Home » Faallo »

LABA CADOW

Laba cadaw ayaad leedahay, cadawga gudaha(nafta iyo shaydaanka) iyo kan dibadda (reer galbeed, yurub iyo inta ay cagaha ku wataan).
 Markasta oo la is qayb qaybshaa, waa mar kasta oo la is naco oo la isku fiir fiirsado.
 Markasta oo la isku duubnaadaana waa markasta oo la is jeclaado, la isna kaashado.
Tusaale:Waxa dadka af Soomaaliga ku hadla soo maray fursad aad u qaali ahayd ama waqti aad u macaan badnaa oo dadku isku duubnaayeen isla markaana la is jeclaa, hal shayna la wada ilaashan jiray:

Soomaalida degta: koonfur, Waqooyi, Jabuuti , Kenya, ethopia , dhamaan ay mid ahaayeen oo ay wadaagayeen ama wada ilaashanayeen: hal diin, hal calan, hal luuqad,hal dhaqan iyo hal magac.
Arintaasi Soomaali waxay dhaxalsiisay ama geysay meel aad u sareysa oo ayna waligeed gaadhin.Waxay noqdeen mid ka mid ah dawladdaha afrika ugu quwadda wayn .

Bal u fiirso odaygan ubadkiisii la dar daarmaya.
Oday duqoobay ayaa waxa uu doonay in uu la dar daarmo ubadkiisii. Markaasu iskugu yeedhay, waxuuna u diray mid wal oo ka mid ah inuu keeno ama soo gooyo ul (laan) uu kasoo jaro geed.

Waxuu ku yidhi isku xidhxidha oo meel iskugu geeya dhamaan ulaha aad soo jarteen. Way isku geeyeen, waxuuna ka codsaday in mid walba uu isku dayo in uu kala jabiyo ulaha oo isku xidhan, mid walba isku day, waxaase la waayay mid ka mid ah oo awood u yeesha in uu kaligii kala jabiyo waxaas oo ul ah oo isku duuban.

Mar kale ayuu waxuu ka dalbaday odaygii ubadkiisi,in ay kala dhig dhigaan ama kala qayb qaybshaan ulihii , isla markaana mid walba ushiisa gaar u qaato, iskuna dayo in uu kala jabiyo, si yar oo sahlan ama fudud ayuu mid walba ushiisii uu u kala jabiyay.

Halkan ka akhri qoraalka oo PDF ah

Ugu dambeentiina wuxuu ku yidhi: Haddii aad isku duubnaataan, hawl yaraan la idiin kala jabin kari maayo ama la idiinka adkaan mayo. Haddii se aad kala tag tagtaan oo aad is kala qaybisaan, mid walba kaligii ayuu cadawgu cidla ka helaaya. Maah maah soomaliyeed ayaa tidhaa“Gacmo wada jirbay wax ku gooyaan”

Haddaba su’aal aan ku waydiiyee, cadawgan dadku haday kala tagaan soo doonanaaya, ama weerarka kusoo qaadaya, waa kuma, waa se imisa nooc?
Marka aynu leenahay cadaw, taa macnaheedu ma aha uun oo kaliya cadaw banaanka kaaga soo duulaaya ama dal kale oo ku soo galaaya, laakiin intaanu kaas dibaddu kuba soo gaadhin waxa ka soo hor maraaya cadawga kula deggan ama kula nool: waa nafta iyo shaydaanka.

Bal u fiirso, ka dib markii cadawgii bannaanku waa dalalka horumaray reer galbeed, yurub iyo intay cagaha ku wataane ay u quudhi waayeen ama ay ka maseyreen Ummad dhamaan wada muslim sunni ah, dhamaan isku wada luuqad ah, dhamaan aad moodo in ay hooyo iyo aabo kaliyi dhaleyn ama ubad walaalo ah, wuxuu maleystay haddii ay sidan sii ahaadaan in ay caalamka oo dhan qabsan doonaan.

Waxa uu damac ka galay dhulka wanaagsan ee khayraadku ku duuganyahay isla markaana ninkii lahaa garan waayay kana faa’iideysan kari waayay in ay iyagu qaataan. Meesha fiican ee uu caalamka kaga yaalo, kuna haboon dagaal iyo ganacsi labadaba.

ka dib muddo ayay u soo fikirayeen, waxaana isku soo bahaystey, Faransiis, Talayaani, Ingriis iyo inta ay cagaha ku wateenba hal mar ayay soo galeen dhulkii Soomaaliya, wayna kala qayb qaybsheen oo ay kala daadsheen.
Maah maah Soomaaliyeed ayaa tidhaa: “Col kaa badan iyo biya kaa badan ba way ku hafiyaan”.

Kaasi waa cadawgii dibadda ama banaanka ka yimid, oo kala dhigdhigay ama kala daadshay dadkii isku wada duubna.
Cadawgii gudaha: waa naftii iyo shaydaankiiye ayaa helay fursad uu ku hawl galo hadda. Maadaamo loo googooyay (jar jarey) hilibkii hadda waa cunnayaa oo keliyah.

Qayb walba oo meel lagu oodayba, ooddii ayuu ugu soo dhacay iyaga dhexdooda ayaana uu is tusay oo cadaw iskaga dhigay, mid walba ka u dhaw mooyaane, ka kale ayaa uu u tilmaamay oo ku yidhi: Kaasa kugu soo maqan ee ka hortag ama iska dhici. Wuuna u kala sheekeeyay isaga oo ka faa’ideysanaaya awood darida iyo kala daadsanaanta ku timid.
Waxaad arkaysaa dadkii uu gumeystuhu kala qayb qaybiyay oo qayb walba isku fiirsanayso ama isa sii kala saar saarayaan , sida tan:

• Waxay iska dhigeen oo ay isku kala saareen qabiil qabiil
• Qabiil kastaana waa uu isku sii fiirsadoo waxa uu isku sii kala saar saaray, qabiil hoosaad ama jilib jilib.
• Jilib kastaana waa uu isku sii fiirsadoo,waxa uu isku sii kala saar saaray, jilib hoosaada ama xigaal xigaal.
• Xigaal kastaana waa isku fiirsadeeno waxa uu isku sii kala saar saaray ilma’adeer
• Ilma’adeer kastaana waa isku fiirsadoo waxa uu isku kala saar saaray guri guri ama walaaalo.
• Walaalahiina waa isku fiirsadeeno waxay isku kala saar saareen, baho, ama is bahaysi iyo kanaan isku bah nahay.

Waxa ay gaadhay heer labadii walaalaha ahaa ay isku kala saaraan ama isku kala sheegtaan, isku xiriiriyaan, kanaan isku hooyo nahaya,ama kanaan isku aabo nahay.

Eray Soomaaliyeed ayaa ahaa: “Ma anaan garan halkay sartu ka qudhuntay”
Markii hore, cadawgii banaaanka inagaga yimid ayaa qarankii isku duubnaa inoo quudhi waayay oo ina kala qayb qaybshay isaga oo isku keen kaashanaaya.

Markii dambe ee aynu kala jajabnayna, cadawgii gudaha (naftii iyo shaydaanki) ayaa fursaddii iyo kala qaybsanaantii ka faa’iideystay oo iskeen tusay, qayb kastana sii kala qayb qaybshay ama isku diray.
Haddaba ii ogolow in aan su’aal ku waydiiyo:

Waa maxay sababta uu cadawga gudaha (nafta iyo shaydaanku) uu inoo kala qayb qaybin kari waayay ama dhexdeena inoo kala saar saari kari waayay, markii ay Soomaalidu isku duubneyd ee ay midka ahayd?
Waa maxayse sababta ay caalamka oo dhan ama intii ugu quwadda wayneed iyo daba dhilifkoodiiba isku keen soo bahaysteen?

Jawaabta oo aad u dhaw ama agtaada taala, waxaad ka helaysaa sheekadii yarayd ee aynu ku soo qaadanay isla qormadan ee ahayd odaygii la dar daarmaayay ubadkiisa.
Soomaalidu marka ay isku duubneyd waxaa ka dhignaa markuu odaygu lahaa ulaha isku xidha oo isku daya in iyagoo isku duuban aad kala jabisaan. Ubadkiina waa kuwii awood u yeelan waayay ay ku kala jabiyaan ulihii.
Sidaa daraadeed cadawga guduhu awood uma lahayn uu kaligii inagu kala qaybiyo, ee waxa uu ka faa’ideystay caalmakii kale isku keen kaashaday.

Markuu odaygu ku yidhi: ubadkiisii ulaha kala dhig dhiga, oo kala saar saara, mid waliba waa kii ushiisii si sahlan ku kala jabiyay: waxaa ka dhigan, ka dib markay naftii iyo shaydaankii ay kala daadsanaanteenii ka faaideysteen ee ay mid walba si yaro fudud ku sii kala ja jabiyeen.

“Dhakhtarku ma daweeyo cudurka, illaa uu garto ama uu baadho xanuunku nooca uu yahay iyo halka uu asiibay”
“Qaraabada dhabta ahi ,Waa inta qawl iyo Wadaagtaan qaran” waaberi

Ibrahim aw xassan ismaciil (waaberi)
Ibro29@hotmail.com
qaahira

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " LABA CADOW "

  1. xakiim says:

    Asc, Dhammaan bahda Somalitalk oo ku caan baxday ka haqabtirka umadda Soomaaliyeed Wararka, Maqaalada, Taariikhda iyo dib u noolaynta afkii Soomaaliyeed waan u mahadcelinayaa.
    intaa kadib, run ahaantii Qoraaga Maqaalka waan uga mahadcelinayaa aragtidiisa wanaaga badan, iyo sida uu u jeclaan lahaa in uu dib u arko Soomaaliya oo dib u midowday, kuna dhaqanta Shareecada Islaaamka, taasina waa ujeedooyinka ugu waaweyn ee dhammaan waxgaradka Soomaaliyeed ay raadinayaan.
    waan ka sugaynaa Qoraaga, Maqaalada noocaan ah, iyo waliba kuwa kasii fiican.
    Mahadsanidiin.