Home » Warar »

Xildhibaano Gaaraya 270 Xildhibaan oo Cod Aqlabiyad kaga soo Horjeestey Shirka ka Furmey Magaaladda Garoowe

Xildhibaanada Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee dhawaanta xilka ka qaaday Guddoomiyaha Barlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho,Kulankii maanta oo uu shir guddoominayay Madoobe Nuunoow ayaa ajnadhaha looga doodayay waxa uu ahaa Kulanka la filayo inuu maanta Magaalada Garoowe uu ka furmo.

Kulanka ayaa dood dheer iyo falanqayn kaddib waxa ay Mooshin ka keeneen Shirka Garoowe Qodobada ka soo bixi doona iyo kuwii horeba uga soo baxay.Kulanka ayaa cod u qaaday Mooshinkii shirkaa laga keenay iyadoona in ku dhow laba Boqol iyo todobaatan Mudane ay u codeeyeen in la qaadaco gebi ahaanba Qodobada shirkaas ka soo baxa iyo kuwii horaba uga soo baxay.

Cod qaadista oo ahayd gacan taag ayaa waxaa ka soo hor jeestay illaa Toban Xildhibaan halka sedaxina ka aamustay arrimihii ajandhe ahaan uu maanta shirku uga doodayay.Gaba gabadii shirka ayaa waxaa halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Shirkaas Madoobe Nuunoow kaasoo sheegey in si aqlabiyad leh ay u meel mariyeen Go’aan ay ka qaateen Shirka Garoowe oo manta la filayo inuu ka dhaco Magaalada Garoowe.

Xildhibaanadan Barlamanka ayaa sheegey in shirkaas iyo natiijada ka soo baxdaba ay ahaan doonaan kuwo aan Muqdisho ka shaqayneyn isla markaana ay ku gacan seeyrayaan go’aan walba oo ka soo baxa shirkaas.
Ma aha markii u horeeyay ee Xildhibaanadan ay ka soo hor jeestaan go’aano horey loo gaaray, waxay hore u fara geliyeen Shirka la filayo in bishan sedax iyo labaatankeeda uu ka dhaco Magaalada London ee Carriga Ingiriiska kaasoo ay sheegeen inaanu Soomaaliya ka shaqayneyn haddii aan barlamanka la soo marsiin qodobada looga hadlayo

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Xildhibaano Gaaraya 270 Xildhibaan oo Cod Aqlabiyad kaga soo Horjeestey Shirka ka Furmey Magaaladda Garoowe "

  1. warsame says:

    Waxaan ka cod sanayaa baarlamanka soomaaliyeed ee sharafta mudan inay bad baadiyaan qanimada soomaaliyeed ee la doonayo in si dadban looga fara maroojiyo soomaalida dalkeeda khayraadkiisa iyo siyaasadiisa mustaqbalka dhaw.

    Waxaan rabaa in aad dib u xasuusataan oo aad dib isu waydiisaan su aasha ah maxaa dalkeena soomaaliyeed iyo dadkeena soomaaliyeed loo qaybsaday 1884 baarliin? waxaad dib u xasuusataan maxay ahayd sababta 1950 dalkeena oo uu ingiriis haysto guud ahaan marka laga rabo jabuuti oo faransiis haystay uu talyaani ugu qabsaday madama dalkeena talyaani laga qabsaday 1941 xiligaas oo u danbaysay talyaani kataliya koonfurta soomaaliya?

    Ingiriis iyo talyaani dagaalankii dalkeena lagu dagaalamay anaa haysan iyo anaa haysan maxaa 10 kii sano ee xoriyad gaarsiinta maxaa keenay in talyaani laynoo dhiibo isagoo haystay koonfur oo kaliya kahor 1941 dii?

    Waxaad ogaataan gumaysigu inagama tagin waligiiba waayo dhulkeena ayaa ah dhul leh shidaal ku jira bada iyo barigaba waxaa intaa dheer xeebta uugu dheer afrika oo dhan markaa khayraadkaa ayaa larabaa in shisheeye inaga qaato waligiiba waa inagu maqan yahay.

    Dib u xasuusta in Adan cade diiday in reer galbeed qaato khayraadkeena isagoo og in aynu u baahanahay wax inoo soosaara hadana heshiiska ayuu diiday oo ah is dhiib oo aan badalo dhaqankaaga aan hanto siyaasadaada oo ku hago wax walba iiga danbee khayraadka dalkaagana adigu arag waxaan kaa siiyo hayla xisaabtamin taasoo uu diday gaashankana ku dhuftay oo uu yiri ha iigu jiro oo aan ka baahnaado dharag gunimo soomaali baan ahayoo diiday. ilaahay ha u naxariis geesigaas wadaniga ahaa.

    Waxaa kuxigay Cabdirashiid cali sharmarke wadadii walaalkiis Adan cade u jeexay ayuu maray wuxuuyiri gobonimada ayaan ka jeclahay gumaysi iyo adoonsi dharagleh.Ilaahay ha u naxariisto geesi gaas wadaniga ahaa.

    Waxaa kuxigay Siyaad bare waxa uu yiri hadalkii caanka ahaa wuxuu yiri hadii aad nagu xirteen shuruud ah inaan is dhiibno oo aad hogaanka noo qabataan oo markaa kadib aad waxa dhulkayaga ku jira aad noo soo saartaan inta badana qaadataan oo macmiil naga dhigtaan waxaan ka door biday wiilka 6 facood igu abtirsadaa hala soobaxo gunimo dharag leh gaajo gobonimo leh ayaan ka doortay waxa uuna raacay wadadii walaalihii adan cade iyo cabdirashiid kuligoodba geesiyaashaas ilaahay ha uwada naxariisto.

    Maanta waxaa taagan in markii layna kala qaybiyay oo qabyaalad laynugu ibtileeyay oo hub laysugu keen dhiibay oo aan iska dilay aqoonyahankii wadanigii wax garadkii oo aan dadkeenii iyo dalkeeniiba burburinay oo magacyo kala duwan laynoo wada bixiyay oo aan jilicnay oo qabkii iyo raganimadii inaga dhamaatay oo layna wareeriyay ayaa la rabaa in si aan gorgortan iyo wada hadalba lahayn in lagu xalaalaysto khayraadka dalkeena iyo siyaasadeenaba oo layna hogaamiyo siyaasiyan.

    Galkii INGIRIIS waxa uu inoo soo kaxaystay KENYAATI waligiina waa wadan jiray ileen waa adoon ubisil adoonimada oo waa hore la dilooday waa doon ingiriis kenyaati taa ku baraaruga isagaa laga dhiganayaa ciidankii dalkaan lagu qabsan lahaa soomaaliyana hub iyo ciidan qaran ingiriis ma uu udoonayo siyaasiyiinta soomaaliyeedna waxay wada rabaan aaboow jago isii aboow ingiriis wax isii noo tali aaboow ayay wada leeyihiin waad u jeedaan.

    Waxaad ogaataan reer yurubku inay yihiin dad raba aduunka inay kaligood noolaadaan afrikaanka dhulkooda ka xoogaan si toos ah iyo si dadbanba hadaba itoobiyadan aan colka u haysano inay dhulkeena qabsadaan iyagoo waliba gaalo ah oo ay badaas iyo khayraadkaas qaataan gaalo uma ogola wayna ka hortaagan yihiin xataa inay ka hoos shaqeeyaan gaalo ma ogola waayo itoobiyaanku waa niman qableh oo isla wayn oo afrikaanimada la wayntahay laakiin kenyaatigu waa adoon u diyaar ah adoonimada markaa gaalku kunuu wataa oo isticmaalayaa itoobiya marabo ogaada.

    Hada ingiriis dalka waa qabsaday maqaarsaar baa larabaa markaa baar lamaanoow idinkaa matala umadii soomaaliyeed naftu mar bay baxdaa gobonimo ku dhinta oo difaaca dalkiina talada dalka idinkoo taagan yaan laydin dhaafin daka caymiya oo gumaysi diida dadban.