Home » Warar »

Shirkii 2aad ee Garoowe oo ay ka soo baxeen Go’aano ay Adkaan doonto Fulintooda

Wararka ka imaanaya Degmada Garoowe ee Gobalka Nugaal ee Maamulka Puntland waxay sheegayaan in halkaasi lagu soo gebagabeeyey shirkii Garoowe labo oo mudo 4 maalmood ah halkaasi ka socday, waxaana shirkaasi soo xiray Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in go’aanada ka soo baxay shirka ay yihin kuwo muhiim ah balse ummadda Soomaaliyeed looga fadhiyo sidii loo fulin lahaa qodobadaasi.

Halkan ka daawo sawirada shirkii Garoowe 2

Qodobada ka soo baxay shirkaasi ayaa waxaa ka mid ah in 18-ka gobal ay soo xushaan gobal walba 3 xubnood oo loogu yeeri doono Golaha Wakiiladda waxayna tiradu isku noqoneysaa 54 xubnood, hase yeeshee soo xulitaankaan wakiilada Gobaladda ayaa dadka u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya waxay sheegayaan in ay adkaan doonto qaabka loo soo xulayo wakiiladaasi, maadaama gobalada qaarkood ay wada deganaan dhowr beelood oo ay adkaan doonto sida wax loogu qaybiyo.

Qodobada kale ee shirka ka soo baxay waxaa ka mid ah in la dhiso Gole Baarlamaan oo gaaraya 225 xildhibaan, lamana faahfaahin cida soo xuleysa baarlamaankaasi oo la sheegay in ay dooran doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa kadibna ay dooran doonaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, hase yeeshee soo xulitaanka golaha Baarlmaaanka ee iminka Jira oo markii ugu horeysay dhibaato weyn lakala kulmay ayaa haddana la sheegayaa in ay adkaan doonto in si dhaqsi leh loo soo xulo. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyey in Haweenka ay ku yeeshaan Baarlamaanka Boqolkiiba Sodon.

Waxaa kaloo ka mid ahaa Go’aanadda ka soo baxay shirkii Garoowe waxaa ka mid ah in Xukuumadda la magacaabi doono Wasiiradooda ay noqdaan Tiro gaareysa 28 Wasiir waxa weli las isku mari la’ yahay Guddiga Dastuurka Qaranka waxaa kaloo la isku mari la’ yahay Golaha Maxakamadda Sare iyadoo labadaan Qodob weli aan si rasmi ah loogu heshiin.hadana waxaa dastuurka Ansaxin doono ilaa Kun qof oo laga soo xuli doono qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Halkan ka daawo sawirada shirkii Garoowe 2

Shirkii 2aad ee Garoowe waxaa lagu gaaray in go’aanadii ka soo baxay in lagu dhameystiro shirka 23-ka bishan la filayo in uu ka furmo Magaalada London ee dalka Ingiriiska oo la filayo in ay ka qaybgalaan saxiixayaashii Shirkii Garoowe balse ummadda Soomaaliyeed ayaa dhaliilsan shirkaasi, waxayna dadku u qaybsan yihini labo qaybood, qaar ayaa sheegaya in go’aanadii shirkaasi ka soo bixi doona aysan waxba ka duwaneyn shirarkii horey loo qabtay oo qaarkiid ku dhamaaday fashil iyo dagaal halka kuwa kale ay leeyihiin waxaa shirka London ka soo bixi kara go’aano wax ku ool ah oo wax weyn ka bedeli kara xaaladda dalka Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Warsaxaafadeedka DFKMG ka soo saartahy xiritaankii shirkii Garoowe 2

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Shirkii 2aad ee Garoowe oo ay ka soo baxeen Go’aano ay Adkaan doonto Fulintooda "

  1. Ahmed Hassan says:

    Waa qoraal fiican. Furaha arinku waa is aaminaad iyo isu dulqaadasho sida hada aduunku kuwada noolyahay. Waxay ila tahay in hadii la doonayao in ay wax hagaagaan ay qodobada lagu heshiiyey la meel marin karo. qof ama qabiil kasta lama qancin karo, midkii la qanciyaa mid kaluu ka caraysiinayaa.

    Gunaanadkii waxaan leeyahay waa fursad qaali ah marxaladaan waayo iyadoon dagaal ku iman ayaa markii ugu horeysey la isku raacay ariman:
    – in barlamaan la kala diro
    -in ku-meelgaarnimada laga baxo
    -in Systemka federalka la raaco.

    Asalaamu Caleykum

  2. aad baan ugu faraxsanahay dhamaan qodobadaas lagu heshiiyay waxaanan rajaynayaa in ay dhibaatada soomaaliya ay itaas ku ekaato insha alaaaaah