mansab ahaan ka sareeyo midka la gummeysto,sidaas daraadeedna waa in marna dadka la gummeysto loo muujinin haba yaraatee wax jil-jileec u muuqdo ama naxariis,waa in qofka la gummeysto ad-adeegnimo loola dhaqmaa ilaa laga gaarsiiyo ilbaxninmo lagu kal soonaan karo.

Fikradda sidaas ah ayadoo ay jirto ayaa Ingiriiska waxa looga guuleystay UN dhexdiisa taariikhda markii ay ahayd 18.05.1949 in koofurta Soomaaliya 1950 ilaa 1960 hab aministration(TRUSTEESHIP)ah lagu wareejiyo dowladda Talyaaniga si waqti toban sano gudahooda ay koofurta xuriyad buuxdo ku gaarsiiyo. Kaddib guuldarrada UNka kala kulantay ayaa dowladda Ingiriiska waxay ku dhaqaaqday in ay kala qob-qobto dhulka Soomaaliya una qeybiso shan waaxood.Ugu horeyn 1954 waxay Xabashida gacanta u gelisay dhulkii loo yiqiinay HOWD,1963 ayaa haddana dowladda ingiriiska waxay dowladda Kenya ku wareejisay dhul baaxaddiisa weyn tahay oo loo yaqaan NFD ( NORTH FRONTIER DISTRICT ).

Cadawtinimada NFD nalooga qaaday waxay sababtay in golaha wisiirada soomaaliya uu markaas madax ka ahaa Allaah ha u naxariistee Cabdirashiid Cali Sharmarke ay ingiriiaka u jarto xiriirkii diblomaasiga intaas waxaa dheer in birihii jidka railka oo tariinka Xamar, Afgooye, Jowhar, isku xiri jiray in uu ingiriisku u raray waddanka Kenya waana midka haatan ka shaqeeysa inta u dhexeyso Nairobi iyo Mombaasa.
Intaas waxaa kale oo u dheer Ingiriiska in uu Yemen ku wareejiyay jasiirad soomaalida ay leedahay oo loo yaqaan SOKOTRA waxay 300 km u jirto waddanka Soomaaliya,meesha ay yemen u jirto wax ka badan 350 km.( NIN KU DILAY HAR KUUMA JIIDO )!!!.

Ma jirto haba yaraatee wax dhibaato ah oo laga tirsanaayo shacbiga ingiriiska,balse dowladda ingiriiska oo ku doodayso in ay soomaali wax u qabaneyso waa isla tii waddanka Soomaaliya u kala qeybisay shan waaxood oo ilaa manta xal loo waayay sidii dib la isugu keeni lahaa ama loo mideyn lahaa.

Wax kasta oo dhibaato ah ama dibin daabyo ah mid hore ama mid dambe oo shacabka Soomaaliya loo geystay ingiriiska ayaa si toos ah ama si dadban masuul uga ah.
Mar waliba uu dadka soomaaliya isku dayo in uu kasoo kabsado dhibka asiibay muddada kor u dhaaftay 21 ka sano waxaa isla markiiba ka hor yimaado fara gelin dowlado geyiga dano gaar ah kaleh,sida haatanba ay dowladda Ingiriiska u qaban qaabineyso shir kusheeg waxba ku soo kordhin doonin danaha gaarka ee Soomaaliya, ugu dambeystiina shirka waxa uu kusoo idlaan doona jidkii ay mareen kuwii ka horeeyay oo ah ( QOWDA MAQASHII WAXNA HA U QABANIN )!.

Soomaaliya muddoo aad u fog ayeey la dalaa dheceysay cudurka kallifay in dowlad nimadii faraha ka baxdo, labaatan iyo koowgii sano ee la soo dhaafay dhowr iyo toban jeer ayaa loo fariistay sidii loo dabiibi lahaa cudurka soomaalida ku raagay,intaas goobood oo la isugu yimid marna ingiriiska kama soo muuqanin,balse manta sababta uu dibadda ugu soo baxay waxa uu arkay in dhibka soomaali haleeyay uu godkiisa ugu soo galay.

Qoys kalluumeysata ah ayaa wiil waxa uu aabihiis weydiiyay in aaqiro la jallaaban karo, odaygii ayaa waxa uu ugu jawaabay maandhow ninna meherad la’aan meel uma fadhiyo.Ingiriiskana waxa ay meheraddiisa koowaad tahay dullaal nimo la xiriirta caymiska maraakiibta,waxa dalkiisa ka jiro dhowr iyo toban shirkadood sida Lloyd insurance oo idil kooda taqasus buuxa uleh caymiska maraakiibta.

Muddooyin kaan dambe waxaa soo korortay in burcad badeed ay jidka ama marinka u fariisatay maraakiibtii badaha isaga gooshi jirtay,shirkadihii maraakiibta lahaana ku kallifay in ay hakiyaan isu socodka badaha,sidaasna uu Ingiriiska ku waayay lacagihii faraha badnaa ee insurance uu sida joogta ah dhaqaalihiisa ugu kabi jiray.
Dowlad waliba danteeda wey taqaana Ingiriiskana waxa uu manta baadi goob ugu jiraa shirkana u abaabulay in uu helo dowlado badan uu u kaashado la dagallanka wiilasha yay yar ee soomaalida ah oo ku hubeysan qoriga AK47 laguna til maamo in ay yihiin burcad badeed.

Reer Bay iyo reer Bakool ayaa waxaa hal-heys u ah ( ninkii gurbaan xado goobtii uu ku tumi lahaa ayaa laga rabaa )!!!!,geba gebada maqaalka waxaa goob jog loo yahay madasha loo ballansan yahay 23 ka bishaan kheyr iyo khasaare waxa ay soo kordhiso.
Avv.Xussein Diiriye Afrax Edmonton
London

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Nin ku Dilay Har Kuuma Jiido "

  1. Cumar says:

    ASC,
    Dadka aan nahay waxaad la moodaa inaan imtixaan aad adag nalagu ibliteelyay, waayo intaa hoga tusaaleyn xaqiiqo raaadadkeedu si weyn loo iftiimanayo ayaa la qoraa lana sheega ama waaqac ahaan u dhacaya sida maqaalkan Avv.Xuseen iyo kii ra’yiga ahaa uu Cadulqaadir Maxamed shalay soo baxay iyo kuwa kaloo ka sii horeyayba intaba.
    Arrinka waa sida ayadoo shir loo qabanayo dadka asalka ahaan dega North america iyo Australia ( Hindida cas-cas iyo Aborigin) kuwaas dawlado tooda ah iyo qaran sal adag leh uu Ingriisku daneynayo inuu u yagleelo
    Bal dhakhtarkii shalay xabnahayaga inta kala jar-jaray kuwana sumeeyay ayaan maanta rabnaa inuu na dabiibo.