Home » Warar »

Madaxweyne Shiikh Shariif oo Dalbadey in Cunaqabateynta Hubka laga qaado si ay ula Dagaalamaan Al Qaacida

Banaanbax uu soo soo maamulay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho gaar ahaana degmada Xamar Weyne.Boqolaal dad ah oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan lix iyo tobanka degmo ee Gobolka banaadir ayaa maanta socod ku maray wadooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa ugu danabayntii socodkii ay ku soo mareen waddooyinka Degmada Xamar Weeyne waxay socodkoodii ku soo gaba gabeyeen Barxadda Ex. Fiyoore ee Magaalada Muqdisho.Fagaaraha Banaanbaxa lagu soo gaba gabeeyay oo ammaankiisa si aad ah loo adkeyay ayaa waxaa soo xaadiray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Shiikh Shariif iyo Xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada.

Madaxweyne Shariif oo ugu horeyntii halkaa Khudbad ka jeediyay ayaa sheegey inuu dhamaaday Dagaalkii Shabaab mAanta wixii ka danbeeyana uu bilaabanyo dagaalka Al Qaacidda waa siduu hadalka u dhigaye. Shariif Shiikh Axmed ayaa ka codsaday Golaha ammaanka ee qaramada Midoobay in Soomaaliya laga qaado Cunqabateynta Hubka ee saaran.

Sheikh Shariif ayaa weeydiiyay Shacabkii bananabaxaas ka soo ka soo qayb galay sida ay suurta gal u tahay in la dhisso Ciidamada qaranka isla markaana ay joogto Al Qaacidda.Madaxweyne Shariif ayaa ku celiyay codsigisii ahaa in laga qaado Soomaaliya Cuna qabataynta Hubka si dagaal kama dambays ah loogu qaado Al Qaacidda hase yeehsee waxaa Deegaanada ay maamul;aan Xarakadda Alshabaab ka dhacayey Banaanbaxyo aad u balaaran oo lagu taageerayey ku biiritaanka Xarakadda Ashabaab ee Ak Qaacida .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinklhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Madaxweyne Shiikh Shariif oo Dalbadey in Cunaqabateynta Hubka laga qaado si ay ula Dagaalamaan Al Qaacida "

  1. ali gurey says:

    Waxaa jira arrin ubaahan digtonaan laga galo codsiga Sheekh shariif ee ah in laqaado cunaqabataynta hubka, ogaada ma-jirto dawlad hanankarta dhawrista iyo ilaalinta hubka soomaaliya, waxayna halis u tahay inuu galo gacanta dadweynaha iyo kooxo kala gedisan oo nabad diid ah, waana sida uu rabo Sheekh Shariif ka dibna , dagaalkii sokeeye dib logu bilaabo hubka la-siiyo Sheekh Shariif.

  2. warsame says:

    Waan kaxumahay madaxweeynahaygu waa nin yaroo aan lahayn khibrad maamul iyo hogaamin siyaasadeed sidaa daraadeed maba uu fahan sana shaxda dulsaaran!! waa runtii oo ciidan u dhashay dalkaan ayaa xaq uleh inay dalkooda la wareegaan amaankiisa kana ilaashadaan cadawga dibada iyo gudaha hadaba dawladaha shisheeye haday dhab katahay caawimaadu iyo xiriirka saaxiibtinimo oo ay amaan ahaan wax nala qabanayaan aqligu waxa uu ogol yahay in ay madaxwaynaha ku gacan siiyaan dhisid ciidan qaran xag dhaqaale tababar iyo qalab intaba.

    Laakiin wixii laynoo burburiyay oo dawladnimadii laynooga burburiyay waxay ahayd in laynaga dhigo sacabooleey qaran aan hubaysnayn oo aan ula jeedo ciidan milatari oo qalbaysan iyo booliis qalabaysan lama doonayo in aynu dib danbe u helo sababtoo ah waxaa halkii sidaa laga samayn lahaa laga abuuray ciidamo adoon ah oo u shaqeeya reer yurub oo la maal galiyo kuwaas oo ushaqaynaya in ay laayaan cidkasta oo kasoo horjeeda talada reer galbeedka ama ha ahaado mid diin raba ama ha ahaado mid wadani ah waxay ciidamadan uugu yeereen inay ilaalinayaan nabada goobaha dawlada arintaa ufiirsada hadana waxay kadagaalamaan meel walba ma dareemayno mana garan karo waa ciidan qaran adoonta aad u jeedaan mudo aad u dheer ayayna joogayaan dalkaan waana lasoo badinayaa gaar ahaan kuwa kenya ayaa aad loo soobadinayaa oo ah ciidan dadban oo ingiriis maha kenyaati qolofta unbaa ah adoonta.

    Adoontaan ayaa lagu qabsanayaa soomaaliya ninkii hadlana waa jidhdilayaan mar dhaw.lama ogola ciidan soomaaliyeed sidee kujiri kartaa madaxweeyne ayaa tahay baarlamaan ayaad tahay wasiir ayaa tahay dawlad ayaad tahay ku meel gaar ah laakiin ciidan mayeelankartid oo xor ma ahaan kartid soow uma jeedid gumaysiga?

    shidaalkaa larabaa dhulkaa lasoo dajinayaa cadaan lacag wata oo xeebaha qaata waxa larabaa waa khayraadka iyo dhulka oo cadaan soo dago.

    Soomaaliya waa laqabsaday indhaha hala furo waa layna qabsaday waxaana laynoo sheegi 23 bishan in layna haysto si shakigu inooga baxo ah in layna qabsaday. shariif ciidan muxuu karabaa miyuusan arag kenayaatiga soo galay dalka iyo amisom oo galadu utaqaan ciidan qaran ee soomaaliya!!!!!